Eedeysanayaashii
loo xiray afduubka ajnabiyiintii DDG oo laga baxay Xabsiga
Galkacyo
31 Oct 2011Waagacusub.com-Mashqac:
Labadii nin ee ka dambeeyay afduubkii samafalayaashii
Mareykanka iyo Danish-ka u dhashay ee Hay'ada DDG ayaa
lagala baxay xalay Xabsiga Magaaladda Galkacyo ee Galmudug
State sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen taliyeyaasha
Boliiska iyo Nabadsugida Galmudug.
Waxaa la sheegay labada eedeysane midkood u dhashay
beesha Ceyr Habargidir xalayto saqdii dhexe lagala baxay
Xabsiga Galkacyo halka ninka kalena lala baxay Saakay
aroornimadii hore.
Ilaaladda Labada nin iyo ilaalo dusha sare ka ilaalineysay
ayaa lacag laaluusha la siiyay kadibna waxaa dhacday
inay si nabadgelyaa uga baxsadaan Xabsiga.
Falka lagu sii daayay labada eedeysane ayaa la rumeeysan
yahay inay fadeexado ka dhalan doonaan maadama meel
looga dhacay kalsoonida lagu qabi karo Ciidamadda Galmudug.
Labada nin ee baxsatay nin ka mida wuxuu ahaa Madaxa
amaanka samafalayaashii uu afduubtay ee DDG,waxaana
lagu magacaabaa Cabdirisaaq Macalin Dheere.
Cabdi Risaaq iyo Saaxiibkiis lama oga meesha ay u baxsadeen
hasse yeeshee maamulka sare ee Galmudug ayaa waaberigii
ka warhelay inay si xarago leh uga baxeen Xabsiga.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download