Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Garabka Shariifyadda Isbaheysiga Casmara oo fariisin weydiistay Qatar.

Doha  16 /May/2008  Waagacusub.com

Garabka Isbaheysiga Casmara ka faloogabay ee labada Shariif ay hogaamiyaan ayaa la soo weriyay inay dowlada Qatar weydiisteen codsi la xiriirtay fariisin ay ka sameeystaan dalkooda si ay uga wataan dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed.

Ila wareedyo xog ogaala ayaa waxay Waagacusub u sheegeen in labada Shariif kulan qarsoodiya ku yeesheen Magaalada Doha ee Dalka Qatar,waxaana kulankooda khadka telefoonka ku sedexeeyay Maxamed Qanyare Afrax oo la rumeysan yahay inuu maskaxiyan ka shaqeeyay qorshe siyaasadeedkooda awood qeybsi lala sameeyo dowlada federalka ka hor sanadka 2009.

Maxamed Qanyare oo ay xidid iyo saaxiib siyaasadeed yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu labada Shariif kaga digay inay dib ugu laabtaan Dalka Ereteria .

“Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaan si lama filaana ugula kulanay Baar Soomaalidu ku leedahay Doha,wuxuu la fadhiyay ganacsato Soomaali u dhashay,waxayna ganacsatadaas noo sheegeen inuu Dalka Qatar weydiisanayay Ikhaamo ama deganaansho” ayuu Waagacusub ugu xog waramay mid ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar.

“Labada Shariif waxay dowlada Qatar ka codsadeen sidii ay fariisin uga dhigan lahaayeen Doha,taasi waxay cadeyn u noqon kartaa inay ka falaagoobeen Isbaheysiga iyo golayaasha ku sugan Casmara oo ay dowlada Cabdulahi Yusuf awood qeybsi la sameeynayaan” ayuu yiri diblomaasi ku sugan Qaahira oo Waagacusub u xaqiijiyay codsigooda fariisin ee Doha.

“ Aas-aasahii Isbaheysigii asha haada la dirirkii Muqdisho ayey isla jaalnoqdeen labada Shariif,dabcan Maxamed Qanyare waa ku xariif isku xir hoowleed hadii dhiil dhaqaalo uu ka dhex arkayo laakiin isweydiintu waxay tahay barnaamij siyaasadeedka labaad ee Xildhibaan Qanyare wado,ma wuxuu mari doonaa jidkii Isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee horseeday xaaladaha ka jira Soomaaliya mise xaajadu sidaas maahoo,boorsada buuxda waxaa lagu bisleysan doonaa guul” ayuu yiri mid ka mida Ra’isulwasaaarayaasha Soomaaliya soo maray oo dalka Soomaaliya dibadiisa ku sugan.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa labada Shariif laga sugayaa Dalka Jabuuti sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan dowlada Jabuuti.

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 


Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new