Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Faransiiska oo xeebaha Soomaaliya ka ugaarsanaya burcad badeedka.

Muqdisho  16 /May/2008  Waagacusub.com

Ciidamada Badda Faransiiska ayaa lagu soo waramayaa inay howl-galo ka sameynayaan xeebaha dalka Soomaaliya, iyagoo baadi goobaha kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah ee ka qooleysata xeebaha Somalia.

Maraakiibta dagaalka Faransiiska oo lagu qiyaasay saddex markab ayaa iminka ku sugan xeebaha Puntland ee Soomaaliya, kuwaasoo indhaha ku haya dhaqdhaqaaqyada halkaasi ka socda isla markaana ugaarsanaya burcad badeedka Soomaalida.

Gudoomiyaha Degmada Laasqoray ee dhinac galbeed ka xigta deegaanka Dur Duri Yuusuf Jaamac Dibad ayaa Saxaafada u sheegay inay jiraan Maraakiib Dagaal ee laga leeyahay Fransiiska kuwaasi oo jooga Xeebaha Sanaag.

Yusuf Jaamac Dibad, ayaa waxa kaloo uu sheegay inanay jirin wax xiriir ah oo uu la sameeyay maraakiibtaasi Dagaal, balse ay jiraan dadaalo ay wadaan inay kula xiriiraan si aanay u dhicin iska horimaad dhex mara iyaga iyo kooxahaas taasi oo saamayn ku yeelan karta dadka Rayid ka ah.
 
Mr Dibad ayaa qiray inay Burcad Somaliyeed mudooyinkan joogeen inta u dhexaysa Xeebaha Laasqoray ee Dur-Duri kuwaasi oo doonaya in ay qabsadaan Gaadiidka maraya halkaas Biyaha.

Warar aan ka helnay dadweyne ku dhaqan deegaanka Dur Duri ee gobalka Sanaag ayaa inoo sheegay inay arkeen maraakiib waa weyn oo calanka Faransiiska ka dul babanayay kuwaaso ay rumeysan yihiin inay baadi goobayaan burcad badeedka.

Kooxaha burcad badeedka Soomaalida ee Puntland kasoo jeeda ayaa la sheegay inay intooda badan xeebaha isaga soo baxeen kadib markii ka war haleen in lagu raad joogo lana ugaarsanayo.

Burcad badeedka ayaa iminka ku sugan deegaano hoos yimaada Puntland kuwaasoo ka war sugaya howl-galka ciidamada Faransiiska, kadibna sheegay inay badda ku laaban doonaan oo ay halkooda kasii wadi doonaan howlaha burcad badeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Burcad badeedka Soomaalida ayaa inta badan ka cabsada ciidamada Faransiiska kadib markii cashar lama iloobaan ah burcad badeedka dhawaan loogu dhigay xeebaha Puntland ee dalka Soomaaliya

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 


Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new