Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Reyale iyo Siilaanyo oo la filayo in la kulansiiyo

Hargeysa  12 /May/2008  Waagacusub.com  

 Kulan la qorsheeyay in xalay la isku horfadhiisiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo hoggaamiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo

 Kulan la qorsheeyay in xalay la isku horfadhiisiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo hoggaamiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa fashilmay, ka dib markii uu xisbiga KULMIYE sheegay inaanu kulankaasi suurto gal ahayn.
Akademiga Nabadda iyo horumarka Somaliland ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa, ayaa maalmihii u dambeeyay ku dhex jiray dhexdhexaadin ay ku doonayeen inay ku xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan waddanka, waxaanay kulamo gooni gooni ah la yeesheen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE, kulamadaas ayay gunaanadkoodii ku diyaariyeen kulan ay ugu tallo galeen inay cawaysinkii xalay isku horfadhiistaan Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, si ay uga wada hadlaan xaaladda adag ee wadanku ku jiro. Hase yeeshe, kulankaas ayaa fashilmay, ka dib markii xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ku wargeliyay Akademiga Nabadda in fursad la siiyo islamarkaana la xoojiyo dhexdhexaadin uu muddooyinkii u dambeeyay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro isaga dab qaadayay Madaxweyne Rayaale iyo madaxda xisbiyada Mucaaradka.


Akademiga Nabadda
Akademiaydda Nabadda oo shalay warsaxaafadeed soo saartay , ayaa ka warantay sababaha baajiyay kulankaas ay qorsheeyeen ee ay doonayeen inay iskugu keenaan Madaxweyne Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, “Habeen iyo maalin is xigay (6/5/08 iyo 7/5/08) markii aanu la kulanay hoggaanka xisbiga KULMIYE ee aanu wada gorfaynay dhiabatooyinka hortaagan doorashooyinka iyo diiwaangelinta, ka dib ayaanu balan la qabsanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Akademiga, waxaanu intaas raaciyay, “Falanqayn iyo gorfayn qoto dheer ka dib waxaanu ka codsanay in uu la kulmo hoggaanka xisbiga KULMIYE, taas oo uu naga ogolaaday isaga oo habeenimadii 8/5/08, na soo siiyay balan ah 10/5/08, saacaddu marka ay tahay 8-da habeenimo in ay madaxtooyada ku kulmaan Madaxweynaha, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Akaademiguna goob joog ka ahaado. Warkii ayaanu af ahaan ugu gudbinay hoggaanka KULMIYE, 9/5/08 barqonimadii Jimcaha. 10/5/08 oo maalin Sabti ahayd farriin aanu ka helnay xisbiga KULMIYE, waxa na loogu sheegay in aanay balantaasi wakhtigan la joogo suurto gal ahayn iyaga oo sababayntooda sheegay. Sidaasna waxa ku baaqday ballankaas.”


Axmed Siilaanyo
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isaguna warsaxaafadeed uu shalay soo saaray waxa uu kaga hadlay  qorshaha dhexdhexaadineed ee Akademiga iyo mawqifkooda ku waajahan kulanka ay Akademigu ku doonayeen inay Madaxweyne Rayaale isku horfadhiisiyaan, “Arrinta xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynaha, waxa dhex dhexaadinayay oo muddo ku jiray guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), labada xisbina arrintaas waa ka wada socdeen, tallo-wadaagna way ka lahaayeen.” Ayuu yidhi Warsaxaafadeedka Axmed Siilaanyo, waxaanu intaas raaciyay, “Haddaba, Akademiyadu shalay ayay gooni ahaan ugala soo xidhiidhay arrintaas xisbiga KULMIYE. KULMIYE wuxuu ka codsaday Akademiyadda in fursad la siiyo, lana xoojiyo dhexdhexaadinta uu ku jiro guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). KULMIYE, mar walba wuxuu xoojinayaa nabadda, wuxuu aaminsanyahay in khilaafaadka siyaasiga ah wada hadal lagu dhammeeyo.”


Gunaanad
Dhexdhexaadinta Akademiga ayaa waxa ay ku soo beegantay iyadoo uu guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) muddooyinkii u dambeeyay ku jiray dedaal uu iskii isugu xilsaaray oo uu ugu guntaday xallinta khilaafaadka murugsan ee wadanka ka taagan. Isaga oo isaga dab qaadayay Madaxweyne Rayaale iyo madaxda xisbiyada Mucaaradka oo si weyn isugu maandhaafsan muddo kordhintii Golaha Guurtidu u samaysay xil haynta Madaxweynaha iyo ku xigeenka, iyadoo shantii sanno ee Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa la doortay ku eegtahay 15 May oo toddobaadkan ah.


Dhinaca kale ma cadda sababta masuuliyiinta Akademiga dhexdhexaadintooda ugu koobeen xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Rayaale, islamarkaana kulanka xalay la qorsheeyay ee aan qabsoomin ay uga reebeen hoggaanka xisbiga UCID oo ay KULMIYE isku mawqif ka taaganyihiin muranka siyaasadeed ee xilligan dalka ka aloosan.

Source: Geeska Afrika

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new