Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Madaxweyne Rayaale oo iska fogeeyay eedeynta Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

Hargeysa  13 /May/2008  Waagacusub.com  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa si kulul kaga jawaabay edeyn uu gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland u jeediyay,taas oo xambaarsaneed inuu Madaxweyne Rayaale diiday hindisahii lagu doonayay in la isku hor fariisiyo isaga iyo hogaamiyaasha Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Ucid.

Madaxweyne Reyaale oo Wareysi dheer siiyay BBC Somali waxaa uu ku dooday in labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid ay eegayaan kursiga Madaxweynenaha iyo ku xigeenkiisa,wuxuuna su-aal isweydiin mudan ka dhigay sababta diiday inay ka hadlaan 371 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ee ay mudadii xilkoodu ka dhamaatay December.

Madaxweyne Rayaale oo qaab ay caro ka muuqata ugu jawaabayay Mudane Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland Amb Cabdi Raxmaan Cirro wuxuu yiri"Marka ugu horeysa Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu 25 Cisho ayuu dhexdhexaadin ka waday labada Xisbi ee Mucaaridka [KULMIYE iyo UCID] iyo Xukuummada aniga oo u xilsaaray todoba Wasiir inay xidhiidhkaa ka shaqeeyaan, run ahaantii shan iyo labaatanka Cisho gudoomiyaha Golaha Wakiilladu wax natiija iyo afgarada oo uu ka keenay habayaraatee ma jirto,waxaan ula jeedaa inay sharciga ogolaanayaan iyo Dastuurka labada Xisbi ogolaanayan haba yaraatee midna kamuu keenin."

Dahir Rayaale Kaahin wuxuu hogaamiyaasha Mucaaradka ku eedeyay inay had iyo jeer ku dhegan yihiin sharci maaha golaha guurtida.

"Iyaga oo markastaba ku dhegenaa Guurtidu Dastuuri maaha, waxa ay soo saaraana sharci maaha. Jimcihii ayaan arkay 1:30 duhurnimo Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxaan idhi shan iyo labaatan Cisho ayaad waday hawshan wax natiijo oo afgarad ahina oo aad ka soo saartay ma jirto, waxaan jecelnahay mar hadaanad wax afgarada oo aad ka soo saartay aanu jirin hawshaa inaad intaa ku joojiso"

Madaxweyne Dahir Rayaale waxaa uu dhinaca kale xusay inay is arkeen madaxda Xisbiyadda iyo metelayaashooda.

"Bilowgii Faysal Cali Waraabe waan arkay oo isaga Gudoomiye Cirro

ayaa ii keenay oo waan arkay, laba Cisho ka hor waxa ii yimi oo aan arkay Academic oo Axmed Siilaanyo soo arkay oo balan iiga soo qabtay in habeen hore ay ila kulmaan, taasna Axmed Siilaanyo isaga ayaa diiday kulankii aanu yeelan lahayn" ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayey sababta uu u diiday inay isa soo hor fadhiistaan labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid waxa uu yidhi "Shalay Subax ayuu ii yimi Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu I yidhi waxaan ku keenayaa labadii gudoomiye, Waxaan I dhi mid hore ayaan u arkay midna Xalay ayuu diiday balankii aanu lahayn, ninka Xalay I diiday saaka la kulan wax aan ku qancayo maaha"

Dahir Rayaale ayaa iska fogeeyay eedeyn la xiriirtay inuu u dhaqmayo sida ruux sharciga ka sareeya ,wuxuuna sheekada nuucaasa ku riixay hogaamiyaasha Xisbiyadda Mucaaradka.
"Horta Sharciga iyagaa Mucaaridku leh waanu ka weynahay, anagu ma lihin waanu ka weynahay, waayo dastuurku waxa uu qorayaa Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen la doortay ayaa annaga na bedelaya, meel banaanaanaysaa oo bilaa doorasho lagu imanayo ma jirto, cida dastuurka diidan ayaa sharciyada dalkana diidan"ayuu yidhi Rayaale.

Md. Rayaale waxa uu ku eedeeyey labada Xisbi Mucaarid inay diidan yihiin sharciyada dalka u taala inay u hogaansamaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi "Annaga [Xukuummada] iyo Xisbiyadu wax alla wax aanu isku haysano oo aan ku qanacsanay ma jirto, waxaan u arkaa inay diidan yihiin sharciyadii dalka inay u hogaansamaan"

Madaxweyne Reyaale wuxuu difaacay mudo kordhinta halksano ee golaha guurtida u biiriyeen,wuxuuna sheekadaas gaashaan uga dhigay erayadaan:

"Laba jeer oo hore ayey dhacday oo la kordhiyey oo ay joogeen oo ay Xisbiyo ahaayeen, markii aan doorashadii hore galaynay ee ay komiishanka doorashooyinka qaranku soo qoreen inaan doorashada la qaban kareyn kamay murmin, maanta maxay uga murmayaan."
Dahir Reyaale wuxuu qiil siyaasadeed u sameeyay in isaga iyo ku xigeenkiisa oo qura ay bartilmaameedsanayaan xisbiyada Mucaaradka wuxuuna taas marqaati kaga dhigay in golaha degaanka waqtigii ka dhamaaday ayna ka aamuseen.
"Markay Axmed Siilaanyo iyo Faysal ka hadlayaan aniga [Rayaale] iyo Madaxweyne Kuxigeenka oo kaliya 371 xildhibaan ee degaanada ayaa jira oo ay December 2007 ka dhamaatay maxay u odhan waayeen kuwaasina way ka dhamaatay"

"Markaa labada nin [Faysal iyo Axmed Siilaanyo] kursiga Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayey dawladnimadii qaranka oo han u yaqaanaan." Ayuu isku difaacay Madaxweyne Rayaale.

Mar la weydiiyey Madaxweyne Rayaale maxaa Xala maadaama labadiina dhinac is mariwaydeen, talaabada aad qaadaysaana waa maxay? Wuxuu qaab siyaasadeysan uga jawaabay:

" Waxaan aaminsanahay inaynu sharciga u hogaansano, aniga Madaxweynihii ah iyo iyaga oo Axsaabta Qaranka ah iyo dhamaan hay’adaha dawladu iyo wadanka oo dhan in shuruucda aanu ixtiraamno, sharcigaa aanu dhiganay ayaa ina kala wadaya muran inama kala wadayo, arrinta meesha taagana waa arrin murana oo aan sharciyad ku dhisnayn ayaanu leenahay"

Mar uu Rayaale ka hadlayey banaan baxyo salmiya oo ay sameeyan karan taageerayaasha Xisbiyada Mucaaridku waxa uu yiri

"Isu soo bax aan sharciyada loo marin ninkii isku soo baxa denbi ayuu galayaa talaabo sharciyaana laga qaadayaa"

Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Xisbiga KULMIYE waxa uu ku cawday inaad Xidhxidheen dad badan oo ka tirsan Madaxda Xisbigaasi, dabadeedna markii danbe la sii daayey oo aan waxba lagu helin? Waxa uu ku jawaabay oo uu yiri" Dawladu iyadaa dulqaad badan, nin aan denbi gelina dawladu ma xidho waa warkii ay awalba sheegi jireen waxkastiba been ayey ka sheegaan waanan isla ognahay taa"

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Amb Cabdi Raxmaan Cirro ayaa Madaxweyne Reyaale ku eedeyay inuu diiday kulan uu la yeesho Xisbiyadda Mucaaradka wuxuuna dhinaca kale xusay in deeqbixiyaasha Caalamka ay arrintaas darteed u joojiyeen lacagtii doorashooyinka diiwaangelinta dadweynaha oo dhameyd sideed Milyan dollarka Mareykanka.

Isqab qabsiga iyo colaada Warbaahinta ee u dhaxeeysa Madaxda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayey dad badan u arkaan mid halisteeda leh oo aan ku qotomin xilli munaasibada maadama ay jiraan cadaw badan oo diidan horumarka Somaliland iyo isku duubnida ay muujiyeen 17-kii sano ee la soo dhaafay

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new