Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-AMISOM oo gacanta ku dhigtay Shabaabkii Marko ka riday dagaalka.

03 April 2013 Waagacusub.com-Maliishiyaadkii Dagaalada iyo qaska ka waday Magaalada Marka iyo agagaaraheeda ayaa Taliska Ciidanka AMISOM iyo Maamulka Gobolka Sh/hoose isla xaqiijiyeen in Maliishiyaadkaasi yihiin Xarakada Mayalka adag ee Alshabaab.


Maliishiyaadkaas oo ay Maalgelinayeen ayna horboodayeen Saraakiil Kasoo jeeda Beesha Biimaal oo Maamula Hayadaha WFL iyo AYUUB ayaa la sheegayaa inay xarumo ku lahaayeen Laanta Buula Jaan ee Xaafada Horseed, Laantaas oo ah meesha kaliya ee ay magaalada ka degan yihiin Beesha sheeganaysa Magaalada Marka, dadka reer Marka-ha ayaa la yaaba sheegashada aan loo meel dayin ee beel ka mid ah beelaha degan Magaalada Marka ay ku sheegato mar walba magaalo lawada degan yahay.

Taliska AMISOM iyo Maamulka Gobolka Shabeelada hoose ayaa maalmihii la soo dhaafay la shirayey odoyaal la sheegay inay kasoo jeedaan Beesha Biimaal balse u shaqeeya Maliishiyaadka Shabaab, Taliska AMISOM iyo Maamulka Gobolka ayaa odoyaashaas u sheegay inay Maliishiyaadka ku jira Xarumaha Hay’adaha WFL, AYUUB , Guriga IBROW iyo IIMAAN CENTER ay soo xareeyaan si loogu wareejiyo Dawladda Soomaaliya loona siiyo tababar ciidan, si markaa loogu kala daro qeybaha ciidamada dalka.
Iskudaygii ugu Danbeeyay ee lagu doonayey in ciidamadaas lagu soo xareeyo ayaa la sheegayaa inuu fashil kusoo dhamaaday kadib markii ay kusoo gacan sayreen Gudoomiyaha Degmada Maxamed Cismaan Yariisoow oo laga sugayey inuu soo xareeyo, Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xaafada Buulajaan ay joogaan 58 maliishiyo ah uuna doonayey inuu soo xareeyo oo uu ku biiriyo Dawladda, balse Gudoomiyaha ayaa sheegay inay kusoo gacan seyreen Maliishiyaadkaas oo uu sheegay inay kusoo biireen kuwo kale oo ka amar qaata Gudoomiyihii hore Cukaash iyo kuwo kale oo uu sheegay inuusanba garaneynin cidda ay kasoo jeedaan..
Ciidanka AMISOM oo galabta lug ku galay Xaafada Buula Jaan ayaa la sheegayaa inay kasoo qabteen 6 kamid ah Maliishiyaadka Shabaab oo jooga Guriga Cabdi Muuse, Cabdi Muuse ayaa ah Sarkaal Shabaabka u qaabilsanaa inuu biyaha wabiga/Kanaalada Ka gado Beeralayda gobolka Sh/hoose. AMISOM iyo Milateriga Soomaaliya ayaa la Filayaa inay hawlgal Balaaran ka fuliyaan Xaafada Buulajaan inkastoo La sheegayo in Maliishiyaadkii Shabaab ay u Baxeen dhinaca Buuraha anteenooyinka shirkadaha, Ceel Ahmed , Ceel wareegoow ilaa KM 50.
Odoyaasha Shabaabka la shaqeeya ee haatan sheeganaya Magaca Beesha Biimaal ayaa la sheegay in lagu kala Magacaabo Cabdirisaaqow Cali Muuse, Maqaray, Fanax iyo kuwo kale oo aan magacooda dib kasoo heli doono, odoyaashaan ayaa Shabaabku u xilsaareen inay idaacadaha ka sheegaan mar walba in magaalada dagaalo u dhaxeeya Beesha Biimaal iyo Beesha Hawiye uu ka socdo Magaalada Marka. Idaacada inta badan laga wareysto ayaa ah idaacada Al Furqaan ee Shabaabka, xarunteeduna tahay Degmada Baraawe. Odoyaashaan ayaa Milatariga iyo Booliiska Soomaaliya ku sheega inay yihiin beelo iyaga Ka soo horjeeda.
Sidoo kale Odoyaashaan Shabaabka u shaqeeya oo sida cad u sheegtay inay dagaaladaan masuulka ka yihiin ayaa shaqooyinka loo xilsaaray waxaa ka mid ah inay Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Hay’adaha Samafalka ee ay ka shaqeeyaan Dadka isku dhafka ah inay marwalba canbaareeyaan iyaga oo ku sheegaya inay qabiil yihiin, Odoyaashaan Shabaabka u shaqeeya ayaa aaminsan inaysan Marka ka shaqeyn karin Shirkadaha Isgaarsiinta ama Hay’adaha samafalka haddii aysan shaqaalaha Hay’adahaasi ahayn beesha Biimaal oo sooc ah, sida Hay’adaha hawshaan wax ka wada ee WFL iyo AYUUB.
Masuuliyiintii Hayadaha WFL iyo AYUUB ee isku bedelay Qabqalayaasha Dagaalka Shabaab ee lagu kala Magacaabo Hassanow Mustaf, Siid Cali, Cabdoow Badoolyo, Mudane, Cabdiraxiin Muuse Abshir ayaa dhamaan kawada soo jeeda Hal beel, Qabqablayaashaan cusub ayaa aaminsan in Marka cid aan beeshooda ahayn ka shaqeyn karin, ayna tahay in la xiro dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta, Hayadaha samafalka maadaama ay beelaha wada dega ku dhan yihiin.
Hayaddaha WFL iyo AYUUB ayaa ah Hayado dhaqaalo badan siiya Shabaabka, iyada oo lagu xasuusto inay yihiin hayadaha kaliya ee Xarumahooda iyo Baabuurtooda uu la wareegay Shabaab balse dhaqaalo boqolaal kun doolar ah bixiyey kadibna hantidii lagala wareegay sidaa loogu celiyey.
Mashaariic Badan oo labadaan hayadood ay ka qaateen hayadda FAO ayaa la sheegayaa inuu dhaqaalahaasi inta badan ku dhamaaday Xarakada Alshabaab.
Qabqablayaasha kale ee Dagaaladaan wax laga weydiinayo dhiiga badani ku daaday lana shaqeynaya Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin ninka Sheegta Madaxweynaha Udubland, ninkaaso haatan ku sugan Magaalada Muqdisho, lana sheegayo inuu doonayo in Dawladda Soomaaliyeed Safiir u magacaawdo, Ninkaan Lagu Magacaabo Ibrahin Abdullahi Addo oo u hadla ama wax u qora sida wariyayaashii Huutuuga ahaa ee Dalka Ruwanda xiligii xasuuqa Tuutsiga uu ka socday Dalka Ruwanda iyo Burundi ayaa la sheegayaa inuu ka yimid Dalka Maraykanka.
Qorshahaan indhaha la’ ee uu Shabaabku hagayo aadna ugu eg kii ay mar u hadli jireen odoyaasha Beesha Hawiye xili Xamar uu dagaal ku dhex marayey Al Shabaab iyo Itoobiya ayaa la sheegayaa inay qeyb kayihiin rag la yaqaano oo caan ka ah Magaalada Muqdisho, ragaasi oo qaarkood u shaqeeyaan Hay’adaha UN-ka halka kuwa kalana ay yihiin Siyaasiyiin hore oo xilal waayey, Magacyada dhagar qabayaashaan ayaan dib ka soo bandhigi doono.
Waxaa ayaandaro ah xili Dalka Soomaaliya ay ka curatay Dawlad rasmi ah lana filayey waxgaradka Soomaaliyeed inuu ka shaqeeyo amniga umadda Soomaaliyeed ee deriska ah ayaa qaar masuuliyiin hayado iyo siyaasiyiin isku sheegayaa bilaabeen inay u shaqeeyaan argagixisada Shabaab.
Waxaa kale oo jira qorshayaasha Shabaab ka wado gobolka Sh/hoose dhalinyaro ku nool Dalka Canada oo aan magacyadooda dib kasoo shaacin doono, Dhalinyaradaas oo meelaha facebook-ga ku faafiya warbixinada afhayeenada Shabaab ee Marka Cabdirisaaqow Cali Muuse, Fanax, Maqaray iyo Cabdulqaadir Cali Muuse oo isagu Haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.
Odoyaasha Beelaha Banaadiriga , Hawiyaha, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Jareer weyne ayaa in badan isku dayey in waxgaradka Beesha Biimaal ay kala hadlaan sidii beeluhu nabad ugu wada noolaan lahaayeen xili Madaxtinimada Degmada la siiyey Beesha Biimaal balse isku dayadaasi waxba way ka socon waayeen maadaama talada hawsha socoto ay gadaal ka hagayaan Saraakiisha Alshabaab.
Isku soo wada duube Magaalada Marka ayaa waxaa ka jiray Maalmahaan dad sheegan jiray inay dulman yihiin Balse Haatan iyaga iyo Shabaabku ay halkaa ka wadaan Dulmi kii ugu weynaa.
Dulmiga ay wadaan dadka aadka u jili og inay dulman yihiin kan ugu yar ayaa ka mid Guriga uu Gudoomiyihii Hore Cukaash xooga uga dehan Yahay ninka Lagu Magacaabo Cali Shariif Yahye oo ka soo jeeda Beesha Banaadiriga, Gaar ahaan Ashraaf, Cali Shariif Yahye iyo odoyaasha Banaadiriga oo muddo ku dhow hal sano la xaajoonayay odoyaasha Beesha Biimaal ayaysan us suura gelin in gurigiisa lagu wareejiyo. Cali Yahye oo mar la weydiiyey isaga inuu bixiyo Lacag looga guuro gurigiisa xooga lagu haysto ayaa aqbalay inuu lacagta alaabta lagu rarayo bixiyo balse waa looga baxay mar kale. Guriga Cali Shariif Yahye oo ku yaala Xaafada Bayturaas haatan waxaa degan dhowr Maliishiyo ah oo uu uga tegay gudoomiyihii hore Cukaash.

By Canab Ibrahim

MarkaCadeey

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3