Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Dr Culusow oo cambaareeyay Website-yadda Waagacusub iyo Dayniile 

Nairobi  15 /May/2008  Waagacusub.com

Siyaasiga Dr Maxamed Maxamud Culusow ayaa Shabaakadaha Waagacusub iyo Dayniile si kulul u cambaareeyay isagoo ku tilmaamay kuwa aflagaado iyo been abuur ku sameeyay.

Siyaasiga oo la sheegay inuu cadaadis iyo cambaareyn kala kulmay beesha uu ka dhashay ee Habargidir wuxuu na soo gaarsiiyay Warsaxaafadeed uu si faahfaahsan kaga hadlay warkii lagu daabacay New york times ee Waagacusub turjumay,wuxuuna Dr Culusow warsaxaafadeedkiisa u qoray sidaan:-

Ku: Waagacusub iyo Dayniile,  Website-yada kale, Wargeysyada, Idaacadaha  Soomaliyeed.

Ujeedo: War Saxaafadeed

Waxaan si kulul u cambaareynayaa Waagacusub iyo Dayniile oo iga allifay tarjumad been ah, isla markaana i aflagaadeeyay, kuna  xadgubay shakhsiyadeeda. Waxaan halkaan ku caddeynaya in dhammaan tarjumaada af Soomaliga ah ee ay wada jirka u qoreen Waagacusub iyo Dayniile 3 Maajo 2008 ay tahay been la allifay oo raad laheyn oo soo gudbiyay Muuse Maxamud Jiisow. Yey Waagacusb iyo Dayniile u adeegayaan?  

Markaan dalbaday cudurdaar iyo saxid, jawaabta Waagacusub iyo Dayniile ee  4 Maajo 2008 waxaa ka muuqata colaad, caro iyo neceyb. Waagacusub wuxuu gaaray inuu dafiro xilkeyga bulsho, noqdo diro diraale u dhexeya aniga iyo Beesha aan ka dhashay. Shaki kuma jiro in beenta labada website ay ka dambeyso mu’aamarad iyo naceyb gaar ah.

Ma inkirin, ma inkirayo mana inkiri doono wararka ku qoran Wargeysyada “New York Times” iyo “Washington Post”. Waxaan ku kalsoonahay  in inta akhrisay Maqaalka ku soo baxay New York Times 2 Maajo 2008 ama wax garad ah aysan marna rumeysan beenta ay allifeen Dayniile iyo Waagacusub.   Warka “New York Times” iga xigtay wuxuu yahay:

“1. Odayaasha Cayr ma rabin in hadafka halgankooda xaqa ah lagu marin habaabiyo arrimo dhalanteed ama marmaarsiiyo ah.”

“2. Shabaab waxay sii ahaan doonan xoog taya leh ee wax iska cabin, waayo dhallinyaro badan oo Soomali ah ayaa u arka Al Shabaab inay ku jiraan “halgan xaq ah” marka loo eego ka soo horjeedka Mareykanka”.

“3. Madaama ay hadda dhammaatay ugaarsashada Sheikh Aadan Xaashi Cayrow,  dad badanna horey dhibaato loo geystay, lana cadaadiyay intii uu socday howlgalka ugaarsigiisa, in ugu yaraan dadka uu ka dhashay oo reer Galgudud ah laga daayo cadaadiska loona celiyo xorriyadooda.”  Cidda laga dalbanayo dhibaato joojinta waxay tahay cidda ugaarsaneysay Marxuum Sheikh Aadan Xaashi Cayrow, Allaha u Naxaristee.

Meelna kuma qorna warka ay tarjumeen Waagacusb iyo Dayniile.

Waagacusub iyo Dayniile waxay ku eedeysan yihiin beenta ay allifeen, aflagaado iyo xadgudubyo kale ee ay u geysteen aniga iyo dadweynaha Dhuusa Mareb inta garsoor iyo xaqmarin laga gaarayo. 

Waxaan Warbaaxinta ka codsanaya inay faafiyaan War Saxaafadeedkaan muhiimka ah.

Mahadsanidiin

Dr. Maxamuud M Culusow

Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda

Beesha Cayr

E-Mail: mohamuduluso@gmail.com

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new