Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Warsaxaafadeed beesha Sacad Habargidir - Hadaan deg deg loo sii deyn waxgalka Hawiye ?

30 June 2013 Waagacusub.com-Beesha Sacad Habargidir waxay been iyo wax kama jiraan ku tilmaameeysa dacaayada ay faafiyeen cadawga beelweynta Hawiye,waxaana safka hore uga jirnaa qadiyada guud ee beelweynta.

Beesha Sacad Habargidir marna difaaci meyso hogaamiyaha argagixisada ee Hassan Dahir Aweys laakiin marna aqbali ma doonto in gacan ka baxsan Dowladda Federalka Somalia ku tagri fasho xaquuqdiisa.
Beesha Habargidir waxay awood u laheyd inay Hassan Dahir Aweys talis Melleteri iyo Magangalyo ka siiso Galgaduud iyo Mudug laakiin si aan u ilaalino sunaha Dowladnimada ayaan ugu wareejinay Dowladda Federalka Somalia sidaas darteed hadii ay ka baxdo qodobadii lagu wada heshiiyay waxay ka dhigan tahay Dowlad ay madax ka yihiin shaqsiyaad qaba dakano qabiil iyo dad gaara.

Beesha Sacad Habargidir ma metelo Wasiirka Arrimaha gudaha Abdikariim Hussein Guuleed ,waana nasiibdaro inuu beesha Ceyr u dhibaateeyo inay aabahiis dileen mudo laga joogo afartan sano.
Wasiir Abdikariim Guuleed wuxuu sheegay in Hassan Dahir Aweys iyo Yusuf Indhacadde xasuuqeen beesha Sacad Habargidir xilligii Maxaakiimta laakiin qadiyada nuucaasa lama qabto beesha Sacad lamana joogo xilligii laga wada hadli lahaa,iyadoo laga fogaanayo aargoosi dhaawici kara wada dhalashada guud.
Beesha Sacad Habargidir waxay si rasmiya ula shaqeeysay Shariif Sheekh Ahmed oo ahaa Gudoomiyahii Maxaakiimta ee argagixisadii laayay Ciiltirayaasha beesha Sacad sidaas darteed marnaba suurtagal nagama ahan inaan aargoosi ku sameeyno walaalaheena beesha Ceyr.
Beesha Sacad Habargidir waxay u diyaar tahay inay difaacdo qadiyada guud ee beelweynta Hawiye gaar ahaan tan Habargidir iyadoo aan loo kala saarin ,Ceyr ama Suleymaan sidaas darteed ,waa dacaayad iyo sheeko raqiisa in Sacad sameeynayaan aargoosi ka dhana walaalaha beesha Ceyr.
Beesha Sacad Habargidir waxay Dowladda Federalka ugu baaqeeysaa inay guud ahaan waxgalka beelweynta Hawiye gaar ahaan dadka sida gaarkaa loo bartilmaameedsaday ee Habargidir ka sii daayaan Xabsiga 24 saac gudahood.
Hadii Dowladda Federalka Somalia sii deyn weysay waxgalka beelweynta Habargidir waxay beesha Sacad si rasmiya u iclaamineysaa dagaal jihaada oo lala galo Madaxda Dowladda Somalia si awood Melleteri loogu soo furto madaxda u xiran.
Beesha Sacad Habargidir waxay ugu dambeyn Cambaareeyn dusha uga tuureeysaa Wasiir Abdikariim Hussein Guuleed oo ku dhiiraday inuu si ka baxsan sharciga u xiro Xildhibaano iyo Masuuliyiin u dhashay beesha Habargidir kuwaas oo si masuuliyad ku jirta Muqdisho u keenay Hassan Dahir Aweys.
Nasiibdarada ugu weyn waxay tahay in madaxda xabsiga loo taxaabay yihiin kuwa u dhashay qabiilada Ceyr iyo Suleymaan sidaas darteed waxay muujineysaa falsafad Midab takoor iyo qeybi,oo xukuna.
Masuuliyiinta Habargidir ee la xiray waxaa ka mida,
Xildhibaan Mahad Mohamed Salaad.
Xildhibaan Abdulkadir Ali Omar
Jeneral Yusuf Indhacadde.
Nabadoon Ahmed Diiriye,
Nabadoon Abukar Ganeey

Ugaas Abdi Dahir Cagajabeey

Fiiro gaara: Warsaxaafadeedkaan waxaa saxiixay Salaadiinta -Siyaasiyiinta iyo Culumadda beesha Sacad Habargidir ee golaha waxaana soo gelin doonaa dukumiintiga oo saxiixan.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3