Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Loolanka Xawaaladaha Somalida - shanta ugu cad cad sanadkaan.

29 March 2013 Waagacusub.com-Kaah Express ayaa sanadka cusub hogaanka u qabatay Xawaaladaha Somalida kadib markii uu maamulkeeda uu la wareegay Hassan Abdi Cawad oo ah Xeeldheere ku taqasusay nidaamka Xawaalada ahna Maamulahii hore ee Shirkadda Dahabshiil.Halka dhinaca kalena ay kaalinta 2-aad ku loolamayaan Amoud Express,Hodan Global,Juba Express iyo Iftin Express.


Hassan Abdi Cawad oo lagu xasuusto Maskaxdii uu geliyay dhismaha laamaha Dahabshiil wuxuu socdaal shaqo ku jooga qaarada Yurub isagoo booqday Xarumaha Kaah Express ee Ingiriiska,Holland,Sweden ,Jarmalka iyo Norway.

Maamulaha Cusub ee KAAH EXPRESS intii uu Yurub imaan ka hor,wuxuu heshiis uu ku metelayay Shirkadiisa la saxiixday Shirkadda weyn ee SILATECH taas oo la shaqeeysa Bangiyadda dalalka soo koraya .
SILATECH waxaa la rumeeysan yahay inay leeyihiin qoyska Boqortooyadda dalka QATAR.
Aragti laga aruuriyay Qurba joogta Somalida iyo bulshada ku nool gayiga afka Somaliga looga hadlo ayaa Kaah Express,Hodan Global,Amoud Express,Juba Express iyo Iftin Express ku tilmaamay Xawaalado ku loolamaya ganacsi madaxbanaan.
Dadka qaarkii waxay leeyihiin Xawaaladaha Juba Express iyo Amoud Express oo dhawaan la furay lama dhayalsan karo maxaa yeelay waxay suuqa la soo galeen dardar xawaare sare taas oo durba macaamiil badan ku kasbadeen.
Boqolaal qof oo Amoud Express ku darsatay Saami ayaa Waagacusub u sheegay inay Faa-iido xoogan ka heleen saamigooda.halka sidoo kalena Amoud noqotay Xawaalada kaliya ee qiimo jaban lacagaha ku xawisha,tusaale Boqolkii Dollar waxay ku xawilaan laba Dollar halka Xawaaladaha kale shan dollar ku xawilaan.
Sababaha Amoud Express ku heshay Macaamiil fara badan waxay tahay iyadoo khidmad la''aan ku direeyso lacagaha tabarucaada ,sida kaalmooyinka Masaajidyada ,Isbitaalada,Isguulada,Ceelasha iyo dadka abaaraha.
Maamulaha Amoud Express Abdirizak Mowliid wuxuu yiri "Amoud Express waa Xawaalad bulshada afka Somaliga ku hadasha wada leeyihiin una furan inay saami ku yeeshaan ama Macaamiil la noqdaan"
Hadalka Abdirizak Mowliid ayaa ku beegan xilli Amoud Express isku balaarisay Koofurta Somalia.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3