Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Isbaheysiga Casmara oo xaalada Jabuuti soo afjaraya iyo Madaxweynaha Ereteria oo hadlay

Asmara  14 /May/2008  Waagacusub.com  

Golayaasha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo 48-kii saac ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa go-aan ka gaarista xubnaha ka tirsan ee ka qeybgalaya wada hadalada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay la soo weriyay inay saqdii dhexe ee xalayto isla saxiixeen Warsaxaafadeed dheer oo ay ku cadeeynayaan moowqifkooda siyaasadeed.

Warsaxaafadeedka ay  Isbaheysiga dib u Xoreynta ka soo saarayaan Casmara ayaa la soo weriyay inay ku cadeeyeen in xubnaha ka jooga Jabuuti aysan metelin,ayna jibiyeen dastuurka u degsan oo qodob ka mida dhigayo inaan dowlada federalka wada hadal lala geli Karin inta ay dalka joogaan gumeysiga Itoobiya

Sida ila xog ogaala u sheegeen Waagacusub ,qodobada Warsaxaafadeedka Casmara waxaa ay soo saarayaan ayaa ka kooban shan qodob oo kala ah:-

¨       Inay si buuxda oo sharuud la’aana uga baxaan Ciidamadda Itoobiya dalka Soomaaliya

¨       Inaan dalka Soomaaliya la keenin Ciidamo shisheeye oo aysan dadka Soomaaliyeed raali ka ahayn

¨       Kooxaha shacabka rayidka laayayna waa in si deg dega Maxkamad loo saaro

¨       Dowlada Itoobiya waa inay bixisaa magdhaw dadka Soomaaliyeed ee ay dileen

           Beesha Caalamka waa in sida ugu dhaqsaha badan gurmad ula soo gaaraan dadka     dhibaateysan ee ay dhibaateeyeen gumeeysiga Itoobiya iyo kooxda ku tiirsan ee maqaarsaarka Federalka sheegta.

Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo Warsaxaafadeedkooda la sheegay inay faafin doonaan Maanta waxay ku sheegeen in Wadaniyiinta naftood hurayaasha Soomaaliyeed guulo waaweyn ka gaareen dagaaladii ay la galeen Itoobiyaanka,waxayna dhinaca kale xusen in cadawga Soomaaliya ay arrintaas darteed Isbaheysiga ugu yeerayaan wada hadalo ay la galaan dowlada Federalka.

“ Warsaxaafadeedka waxaan ku muujinay qiyaanada Qaramadda Midoobay taas oo leh isugu imaada wada hadal xilli dalka ay Ciidamadda Itoobiya ka wadaan gumeeysi”ayuu yiri masuul ka tirsan Isbaheysiga Casmara oo u waramay Waagacusub.

Wararka la helayo waxay tibaaxayaan inay shir Jaraa’id wada qabanayaan xubno kala metelaya shan garab ee ku mideysan Isbaheysiga Casmara iyo Gudoomiyahooda Ku meel gaarka ee xilligga.

Xubnaha lagu wado inay hadlaan ee kala metelaya shanta garab ee Isbaheysiga ayaa kala wato xilalkaan siyaasadeed

1-Xuseen Ceydiid oo ku hadlaya Gudoomiyaha ku meelgaarka ee Isbaheysiga

2-Mahad dirir oo ku hadlaya Madaxa qurba joogta Soomaaliyeed ee Isbaheysiga

3-Shariif Saalax oo ku hadlaya madaxa baarlamaanka xorta ee Isbaheysiga

4-Cumar Iimaan Abuubakar oo ku hadlaya Madaxa Maxaakiimta ee Isbaheysiga

5-Amina Axmed Warsame oo ku hadleysa Madaxa Bulshada rayidka ee Isbaheysiga

6- Amb Cashara oo ku hadlaya Madaxa Acyaanta Garcadka,Odayaasha ee Isbaheysiga

Madaxa Xubnaha Isbaheysiga ee ku sugan Jabuuti ayaa golayaasha ku sugan Casmara ku wargeliyay inay guud ahaan maanta isaga baxayaan dalka Jabuuti ayna raali gelin ka bixinayaan ka qeybgalkooda furitaanka xaflada wada hadalada ay hor fariisteen dowlada federalka ,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen qaar ka mida xubnaha ku sugan Jabuuti hasse yeeshee waxaa macquul noqon karta inaysan balanqaadkooda fulin.

Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo la xiriiray Casmara ayaa isagana u sheegay inuu la hadlayo Warbaahinta uuna qaadacayo wada hadalada ay xubnaha ku siyaasada la fariisteen metelayaal ka socday dowlada federalka.

Shariif Sheekh Axmed waxaa uu hadalkiisa ku beegan yahay xilli ay taageerayaashiisa cadaadis xoogan ku saareen inuu mowqifkiisa siyaasadeed ee xaalada Jabuuti Cadeeyo.

Madaxweynaha Dalka Ereteria ayaa isagana Qaramadda Midoobey ku eedeyay inay ka shaqeeyneyso sidii ay labo garab uga dhigi lahayd Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya,wuxuuna ku eedeyay inaysan dhexdhexaad ka ahayn arrinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Ereteria oo u wareeysi siiyay Wakaaladda Wararka Reuters,.wuxuu difaacay madaxbanaanida Soomaaliya,isagoo cadeystay mowqifkiisa siyaasadeed ee uu ku taageerayo sidii Soomaaliya uga bixi lahayd gumeysiga qabsaday,waa sida uu hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa lagu wadaa Maanta in si rasmiya loo soo afjaro xaaladaha Isbaheysiga dib u xoreynta ka wajahay wada hadalada Jabuuti oo ay dad badan u arkaan inay ku kala qeybsameen.

F;G,.waxaan soo gudbin doonaa,Warsaaxafadeedka Isbaheysiga dib u xoreynta ee Casmara laga soo saarayo saacado kadib,sidoo kale waxaad shirka Jaraa’id iyo wareysiyo kala socon kartaan telefishinka Al-Jazeera oo 9:30 daqiiqo wareysanayo madaxda sare ee Isbaheysiga kuna sugan Casmara,sida ay noogu warameen ila wareedyo lagu kalsoon yahay.

Warbixin iyo Sawiro furitaanka Wada hadalada akhriso

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new