Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Dadweynaha Muqdisho ku dhaqan oo ka hadlay aragtidooda ku aadan shirka Djibouti.

Muqdisho  16 /May/2008  Waagacusub.com

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay fikirkooda ku aadan shirka dhawaan kooxaha Soomaalida ugu furmay magaalada Djibouti.

Dadweynahaan oo qaarkood lasoo xiriiray xafiiskeena magaalada Muqdisho ayaa raja wanaagsan ka muujiyay shirkaasi Jabuuti ka socda, iyagoo sheegay inay filayaan in waxyaabao dan u ah shacabka kasoo baxaan.

Saalim Cabdiraxmaan oo kamid ah dadweynaha ku dhaqan Muqdisho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qabsoomida shirka Jabuuti ka socda, isla markaana aad u daneynayo inay kooxaha Soomaalida heshiis ku gaaraan.

“Aad baan niyad wanaag ugu muujinayaa shirkaan, waxaana ugu baaqayaa walaalaha Soomaalida ee la heshiisiinayo inay shacabkooda u naxaan” ayuu yiri Saalim C/raxmaan.

Waxa uu sheegay in Soomaalida gaar ahaan shacabka Muqdisho dhibaato xoogan xiligaan heysato, kuwaasoo guryahooda dagaalo awgeed ugu qaxay isla markaana ku sugan gobo banaan oo duhur ah, una dheer yihiin cudur iyo gaajo.

Sidoo kale, waxaa xafiiskeena Muqdisho lasoo xiriiray Barni Cabdiqaadir Cosoble oo kamid ah haweenka Muqdisho ku dhaqan waxeyna raja xumo ka muujisay shirkaan Jabuuti ka socda.

Waxa ay sheegtay in shirkaan uu yahay mid aan danaha shacabka loogu hadleynin isla markaana Isbaheysiga dib u xoreynta iyo DF ay ka wada hadlayaan waxyaabo iyaga u gaar ah.

Waxa ay tiri “Isbaheysiga waxey sheegeen inay QM la hadlayaan oo aysan DF aqoonsaneen ayna la kulmeynin, taasi ayaa cadeyneysa in cid walba dano gaar ah wadata aysana jirin cid shacabka u danqaneysa”.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka shacabka Muqdisho kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Jabuuti loogu dhawaaqay inuu furan yahay shirka kooxaha Soomaalida lagu heshiisinaayo, balse Isbaheysiga dib u xoreynta xubnaha ka socday ayaa furitaanka shirka ka sheegay inay QM marti qaaday oo ay la kulmayaan, balse aysan aqoonsaneen wax la yiraah Dowlada Soomaaliya.

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 


Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new