Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Madaxweynaha Eritrea oo ku eedeeyay QM inay kala jabineyso Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia.

Asmara  16 /May/2008  Waagacusub.com

Madaxweynaha dowlada Eritrea Isaias Afwerki ayaa markii ugu horeysay eedeyn aan gambasho laheyn u jeediyay Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa xalay hadalkaan ka sheegay caasimada Eritrea ee Asmara kadib kulan uu la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee saldhigiisu yahay magaalada Asmara.

Isaias Afwerki waxa uu sheegay inay Qaramada Midoobay wado qorshe ay ku kala qeybineyso kooxaha Soomaalida ee Mucaaradka ku ah DF iyo joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha dalkooda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shirkaan ka socda magaalada Jabuuti ee lagu sheegay in lagu dhex dhexaadinayo DF iyo Isbaheysiga dib u xoreynta uu yahay mid qorshe gaar ah laga wato isla markaana lagu doonayo sidii lagu kala fur furi lahaa xoogaga Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuusan isaga raali ka aheyn inay Isbaheysiga dib u xoreynta wada hadal la furan Dowlada Soomaaliya xili ay gudah Somalia ku sugan yihiin ciidamada Ethiopian-ka.

“Aniga aad baan arrintaan kaga soo horjeeda, waana qorshe lagu doonayo in lagu kala furo xoogaga Mucaaradka ah, waxaana ugu baaqayaa inaysan wax wada hadal ah la galin DF ayna dib ugu soo laabtaan fariisinkooda Asmara, go’aankoodana ku adkeystaan ee ahaa in ciidamada Ethiopian-ka marka hore dalka laga bixiyo” ayuu yiri Madaxweyne Isaias Afwerki.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in Qaramada Midoobay ay wado qorshe Mareykanka mas’uul ka yahay ee lagu doonayo in dhamaan Mucaaradka lagu soo afjaro laguna burburiyo xoogaga DF kasoo horjeeda.

Madaxweynaha waxuu sheegay in Mareykanka uu mas’uul ka yahay dhibaatada Soomaaliya ka socota, isla markaana gacan uu siinayo Ethiopia sidii ay dagaalo ugu dhex abuuri laheyn gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay hal meel ugu soo wada jeestaan Siyaasada ku aadan DF iyo joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka ee dalkooda, isla markaana la dagaalamaan ciidamada Ethiopian-ka.

“Ethiopian-ka haween, caruur iyo waayeel mid ay dhaafayaan ma jirto, cidii ay arkaan ayayna dilayaan waxeyna ka aar gudanayaan jabkii kasoo gaaray dagaalkii 77, sidaad darteed Soomaaliyeed hubkiina qaata lana dagaalama cadawga dalkiina jooga iyo cadaw kalkaalka” ayuu yiri Madaxweyne Isaias Afwerki.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray dowlada Eritrea ayaa kusoo beegmaya xili dalka Jabuuti uu shir dib u heshiisineed oo garwadeen ka tahay QM ugu furmay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 


Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new