28 November 2011Waagacusub.com-Wargeyska Yool ee ka
soo baxa Hargeysa ayaa Cadadkiisa maanta ku hardhay
bogga hore "Iyagaa Hal-hays u Lahaaye,
Waa Markii ugu Horeysay ee Jabuuti Biyo Looga Sahamiyo
Somaliland"
Hargeysa(Yool)-Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland,
waxay had iyo jeer markay fagaarayashaa ka hadlayaan
caan ku yihiin inay kusoo hal-qabsadaan Waa Markii Ugu
Horeysay, xataa haddii ay ka hadlayaan arin ku saabsan
jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed waa
markii ugu horeysay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ah dal
Juquraafi ahaan ku yaal dhul lama–degaan u eke ah, isla
markaana lagu tiriyo wadamada Biyo-yaraantu ka jirto
ama aan lahayn kayd-biyo ah oo ku filan, ayaa waxa sahamin
dhinaca Biyaha ah looga wada deegaano ka tirsan xeebta
Galbeedka Somaliland.
Haddaba, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin hindisaha
qorshahan, hadana xogo Wargeyska “Yool” helay, waxa
sheekadani dib-u-soo cusboonaatay tan iyo intii Xukuumada
Madaxweyne Siilaanyo hoggaanka talada dalka la wareegtay,
kadib markii ay si xawli ah usoo korodhay baahida dhinaca
Biyaha ee dalka Jabuuti, taasoo sida lagu sheegay daraasad
horraantii Sannadkan laga sameeyey Jamhuuriyadda Jabuuti
lagu oggaaday in Biyaha kaydka ah ee dalkaasi leeyahay
si weyn hoos ugu dhaceen, iyadoo sidoo kalena uu dhalan-gedis
ku yimi dhadhankooda.
Waxa kaloo, wararku intaa ku darayaan in meel ilaa
iyo hada loo qorsheeyey in hawlshan laga hirgeliyo ku
kooban tahay oo keliya deegaanada hoos-yimaada Gobolka
Salal, gaar ahaan Doox Bariisle, oo sida wararku sheegeen
hadda ay ka socoto mashruuc Ciid lagaga gurayo Dooxa,
taasoo la geeyo dhinaca dalka Jabuuti. Sidoo kale, waxa
ilahaasi tibaaxeen in sida qorshuhu yahay lagu talo
jiro in Ceelasha laga hirgeliyo agagaarka degmada Ceel-gaal.
Degmada Ceel-gaal, ayaa Toddobaadkii hore Wasiirka
Macdanta iyo Biyaha Somaliland, waxa uu xadhiga ka jaray
Ceel-biyood ay hirgelintiisa lahayd dawlada Jabuuti,
isla markaana sida Wasiirka Khayraadka ee Jabuuti munaasibadaa
ka sheegay ay ujeedada hirgelinta Ceelkaasi ugu talo
galeen inay kaga qayb qaataan la dagaalanka Biyo-yaraanta
iyo Abaaraha deegaanadaa ka jira.
Geesta kale, kulan labada Wasiir maalin ka hor ku yeesheen
Magaalada Jabuuti, waxay wada saxeexeen heshiis ay ku
micneeyeen inuu yahay mid labada dal iskaga kaashan
doonaan dhinacyada Macdanta, Biyaha iyo khayraadka kale
ay labadooda wadan leeyihiin, haseyeeshee aanu jirin
cid si dhab ah u og waxa uu ku saabsan yahay. Iyadoo,
sidoo kalena ay waajib ku tahay Xukuumada inay Goleyaasha
Xeer-dejinta soo hor-dhigto heshiisyada ay dalalka iyo
shirkadaha ajnebiga ah la gasho.
Inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee arintan
oo kale dhacdo tan iyo intii hoggaanka dalka gacanta
ugu jirey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, hadana waxa
talaabadani kaga duwan tahay heshiiyada iyo qorsheyaashii
kale Xukuumadu la gashay shirkado iyo dal kale, kuwaasoo
ilaa iyo hadda aan mid qudha la horgeyn Goleyaasha Qaranka
ee xaqa u leh go’aan ka gaadhistooda, waxay tahay in
aanu jirin habayaraatee qorshe cad oo Xukuumadu ugu
talo-gashay inay bedelkiisa kaga qaadato Jabuuti, maadaama
khayraadka dalka uu yahay asadka ummadda, sidaa darteed-na
waxa keliyee lagu doorsan kara uu yahay waxa Qaranka
faa’iido u leh, sida Aqoonsiga oo kale.
Siyaasadaha Hay’adaha Amnigu Miyay Kala Socdaan,
Mise Way Wadan Socdaan..!
Burco(Yool)-Ciidanka ilaalada Koontaroolka dhinaca
Galbeed Magaalada Burco, ayaa saacadihii danbe ee Habeenimadii
Axada ka soo qabtay meel aan ka fogeyn Koontroolka tiro
gaadiid ah oo laga leeyahay hay’adaha dhinaca sirdoonka,
kadib markii ay ka war-heleen inay wadada ka weecdeen,
una degeen jid-cadeyaasha ka baydha wadada Laamiga ah
oo ay markii hore socdeen.
Warkan oo Wargeysku ka helay dad deegaanka ah, ayaa
waxa uu sheegayaa in Ciidanka Koontroolku markii ay
warka dhacdaas heleen inay durbadiiba ku soo baxeen
goobtii, kadibna daqiiqado yar gudahood ku heleen Gaadiidka
iyo dadkii wataybe, haseyeeshee waxa wararku intaa ku
dareen in markii ay qadar yar u sii socdeen dhinaca
Magaalada qaar ka mid ah shaqsiyaadkii Baabuurta saarnaa
ay la hadleen xubno ka mid ah dadka ay wada-shaqaynta
leeyihiin ee ku sugan Burco, kuwaasoo iyaguna markii
lala hadalsiiyey Ciidamadii hawlgalka samaysay u sheegay
dadka iyo Gaadiidka ay soo wadaan-ba.
Waxaana wararku intaa ku dareen in markii Ciidamadu
ku qanceen aqoonsigooda ay dib xoriyadooda ugu celiyeen,
sidoo kale shaqsiyaadka iyo gaadiidka ciidanka ilaalada
Koontroolka Burco soo qabteen, ayaa la sheegay inay
ka tirsanaayeen hay’adaha sirdoonka ee gacan-saarka
la leh sirdoonka qaranka, balse waxa ilahaasi ka gaabsadeen
inay si cad u tilmaamaan meelaha ay ka tirsan yihiin,
maadaama aanay aqoon fiican u lahayn qaybaha hay’adaha
sirdoonka qaranka iyo kuwa wada-shaayntu ka dhexayso.
Haddaba, inkastoo Ciidaanku muujiyey feejignaan iyo
masuuliyad ku saabsan gudashada hawlaha xilku ka saaran
yahay, sidoo kalena ay dhici karto inay masuuliyiinta
sirdoonka lafdigoodu hawshan u samaynayeen inay ogaadaan
ilaa heerka uu gaadhsiisan yahay feejignaanta iyo xataa
haddii ay arintan oo kale dhacdo bal ilaa heerka uu
gaadhsiisan yahay in Ciidanku talaabo ka qaado, hadana
waxa haboon inuu jiro xidhiidh wada-shaqayneed oo mar-leyba
u dhexeeya masuuliyiinta sare ee hay’adaha amniga, kaasoo
ah mid wax weyn ka tari kara la dagaalanka shaqsiyaadka
duulaanka ku ah amniga nooc ay doonan-ba ha noqdaan’e.
Haddiise taa la waayo waxaan shaki ku jirin in si dhib
yar xataa iyaga gudahooda la isu adeegsado, halkaana
uu ka yimaado baylaha iyo dayacaad fursad weyn u noqota
dadka aan nabadgelyada jeclayn.
Madaxweynaha Jabuuti oo Xafiiskiisa ku Qaabilay
Dhiggiisa Somaliland
Maadaxweyne Geelle iyo Siilaanyo waxa ay yeesheen kulan
socday muddo saacado ah, waxaana la sheegay in ay labada
Hoggaamiye ka wadahadleen xidhiidhka labada labada ee
dhinacyada amaanka, ganacsig iyo dhaqaalaha.
Waxa kale oo labada Madaxweyne ay isla soo qaadeen
sidii loo dhamaytiri lahaa heshiisyadii ay labada dal
sannadkii hore kala saxeexdeen.
Dhinaca kale, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti
u sameeyay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii kulan
kale oo qado-sharaf ahaa.
Liverpool iyo Man City oo Isku Garab Dhacay,
Sky Blue oo Weli Laga Badin La’yahay
By Saed Mohamed Balaleti
Fursadii qaaliga aheyd ee uu badbaadiyay ciyaaryahan
Joe Hart ayaa keentay in 10 ciyaaryahan oo City ah ay
ilaaliyaan rikoorka aan weli looga badin Man City Premier
League ka dib markii ay barbaro 1-1 ah kula galeen Liverpool
garoonkooda Anfield.
Goolhayaha reer England ayaa badbaadiyay fursad qaali
aheyd intii lagu guda jiray seddexdii daqiiqo ee ciyaarta
lagu daray, ka dib markii madax uu soo galay Andy Carroll,
waxaana kooxdiisa ay haatan shan dhibcood ku heysaa
hogaanka horyaalka Premier League.
Vincent Kompany ayaa kubad madax aheyd hogaanka ugu
dhiibay City daqiiqadii 31aad ee ciyaarta ka hor inta
uusan Joleon Lescott labo daqiiqo ka dib gool iska dhalin
ka dib markii Charlie Adam uu kubad uu soo tuuray ay
ku dhacday taasoo qiyaantay goolhaye Joe Hart.
Mario Balotelli oo bedel ku soo galay ciyaarta qeybtii
danbe ayaa 18 daqiiqo gudahood waxa uu ku qaatay labo
jaale taasoo keentay in casaan la siiyo, waxaana uu
kooxdiisa ku qasbay inay ku ciyaaraan 10 ciyaaryahan
10kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay.
Ciyaaryahan reer Italy ayaa waxa uu seegi doonaa kulanka
Carling Cupka ee Arsenal ay la ciyaari doonaan, waxaana
muuqaneysay inay isku dhaceen isaga iyo tababare Robeto
Mancini.
Labada kooxood ayaa labadii qeyb ee ciyaarta fursado
badan iska qasaariyay, iyadoo Joe Hart iyo Pepe Reina
ay sameeyeen dadaal dheeri ah oo kooxahooda guuldarro
kaga badbaadiyeen.
Kulankaan ayaa waxaa hareeyay geerida tababarahii xulka
Wales Speed, taasoo keentay in Kenny Dalglish uu kooxda
ka saaro Craig Bellamy oo ka tiiraanyeeysnaa dhimashada
tababarihiisa xulka qaranka.
Liverpool ayaa waxa ay ku jirtaa haatan kaalinta 6aad
waxaana ay isku dhibco yihiin Arsenal oo 7aad ku jirta
waxaana ay wadaagaan 23 dhibcood.
Tababarihii Xulka Qaranka Wales Gary Speed
oo Is Diley
Tababarihii xulka qaranka Wales Gary Speed ayaa laga
helay shalay subax isagoo meyd ah gurigiisa waxayna
la rumeysan yahy in uu Gary Speed uu isdiley.
Speed oo 42 jir ahaa ayaa tababare u ahaa xulka Wales
tan iyo bishi December ee 2010, waxana xulka dalka Wales
uu shan kulan oo heer caalami ah uu afar ka mid ah guulesytey
waxana uu ka galay qiimeynta xulalka caalamka heerka
50aad.
Speed waxa uu hore uga soo mid noqday ciyaartoyda xulka
Wales isagoo muddo 14 sano ka mid ahaa xulka saftayna
85kulan oo heer caalami ah.
Speed ayaa intii uu kubbada ku soo dhex jirey waxa
uu la soo qeybsaday kooxda Leeds oo ku guuleysatay horyaal
sanadkii 1992dii. Waxa uu Speed hore ugu soo saftay
kooxo ay ka mid yihiin New Castle, Everton, Bolton iyo
Sheffield United. Speed ayaa muddo 22-sano ahayd ciyaari
jirey kubbada cagta isagoo saftay illaa 700 oo kulan
mudadaas.
Speed ayaa haystay rikoorka u yiil ciyaaraha Premier
Leagu ee ciyaaryahannaa kii ugu safashada badnaa isagoo
saftay 535 kulan tan iyo sanadkii 2009kii xilligaa oo
uu la wareegay goolhaye David James.
Speed ayaa ka fariistey ciyaarida kubbada cagta sanadkii
2010ka isagoo u wareegay dhinaca tababarka waxana uu
noqday tababaraha kooxda Sheffield United.
Speed ayaa lagu abaalmariyey abaalmarinta la yiraahdo
MBE sanadkii 2010, waxana uu ka tegey xaas iyo labo
carruur ah.
“..Tartanka La Liga Weli Ma Dhamaan, Real Madrid
Waan Garaaci Karnaa..”
David Villa
Weeraryahanka kooxda Barcelona David Villa ayaa sheegay
inuu filayo in kooxdiisa ay seddex dhibcood ka qaadan
doonto kooxda Real Madrid marka ay labada kooxood El
Clasico ku ciyaarayaan Bernabeu 10ka bisha December.
Guuldaradii xalay Barcelona ka soo gaartay Getafe ayaa
ka dhigeysa inay lix dhibcood ka danbeeyaan Los Blancos,
kuwasoo 4-1 ku xaaqay kooxda Atletico Madrid.
Ciyaarta ka dib goolhayaha Barcelona Victor Valdes
ayaa qirtay in kooxda reer Catalans ay dib uga dhacday
tartanka horyaalka, lakiin Villa ayaa aamisan in kooxdiisa
ay soo yareyn karto farqiga u dhaxeeya marka ay u safraan
Santiago Bernabeu.
“..Tartanka weli ma dhamaan, dhawaan iyaga ayaan la
ciyaareynaa, si degan ayaana u garaaci karnaa, waana
waxa aan haatan ka fekereyno..” ayuu Villa u sheegay
Barca TV.
“..Waa inaan badinaa kulanka talaadada ee aan la ciyaareyno
Rayo Vallecano, ka dibna halkaas aan ka sii socono”.
Tababaraha Man United oo ku Adkeysanaya in
Rio Ferdinand uu Labada Sanno oo Kale Ciyaari Karo
Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa
aaminsan in weli daafaca kooxda Man United ee Rio Ferdinand
uusan ka dhamaan mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford.
Shaki ayaa soo baxay oo ah qaab ciyaareedka Ferdinand
ee kooxda Man United kadib markii uu sheegay Ferguson
in ay hoos u dhacday awooda daafaca kooxda Man United
ayna tahay in uu bedelo qaab ciyaareedkiisa.
Kabtankii hore xulka England oo hadda 33jir ah ayaa
lala xiriiriyey inuu ku biirayo kooxda Tottenham iyo
weliba warar kale oo la xiriirinayay laacibkan kooxo
ka dhisan dalka Maraykanka dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Inkastoo uu Ferguson qirtey in uu qorsheynayo maalintii
uu bedeli lahaa Ferdinand balse wuxuu aaminsan yahay
in aan taa weli la gaarin.
“Ma jiro wax qorshe ah oo ah inaan iska fasaxo Rio,”
ayuu yiri Ferguson. “Wuxu leeyahay waayoaragnimo waxana
uu yahay mid weli qeyb ka ah ciyaarteena waana qof nagu
weyn marka lagu jiro qolka nasashada. “..Ciyaartoyda
kor ayay u fiiriyaan, taasna way socon doontaa. Wuxuu
u ciyaari karaa si fudud labo sano oo kale. “..Wuxuu
ahaa ciyaaryahan wanaagsan, balse xaqiiqdii uma dhaqso
badna sidii uu ahaa shan sano kahor.
“Taasina waa mid iska caadi ah, dadku waa cuslaadaan,
balse wuu la qabsada ciyaarta qaab ciyaareed la yaab
leh ayuuna hadda la soo baxay.” Dhaawacyo soo gaaray
ayaa arrinka ku sii cusleeyey Ferdinand. Ferdinand ayaa
ku soo biirey kooxda Man United sanadkii 2002 xilligaa
ookooxda Leeds loogaga soo iibsaday lacag gaareysa £29.1million.
Tababaraha ManUnited Ferguson ayaa qorshe mudada fog
ee ciyaartoydiisa sameeyey kadib markii uu la soo wareegay
dhowaan ciyaaryahano daafaca ka ciyaara oo dhalinyaro
ah sida Chris Smalling iyo Phil Jones, waxayna u muuqdaan
dhalinyaradan kuwii bedeli lahaa daafacyada cuslaaday
ee Ferdinand iyo Nemanja Vidic.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download