30 November 2011Waagacusub.com-Madaxweyne Shariif Sheekh
Ahmed ayaa Oraahyo maldahan uga hadlay labo ka mida
beelaha Soomaaliyeed.
Shariif Sheekh Ahmed oo la hadlayay xubno metelayay
maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa yiri “ Inaan idin
aqoonsado oo ku dagaalamo inaad ka qeybgashaan shirka
wadatashiga maaha arrin sahlan ,waana ogahay xanta suuqa
idiin taal iyo tartanka aad ku jirtaan”
Shariif ayaa xubnaha ka socday beesha Cadaado u sheegay
inay jiraan labo beelood oo siyaasadda Somalia ku hungoobay.
“ Hadii aan idinla kaftamo wuxuu tartan idin kala dhaxeeyaa
beel afartankii sano ee la soo dhaafay u dagaalameysay
inay Towrada dalka la wareegto laakiin nasiib daro maanta
waxaa siyaasadda Somalia uga miisaan culus Carab Saalax
iyo Dabare” ayuu yiri Shariif Ahmed oo afkiisa ka ilaaliyay
inuu beesha si toosa u carbaabo.
Hadalka Shariif Ahmed oo noqonaya midkii labaad ee dad
Somalia kula hadlo wuxuu hadalkiisa ku daray ” Beesha
aan idiin sheegay waxaa soo labeeyo beel kale oo iyadana
ku dhawaad 25 sano u dagaalameysay inay noqdaan Dowlad
Somalia ka madaxbanaan oo Calan gaara leh,iyagana maanta
waan aragnaa wuxuu ku dambeeyay qab weyninkooda”
Inkastoo labada beelood iska muuqdaan inuu kala jeedo
Sacad Habargidir iyo Isaaq hadana wuxuu Shariif Ahmed
kula dardaarmay xubnaha ka socday xubin iyo xeeb inaysan
seefta u qaadan sidii ay Xukunka Somalia ku qabsan lahaayeen.
Beesha Xubnaha Shariif Ahmed la hadlayay ee Saleebaan
iyo beesha uu cadawgooda u tusayay ee Sacad waxaa la
isku yiraa Bah Qumis Habargidir.
Madaxweyne Shariif oo taageeradiisa Ximin iyo Xeeb lagu
tilmaamay mid uu ku xumeeynaa Maamulka Galmudug oo hogaankiisa
sare hayaan siyaasiyiin u dhashay beesha Sacad Habargidir
hadana dadka u dhashay beesha Sacad ayaa ku farxay hadalkiisa
maadama ay guul u arkaan aqoonsiga uu siiyay maamul
uu Madax ka yahay nin u dhashay bah QUMIS Habargidir.
Nin ka tirsan Masuuliyadda Galmudug ee beesha Sacad
u dhashay ayaa yiri” Waan Jeclaan laheyn hadii Shariif
maamul goboleedyo u aqoonsado dhamaan degmooyinka Ilma
Dahabo toolmoon sida Cadaado,Guriceel,Jowlo iyo Dhuusamareeb
maxaa yeelay ,intaba waa gobolo ka tirsan Galmudug oo
reer qura degaan”
Diblomaasiyiin ka tirsan Dowladaha reer Galbeedka oo
ka hoowlgala Geeska Afrika ayey filan waa ku noqotay
hadalka uu Madaxweyne Shariif ku sheegay inuu Ximin
iyo Xeeb u aqoonsaday Maamul Goboleed.
Diblomaasiyiinta la yaabkooda waxay sabab uga dhigeen
degaanada Ximin iyo Xeeb sheegato sida Cadaado iyo Xarardheere
oo ah Saldhiga Burcad badeeda iyo argagixisada Al-Shabaab.
Magaalo Xeebeedka Xarardheere waxaa ku afduuban ajnabiyiin
u dhashay Mareykan iyo Europe,waxaana maamula Maleeshiyaadka
Al-Shabaab iyo kooxaha burcad badeeda.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download