Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Ingiriiska oo Madaxweyne Garguurte cadaadis ku saaray booqashadii Puntland - Khilaaf cusub.

30 April 2013 Waagacusub.com-Madaxweynaha Federalka Somalia Hassan Garguurte ayaa qaar ka mida taageerayaashiisa u sheegay in booqashadii uu ku tegay Puntland aheyd mid ka dhalatay Cadaadis Dowladda Ingiriiska uga yimid.


"Dowladda Ingiriiska gaar ahaan Wasiirka Arrimaha dibadda markii uu Muqdisho yimid wuxuu cadaadis igu saaray inaan Garowe tago,kadibna dhageysto cabashada Faroole " ayuu yiri Madaxweynaha Somalia oo dhinaca kale tibaaxay in Madaxweynaha Puntland warqad dacwada u diray Wasaarada Arrimaha dibadda ee Ingiriiska.

Inkastoo Hassan Garguurte si hufan faahfaahin uga bixiyay sababaha socdaalkii uu ku tegay Garowe qasbay hadana wuxuu hoosta ka xariiqay inuu guuldaro ku dhamaaday wada hadalkii dhexmaray isaga iyo Abdirahman Faroole.
"Faroole wuxuu igu dhahay heshiiskii ANKARA waa inaad ka laabatan maxaa yeelay anagu door kuma laheen,waxayna beesha reer Puntland qabtaa inuu ahaa mid IRIR dhexmaray,tan labaad waxay tahay inaad aqbashid Maamulka Jubaland,tan sedexaadna waa inaan door muuqda ku lahaano Shirka Ingiriiska ee Somalia" ayuu yiri Madaxweyne Garguurte oo xulufadiisa Dam Jadiid iyo qaar ka mida Odayaasha Hawiye u xog waramay.
Mar la weydiiyay Madaxweyne Hassan inuu aqbalay soo jeedinta Madaxweynaha Puntland wuxuu yiri " Sedexdaba wax la aqbali karo maaha runtii maxaa yeelay shirka London waxaa si wadajira u gudoomin doona aniga iyo David Cameroon,qadiyada Jubaland waa mid cad , heshiiskii Turkiga waxaa saxiixay Wasiirka Arrimaha gudaha Dowladda Federalka Somalia sidaas darteed ,waxaan ku gaabsaday inaan la tashi ugu laabto Madaxda Dowladda Federalka Somalia"
Wasiirka Madaxtooyadda Somalia Farah Topaz oo la socday Madaxweyne Garguurte ayaa isagana tibaaxay in Dowladda Talyaniga oo ka maseeyrsan Mashaariicda Dowladda Turkiga dadaal xoogan ugu jirto sidii ay ku fashilin laheyd Dowlada Federalka Somalia.
Farah Abdulkadir oo saaxiibadiisa warbixin kooban ku siiyay Villa Somalia wuxuu ku yiri "Faroole wuxuu noo sheegay in Talyaniga uu heshiis la galay ayna aad uga xun yihiin mashaariicda Turkiga ee lagu koobay Muqdisho sidaas darteed Puntland waxay qaadan doontaa go-aan hadii la xaqiro ama loo diido xaquuqda saamiga ay leedahay "
Taageerayaasha Madaxweynaha Dowladda Somalia Hassan Ulusow ayaa aad uga xumaaday qaabkii Garowe loogu sameeyay soo dhaweeynta taas oo lagu sifeeyay Madaxweyne booqday dal madaxbanaan,marka loo eego muuqaalka loo ekeeysiiyay Laba Madaxweyne iyo laba Calan.
Ugu yaraan wuxuu qeeynunka dhigayaa in Calanka Somalia la kormariyo kan Puntland la hoos dhigo halka loo suray laba Calan oo siman.
Xilligii Ra'isulwasare Saacid booqday Garowe waxaa soo dhaweeyntiisa loo diray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Korneyl Cabdi Samad taas oo micnaheedu ahaa inuu ka xaragooday Madaxweyne Faroole ama isu dhigmaa Saacid iyo Cabdi Samad.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3