Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Ergadda garabyada Dowlada iyo Isbaheysiga ee Wada hadalada Jabuuti oo dhoolatus sameeyay,daawo sawiradda

DJabouti  13 /May/2008  Waagacusub.com  

Ergadda garabyada dowlada federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ee ka qeybgalay xafladda wejiga koowaad ee furitaanka wada hadalada labada dhinac ayaa dhoolatus siyaasadeed ka sameeyay gabagabadii kala taga is aragooda oo ka dhacday gurigga Ummadda Jabuuti.

Ergadda labada dhinac oo la rumeysan yahay inay siyaasad ahaan heshiis hoose gaareen ayaa markii ay isugu tageen gudaha hoolka shirka kuraasta kala fogeeystay,waxayna markii ay xaflada idlaatay ka kala baxeen labo albaab ,taas oo ay diblomaasiyiinto u arkeen qorshe ay wataan garabka Isbaheysiga oo doonayo inay qanciyaan taageerayaashoda oo caro xoogan ka muujiyay wada hadalada ay la galeen dowlada federalka wakiilo ka socda.

Xafladda furitaanka wejiga koowaad ee wada hadalada dowlada iyo Isbaheysiga oo ay ka qeybgaleen diblomaasiyiin ka socotay beesha Caalamka waxaa furay Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb Ahmed Ould Abdalla oo xubnaha labada garab iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa-iideystaan dib u heshiisiinta la isku hor fariisiyay labada dhinac.

Amb Ahmed Ould wuxuu wada hadalka furmay ku tilmaamay fursad dahabiya oo noqon karto midii ugu dambeysay ee Soomaaliya la siiyo.wuxuuna xusay sida lagama maarmaan ay u tahay inay labada dhinac tanaasul sameeyaan si xal loo gaaro.

Wakiilka Midowga Yurub ahna Safiirka dowlada Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti oo isagana khudbad ka jeediyay xaflada furitaanka wada hadalada labada dhinac ayaa garabyadda Soomaaliya ugu baaqay inay marxalada dalkooda soo afjaraan kana heshiiyaan khilaafaadka siyaasadeed si shacabka Nabad ugu noolaado.

Wakiilka Jaamacadda Carabta ee arrimaha Soomaaliya oo isagana khudbad ka jeediyay xaflada ayaa Qaramadda Midoobay ku amaanay doorkeeda dib u heshiisiinta Soomaaliya wuxuuna dowlada iyo Isbaheysiga kula taliyay inay tixgeliyaan hanaanka wada xaajoodka uu garwadeenka u yahay Amb Ahmed Abdallah.

Wakiilka Midowga Afrika uga qeybgalay furitaanka xaflada wada hadalada garabyada Soomaaliya ayaa xusay in golaha Afrika dhiirigelinayo xasilooni lagu dabaalo dalka Soomaaliya,wuxuuna taas ku sheegay mid lagama maarmaana oo ka dhalan karto wada hadalada ka furmay Jabuuti.

Wasiirka dib u heshiisiinta ee dowladda Federalka oo hogaaminayay ergadda dowlada ee ka qeybgalaya wada hadalada ayaa wax lagu farxo ku qiimeeyay kulanka uga furmay Jabuuti,wuxuuna Isbaheysiga dib u xoreynta ugu baaqay inay dhiirigeliyaan sida ugu haboon ee lagu soo afjari kara colaadaha shacabka Soomaaliyeed ragaadiyay in ku dhaw labaatan sanadood ee sabab u noqday inay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho la'aan ku habsato

Madaxa Ergadda Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ( Cabdi raxmaan dheere) ayaa isagana ka hadlay xaflada wuxuuna tibaaxay in Soomaaliya ay ka socdaan xasuuq iyo tacadiyo ay fulinayaan Ciidamadda Itoobiyaanka iyo dowlada federalka isagoo ugu dambeyntii sheegay in dalka Soomaaliya uu ka dhigan yahay Kawaan xiran.

Wasiirka Aawqaafta iyo arrimaha Diinta Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan oo shirgudoominayay xaflada furitaanka wada hadalada garabyadda Siyaasadda Soomaaliya isku haya ayaa labada dhinac ku wacyigeliyay inay ilaah ka baqaan oo ka wada shaqeeyaan sidii dalka Soomaaliya nabad loogu dabaali lahaa.

Abwaan Maxamud Cabdulahi Sangub ayaa gabay suugaaneed wacyigelina oo ku saleeysan xaqiiqada Soomaaliya ka jeediyay madasha labada kooxood,wuxuuna xusay muhiimada wadaniyada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo halista gumeeysiga.

Hoolka ay Xafladda ka dhacday ee Gurigga Ummada Jabuuti waxaa la dhex suray sedexda Calan ee Jabuuti,Qaramadda Midoobey iyo Soomaaliya taas oo muujineysay sida loo soo agaasimay qiimeeynta wada hadalada labada garab ee ugu awooda badan Soomaaliya

Furitaanka Xafladda labada dhinac waxaa ka soo dhexmuuqday hogaamiyaashii fashiliyay shirkii dib u heshiisiinta Khartoum June 22, 2006 sida Proff Ibrahim Xasan Cadow,Dahir Geelle,Maxamed Cali Ibrahim iyo Cabdulahi Sheekh Ismaaciil oo la tiriyo inay xariif ku yihiin abuurista jawi dhaqaale iyo jalaafeynta wada hadalada nabadeed.

Cabdulahi Sheekh Ismaaciil iyo Ibraahim Xasan Cadow waxay u muuqaal ekaayeen labo qof oo is aqoon hasse yeeshee kulanka Jabuuti kama dhignaa midkii ugu horeeyay ee ay isku arkaan,waxaana dadka xog ogaalka sheegaan inay xiriir hoose leeyihiin.

Ibraahim Xasan Cadow kama tirsana golayaasha Isbaheysiga dib u xoreynta wuxuuse markii ugu dambeysay ahaa Xoghayaha arrimaha dibadda ee golahii Maxaakiimta,waana tan ay dad badan isu weydiinayaan kaalinta uu ku leeyahay wada hadalada labada dhinac waloow uu yahay saaxiibka siyaasadeed ee Shariif Sheekh Axmed oo ay isla saxiixeen hindisahii ugu dambeeyay ee Nairobi,kuna ogolaadeen wada hadalada furmay ee mucaaradada ka hareysay dhinaca Casmara

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new