Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Mareykanka oo sheegay inay nolol ku qaban doonaan Afhayeenka Shabaabka Caalamiga ee Abuu Maansuur.

DJabouti  16 /May/2008  Waagacusub.com

Saraakiil ka tirsan guutooyinka geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisadda Caalamiga ayaa markii ugu horeysay ku faanay inay nolol ku qaban doonaan Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Maansuur) oo sheegta inuu yahay Afhayeenka Shabaabka Caalamiga ee Soomaaliya.

Saraakiisha sare ee ka tirsan gaashaandhiga Xukumadda Washington waxay go-aankooda ku tilmaameen mid la gaaray ka gadaal markii la dhuuxay hanjaabadihiisa uu ku cadeeystay inay Xarakadiisa bartilmaameedsan doonto Muwaadiniinta Mareykanka ee gudaha Soomaaliya iyo meelkasta oo ay jaanis ku heleen,isagoo meesha ka saaray  sharciyada xaquuqul insaanka ee diidaya in la waxyeeleeyo samafalayaasha Caalamiga gaal iyo Muslim.

“ Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab u hadla ee lagu magacaabo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Maansuur) dabcan maaha nin miisaan culus sida hogaamiyaasha kale ee Shabaabka ,waxaana Xukumadda Washington ka go-an inay nolol ku Maxkamadeyso si sharciga Caalamiga loo marsiiyo ,wayna noo fududahay taas” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Taliska Jabuuti ku leh ee Mareykanka.

Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Maansuur waxay beesha Caalamka rumeysan tahay inuu fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ee lala beegsaday Ciidamadda Burundi Jaamacadda Ummadda Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa Waagacusub u sheegay in Naftii hurahii isku miidaamiyay Ciidamadda Burundi adeer u yahay Abuu Maansuur,laguna Magacaabo Cabdi Casiis Bushaar Cabdulaahi.

Wasiirka Difaaca ee Dalka Burundi oo sedex maalmood socdaal qarsoodiya ku joogay Muqdisho ayaa daawaday cajalad Video ah oo muujineyso qaabkii hoowlgalka ee 11 maalmood maray Naftii hurre Bushaar,waxaana  Filmka Naftii huraha Al-Shabaab la soo weriyay inay bixiyeen shaqsiyaad ka tirsan waaxda Iclaamka ee Al-Shabaab

Hadalka Saraakiisha Mareykanka ee u waramay Waagacusub ayaa ku beegan xilli diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay duulimaadyo hoose ku  marayaan hawada gobolada Galgaduud iyo Jubooyinka,waxayna warar hoose sheegayaan in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay sawiro ka qaateen xero Melleteri oo Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceelbuur.

Hay’ada Amnesty International ayaa cambaareysay Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Maansuur,waxayna cambaareeynteeda kaga faa-iideysatay Warsaxaafadeed ay kaga hadleeysay xaaladaha murugsan ee Soomaaliya.

Amnesty waxay sheegtay inaysan wax xiriira lahayn Xarakadda Al Shabaab ninka u hadla ee lagu magacaabo Abuu Maansuur balse waxay ku eedeysay hadal uu ku sheegtay in dagaalyahanada Ururkiisa bartilmaameedsanayaan Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya.hadii xitaa ay Suxufiyiin yihiin ama samafalayaal.

“ Abuu Maansuur wuxuu ku hanjabay inay dilayaan Muwaadiniinta Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ka hoowlgala taasna waa qalad maxaa yeelay sharciga Caalamiga ayaa reebay in la dilo Samafalayaasha dunida gaal iyo Muslim”ayey tiri Agaasimaha Afrika ee Amnesty International oo u warantay Idaacadda VOA Somali.

Amnesty waxay hore u cambaareysay Ciidamadda Itoobiya ee Soomaaliya ka wada tacadiyada taasna waxaa si caro leh kaga jawaabay Xukumadda Melles Zenawi

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 


Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new