28 November 2011Waagacusub.com-Madaxweynaha Jibouti
Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed
Siilaanyo ayaa markii ugu horeeysay la xaqiijiyay inay
kala saxiixdeen heshiis lagu qeexay hab qeybsiga cusub
ee gobolka Salal oo ka mida dhulka beesha Samaroon .
Heshiiska labada dhinac kadib waxaa telefishinka Jibouti
ka soo muuqday Wasiiradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland
iyo Jibouti kuwaas oo ka shaaciyay in labada maamul
heshiisyo muhiima kala saxiixdeen.
Qodobadda Ismaaciil Cumar Geelle ka saxiixay Madaxweyne
Siilaanyo waxaa ka mida in degaanka Dooxa Bariisle laga
qodo Ceelal ay ka biyaha ka cabaan Shacabka Jibouti.
Heshiiska wuxuu dhigayaa in Jamhuuriyadda Jibouti biyaha
macaan ka qaadan doonto Dooxa Bariisle oo u dhaxeeya
Toqashi iyo Loowya Cadde.
Lowya Cadde iyo Toqashi waxay ka tirsan yihiin gobolka
Salal ee Beesha Samaroon degto waloow dhinaca xeebta
ay la degaan beesha Ciisaha ee Madaxweyne Geelle ka
dhashay.
Shirkad Faransiisa oo lagu magacaabo ALS ayaa degaanka
ABASA waxay ka baari doontaa Macdan iyo dhagxaan Dahaba,sidaana
waxaa dhigaya Heshiiska cusub ee Jibouti iyo Somaliland.
ABASA Waxaa ku taal Xabaal ma guuraan (ANSAARU KHADIIM)
waxaana ku jira taariikhahii Axmed Gureey iyo Boqortooyadii
ADAL.
ABASA waxay u dhaxeysaa Boon iyo Garba dadar.Waxay ka
tirsan tahay gobolka Salal waxayna hore uga tirsanaan
jirtay gobolka Awdal.
Shirkadda Faransiiska waxay sidoo kale Macdan iyo Gaas
ka baari doontaa degaanka Ceelgaal.
Qabiilka Samaroonka (Gudubiirsi) waxay ahaayeen qabiilka
1-aad ee dalka Jibouti hasse yeeshee markii uu Madaxweynaha
ka noqday Xasan Guuleed Abtidoon waxaa meesha ka baxay
awoodoodii Jibouti iyagoo maanta noqday qabiilka 3-aad
ee awood qeybsiga Jibouti.
Madaxweyne Geelle ayey dad u dhashay qabiilka Samaroonka
ku eedeeyeen inuu Caasimadda Gobolka Salal ee Saylac
ku beeraa dad u dhashay Ciisaha si ay awood ugu yeeshaan.
Ugaaska Beesha Ciisaha ayaa taariikhda markii ugu horeeysay
lagu caleema saaray Magaaladda Saylac taas oo Gudubiirsiga
ku noqotay filan waa.
Degaanada Gudubiirsiga degaan ee SALAL IYO AWDAL waxay
ka mid yihiin degaanadda ugu dihan goboladda Somalia,waxaana
la sheegaa in gobolada labaad yihiin Bay iyo Bakool.
Heshiiska Cumar Geelle iyo Axmed Siilaanyo waxay Xeeldheerayaasha
ku sifeeyeen mid lagu qeybsaday dhulka Samaroonka maadama
Isaaqa iyo Ciisaha ka madax yihiin Jibouti iyo Somaliland.
Samaroonka waxaa lagu tilmaamaa qabiil Ilbaxa oo halgankii
Somalia horkacayay,waxaana xusid mudan inay leeyihiin
lahjad u gaara oo la yiraa Cabdi Raxmaaniya.
Inkastoo Marwadda Ismaaciil Cumar Geelle u dhalatay
Isaaq hadana Madaxweyne Geelle ayaa la sheegaa inuu
jecleen hasse yeeshee soo dhaweeyntiisa cusub ee Madaxweyne
Siilaanyo uu rooga cas ugu dhigay ayaa la sheegay inuu
uga gol leeyahay sidii loogu saxiixi lahaa heshiiska
cusub.
Madaxweyne Geelle wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka labaatan
sano ka soo horjeeday in Somaliland loo aqoonsado dowlad
madaxbanaan,waxaana waxyaabaha uu ku diidan yahay ka
mida walaac uu ka qabo dekadda Berbera maadama dhaqaalaha
dalka Jibouti yahay mid ku tiirsan dekadooda oo dalka
Ethiopia ay isticmaalaan.
Si kastaba ha ahaatee,waxay Xeeldheerayaashu leeyihiin
LABADII XAQDARO KU HESHIISO ,XAQA AYEY KU DAGAALAAN.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download