Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Shariif Xasan oo ka goostay Isbaheysiga dib u xoreynta.

Dubai  14 /May/2008  Waagacusub.com  

Gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa la soo weriyay inuu guud ahaan ka goostay Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Casmara Wadanka Ereteria.

Sida ay sheegayaan siyaasiyiinta la saaxiibkaa Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa socda dadaal looga dhaadhacsiinayo inuu dib ugu laabto Magaaladda Casmara waxaana qorshahaas wado Saraakiil ka tirsan dowlada federalka iyo beesha Caalamka oo qabo inuu ku hal adeego ka sii dhex shaqeynta Isbaheysiga dib u xoreynta si kaalin siyaasadeed ugu dhex yeesho isbedelada socda.

Siyaasiyiin ku sugan Casmara ayaa Waagacusub ugu xog waramay in Shariif Xasan Sheekh Aadan (Shariif Sakiin) fariisin ka dhigtay Dubai kuna laabaneyn Ereteria maadama uu eedeyn ba’an iyo hanjabaada kala kulmay heshiiskii uu Nairobi kula saxiixday Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Ahmed Ould Abdallah.

Inkastoo aysan jirin war ka soo baxay afkiisa oo xaqiijinayo goosashadiisa uu ka goostay Isbaheysiga hadana xubno ka tirsan golayaasha Isbaheysiga uu gudoomiyaha ka yahay waxay xan suuqeedka la isla dhexmarayo ku sifeeyeen mid saxa.

“ Shariif Xassan Sheekh Aadan wuu ka goostay Isbahaysiga Dib'u xoreynta Soomaaliyeed kadib markii uu Fuliyay Howlihii ay Reer Galbeedku u soo igmadeen ee ahayd in uu dhex galo Maxaakiimtii Islaamiga iyo garabyada la midoobay ee Isbaheysiga kula jira,dabcan ma filayo inuu Casmara ku soo laaban doono” ayuu yiri mid ka mida hogaamiyaasha Isbaheysiga oo u waramay Waagacusub.

Diblomaasiyiin Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Shariif Sakiin cabsi darted ku laaban Karin Casmara waxayna xuseen in la helay dukumiintiya cadeeynaya dhaqaalo uu siyaasad guracan kaga qaatay dowlado shisheeye.
”Goosashada Shariif Xassan waxay ka dhalatay kadib markii la'ogaaday in Lacago aad u fara badan lagu siiyay sii kala qeybinta Isbahaysiga Dib'u xoreynta Soomaaliya,Iyadoo Shariifka marka hore loo diray inuu soo xero geliyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Reer Galbeedku ay aaminsan yihiin inuu haysto Taageerada Dad badan oo Soomaali ah” ayuu yiri diblomaasi caana oo Waagacusub la soo xiriiray kana hadlayay waxa sabab u noqon kara inuu Shariif Xasan ka goosto Isbaheysiga Casmara.

Dad badan ayaa qaba in Shariif Xasan ku guuleystay la jaal noqoshada Shariif Sheekh Axmed oo u ka dhaadhiciyay ogolaanshaha wada hadalo lala furo dowlada federalka taas oo sabab u noqotay inuu magacaabo shaqsiyaad ay labada Shariif saaxiib dhaw la yihiin sida Ibraahim Xasan Cadow,Cabdi Raxmaan Dheere iyo Dahir Geelle oo ka qeybgalay xafladii furitaanka wada hadaladda Jabuuti.

" Ilama ahan in Shariif Sakiin ka goosanayo Isbaheysiga maxaa yeelay weli waa fari kama qodna faanoole,qorshahiisii siyaasadeed ee uu watay" ayuu yiri mid ka mida siyaasiyiinta qunyar socodka Soomaaliya.

Yusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa qaba in mar hadii ay ergadda Isbaheysiga ka qeybgaleen xaflada furitaanka wada hadalada aysan jirin qiil loo sameeyn karo.

“ Mar hadii ay xaflada fureen,waxay fureen wada hadalka mana ahan in la dhageeysto boor isku qariskooda xaqiiqada ka fog ee qiyaamada lagu laray”ayuu yiri Yusuf Indhacadde oo shacabka ugu baaqay inaysan ka niyad jibin halganka gobanimadoonka ee lagula jiro gumeeysiga Itoobiya iyo dowlada federalka.

Warbixin iyo Sawiro furitaanka Wada hadalada akhriso

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new