Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Wargeys Faallo cajiiba ka qoray sababihii loo dilay Qadafi-akhri oo ilmeey

31 November 2011 Waagacusub.com-Wargeys yar oo ka soo baxa dalka Norway ayaa maqaal xiiso badan ka qoray sababihii loo dilay Mucaamir Al-Qadaafi

Wargeyska waxaa lagu magacaabaa Friheten waxaana qoray maqaalka nin lagu magacaabo Rune Vold.


Dhamaanteen waxaan aragnay sawiradii argagaxa lahaa ee qabashadii Qadaafi ay qabteen Maleeshiyadii u dagaalameysay mucaaradkii dalkaas.
Dunidu waxey ka argagaxday dhibaatada Liibiya loo geystay, laakiin dadkii dhibaatada Libya geystay waxey sheegeen inay iyagu baari doonaan wixii ay ku kaceen ka dib markii laga qeyliyey.
Magaalada SirtA waxaa maalin walbo lagu arkaayey qabuuro dad badan lagu aasay iyo meydadka dadkii la laayey oo daadsan wadooyinka.

Tirada dadka la laayey waa kuwii ugu badnaa mudooyinkaan danbe oo lagu dilo dagaal magaalo.

Dadkan la dilay waxaa la aasayaa iyadoo aysan jirin cid ka socoto aduunka oo baareeyso sidii ey u dhinteen.
Magaaladii barwaaqada iyo quruxda badneyd ee Sirta waxaa si xaqdaro ah bambooyin ugu garaacay Nato iyo kooxo argagixiso ah oo u bedelay wax aan hore loo arag intii ka danbeysey banbooyinkii lagu baabi’iyey magaalada Dresden.

Magaalada Sirta waxaa degenaa ku dhowaad boqol kun oo qof, intoodii dagaalada ka badbaaday waxey qaxooti ku yihiin saxaraha dalka Liibiya. Dadkaasi ma heystaan meel ay ciirsadaan, keligoodna ma’ahan arintan waxey taabatay magaalooyin badan oo ku yaalay dalka Libya. Waxaa jiro magaalooyin la baabi’iyey oo dadkoodii intii hartayna aan la ogeyn meel ay ku danbeeyeen.
Dhibaatadan dhacday cidna looma heysto masuuliyadeeda. Gacan ku dhiigleyaashu Waa nagu dhinac. Maxkamada caalamiga ahna waxaa loo sameeyey keliya hogaamiyeyaasha ka hor yimaada annaga iyo dadka nala jiro.
Mareykanka iyo Nato dagaalka ay ku qaadeen Libya waxuu kashifay dacaayadii aheyd waxaa la dagaalameynaa argagixiso. Sababtoo ah waxey xulafo la noqdeen Al Qaacidadii shalay kula dagaalameysey dalka Afganistan iyo Ciraaq. Cabdulxakiim oo ah hogaamiyaha ciidamadii qabsaday Tripoli waa nin kasoo dagaalamay Ciraaq iyo Afganistan isagoo la jiro Alqaacida. Laakiin hada waxaa ku saaciday qabsashada dalka Libya gaashaanbuurta Nato oo cirka ka duqeysey ciidamadii Liibya.
Wadankii ugu qanisanaa Afrika xaga horumarkana kala mid ahaa dalalka yurub meelo badan. Waxuu dib u dhacay sanado badan dagaalkan dartiis. Hada waxaa la helay fursad lagu galo dalkaas iyadoo qiil laga dhiganaayo waa la xasilinayaa. Maleeshiyooyin badanna waxaa gacanta u galay hub ey ka heleen Nato iyo bakhaaradii hubka ee dalkaas. Si dib u dhis iyo xasilooni loo helo waa in QM iyo Nato tagaan dalkaas.
Nato waxey ku andacootay inay dagaalka u gashay inay difaacdo shacabka Libya, laakiin waxaan maanta ognahay in taasi been ahayd.
Waxaa la yiri: Qadaafi waxuu gowracayaa dadkiisa oo banbooyin ku garaacayaa, ciidamadiisana waxuu siiyey kaniinka kacsiga badiyo e viagra iyo kondomyo si ey u kufsadaan haweenka dalkooda. Taasi waxey aheyd been weyn.
Dagaalka Nato ee Liibiya waxuu ahaa dagaalkii imbaradooriyiinta, sababtoo ah Qadaafi iyo aragtiyihii uu sitay waxey ahaayeen kuwo halis ku ah dhaqaalaha reer galbeedka iyo danaha istaraatijiyada reer galbeedka. waxaa qiil laga dhigtay kacaankii guga ee dadka carabta si loo weeraro Liibiya.
Sababo badan ayaa kalifay in Nato doorato inay weerarto Qadaafi. hadii aan ka soo qaadano qaar ka mid ah: Dagaalka lagu qaaday Liibiya waxaa ku mideysnaa imbaradooriyada Mareykanka/Nato/EU. Natona waxey noqotay gacanta milateri ee koox dunida ku heysata monoboli.
Dad badan waxey sheegeen in dagaalka sabab u tahay iyadoo la doonaayo shidaalka Liibiya. Laakiin arrintu intaasi shidaal oo keliya maahan oo wey ka badan tahay.
Markii uu hoos u dhaca dhaqaalaha reer yurub iyo Mareykanka maraayey meeshii ugu xumeyd 2008-dii waxaa Liibiya dib u eegtay heshiisyadii ey kula jirtay shirkadaha shidaalka reer galbeedka ee dalkeeda joogo. Qadaafi wuxuu markaasi sheegay in uu ku talo jiro in uu qarameeyo ceelasha shidaalka Dalkiisa. Liibiya waxey leedahay keydka shidaalka ee ugu weyn qaarada Afrika.
Khaladka ugu weyn ee uu galay Qadaafi waxey aheyd in uu soo jeediyey in lacagta Dinaarka dalkiisa uu ka dhigo dahab kaas oo uu ugu talagalay in laga isticmaalo dhamaan qaarada Afrika iyo wadamada Carabta. Liibiya waxey leedahay keyd dahab oo aad u weyn halka bankiga dhexe ee Mareykanka uusanba heysan wax dahab ah. Qadaafi wuxuu rabay in shidaalka Liibiya iyo kheyraadka kale lagu iibiyo lacagtaas dahabka ah oo keliya. Qadaafi wuxuu ku riyoonaayey in Afrika ey dhaqaale ahaan ka xuroowdo gumeysteyaa sheedii hore kana faa’iideysato kheyraadkeeda.
Qadaafi waxuu kaloo rabay in Afrika sameysato banki dhexe oo ey uga xuroowdo reer yurub oo uu u arkaayey kuwo ku nool macaashka ey ka helaan kheyraadka Afrika.

Madaxweynaha Farance Serkozy oo horkacaayey dagaalka lagu qaaday Liibiya waxuu yiri 2009kii mar uu ka hadlaayey Howsha Qadaafi uu wado in ey la mid tahay in uu Qadaafi dagaal u cadeystay reer galbeedka.
Qadaafi waxuu ahaa mid u gacan furan walaalihiisa Afrika waxuuna sameeyey projektiyo badan. Liibiya wuxuu ka dhisay webi gacanta lagu sameeyey iyo hab waraabineed loogu talagalay beero uu ka sameeyey saxaraha. Webiga waxuu galay kaalinta sideedaad liiska cajaa’ibta banii’aadamka sameeyey ee Unesco.Waxuu Qadaafi rabay in Liibiya uu ka dhigo mid u cagaaran sida calanka wadankaas.

Liibiya waxey dhistay webigaan iyadoo aan ka helin wax caawin ah bankiga aduunka waxuuna rabay in uu projektiyadan oo kale ka sameeyo dalal kale oo Afrika ah. Arintaas waxaa loo arkay mid halis ku ah miraha beeraha ey soo saaraan beeraleyd

Reer galbeedka oo iyaga dhaqaale ka helo dowladahooda kuna harqiyo wax soo saarkooda dheeraadka ah dalalka Afrika oo beeraleydu ay faqri tahay.
Markii wadamada Afrika ka codsadeen bankiga aduunka lacag ey ku sameystaan dayax gacmeed xaga isgaarsiinta ah oo ey u diraan hawada sare, bankigu aduunku waa u diiday. Sababtoo ah midowga yurub, EU oo keliya waxay ka macaashtaa 4 bilyan sanadkii kireynta howlaha dayax gacmeedyada ay ka kireeyaan wadamada Afrika.

Qadaafi ayaa xabadka u garaacay oo bixiyey lacagtii sataleytka. Sideed uga badbaadeysaa in lagu ciqaabo markaad tiraahdo anigaa bixinaayo lacagta looga maarmayo sataleydyada yurub ay ka macaashto lacag intaas la eg!
Qadaafi wuxuu u dhisay wadamo badan oo Afrika ah wadooyin, iskoolo, iyo buundooyin, waxuuna ka bixin jiray dalalka qaar lacagta ka mid ahaanshaha Midowga Afrika AU. Waxuuna bixin jiray kharashka bajadka midowga 15%. Hada waxaa halis ku jiro projektiyadii uu bixin jiray ee qaarada iyo kuwii la qorsheeyey mustaqbalka.
Mareykanka wuxuu ka shaqeynaayey qaabkii ay ku ridi lahaayeen Qadaafi mudo 40 sano ah. Waligood uma cafin in uu wadanka Liibiya ka ceyriyey shirkadahooda shidaalka iyo saldhigii milleteri ee ey ku lahaayeen dalkaas.
Golaha ku meel gaarka ah ee aan hada maqalnay waxey adrees ku lahaayeen dalka Mareykanka sanado badan. Hada uun ayaa la helay qiil lagu weeraro dalka Liibiya. Keliyana ma’ahan Qadaafi waxa la dilay iyo Liibiya oo la burburiyey, laakiin waxaa dhibaato ka soo gaartay qaarada Afrika oo dhan taas oo wali reer galbeedka ka sii macaashi doonaan kheyraadkeeda.
Qadaafi waligii ma aheyn keligii taliye gacanta reer galbeedka ku jiro.
Waxaana dhagaheena ku soo dhacaayey waqtigii ugu danbeysey been iyo probogando lagu xalaaleystay dalka iyo dadka Liibiya.

Qadaafi wuxuu u babac dhigay hubka dagaalka aduunka ugu weyn ilaa uu ka dhintay. Qadaafi wuxuu ka run sheegay balantiisi aheyd in uu u dhiman doono difaaca dalkiisa. Qadaafi wuxuu muujiyey in uu ahaa nin aan la laaluushi karin uuna lidi ku yahay imparadooriyada reer galbeedka.
Waxaa tarjumay
Said Abdalla
saciid31@hotmail.com


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3