Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Top:-Wasiir Xaglatoosiye oo boorsooyinkiisa ka xir xirtay Somaliland -Jabhadeen cusub.

29 April 2013 Waagacusub.com-Sagaal boqol oo Ton ayaa laga lunsaday raashiinkii Turkiga ugu deeqay Somaliland ee Hargeysa loogu tala galay.


Waxaa loo tirinayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohamed Duur iyo Agaasimaha Hay''ada Samafalka Marwo Amina Mohamud Diiriye.
Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye ayaa amray in sedex boqol oo ton la dhigo Wasaaradiisa dib u dejinta si keyd looga dhigo hasse yeeshee markii uu damcay inuu booqdo Bakhaarkii lagu xareeyay raashinka waxaa u diiday Askari garanayay in Xaglatoosiye yahay Wasiir,wuxuuna ku yiri " AMAR BAA LA IGU SIIYAY INAAD GELIN BAKHAARKA SIDAAS DARTEED WASIIR ISKA LAABO"

Waxaa isku dhici gaaray ilaalada Wasiir Xaglatoosiye iyo Askarigii ilaalinayay Bakhaarka Xerada Ciidanka Bermidka.
Xaglatoosiye wuxuu dacwad u gudbiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Abdirahman Saylaci oo Madaxtooyadda ugu tegay laakiin waxaa ka daba tegay Agaasimaha Hay''ada Samafalka Amina Mohamud Diiriye,.waxayna ku hor caaysay Madaxweyne ku xigeenka.
"Waaryaa ,adigoo shalay yimid miyaad anigoo Kulmiye u soo cabay Kaadideeyda rabtaa inaad igu koontarooshid Samafalka,walaahi hadaad faraha kala bixi weysid arrimaha samafalka widhi baa kaa raaci ,day day baad tahaye"ayey Amina ku tiri Wasiir Xaglatoosiye oo garab fadhiyay Madaxweyne ku xigeenka Mr Saylici.
Xaglatoosiye oo aad uga xanaaqay Caayda lagula kacay iyo aamusnaanta Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo Jamhuuriyadda Jibouti si uu Somaliland uga goosto.
Maamulka Somaliland waxaa hore uga goostay Wasiiru dowlahii Gobolada Barri Mr Keyse.oo dib ugu laabtay jabhadeyntii SSC.
Saleebaan Xaglatoosiye ayaa laga soo xigtay inuu dib boorka uga jafi doona Jabhadii SSC hasse ahaatee Xeeldheerayaal badan ayaa aaminsan inay adkaan doonta sida Wasiir Xaglatoosiye uga bixi doona Hargeysa maadama laga war helay qorshahiisa.
Waxaa laga yaabaa in Xaglatoosiye lagu Maxkamadeeyo Hargeysa maadama uu ku eedeeysan yahay in Jabhadii uu hogaamin jiray dileen boqolaal ka tirsanaa askarta Maamulka Somaliland.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3