Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Madaxweyne Yusuf oo lagu eedayay qorshe lagu xanibayo Shirkadda ganacsi

Muqdisho  14 /May/2008  Waagacusub.com  

Qaar ka mida ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Madaxweyne Cabdulahi Yusuf Axmed ku eedeyay inuu ka shaqeeyay qorshe ay Xukumadda Washington ku xanibeyso shan ka mida Shirkadaha ugu waaweyn Koofurta Soomaaliya oo ay saamiga ugu badan leeyihiin ganacsato u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan labo juffo oo ka mida Beesha Ilmo Dahabotoolmoon.

Ganacsatadu waxay sheegeen in qorshaha Cabdulahi Yusuf  ee lagu xirayo shirkadaha waaweyn oo isugu jiro,labo Xawaaladood,Labo shirkad Isgaarsiin iyo Shirkad diyaaradeed,lehna ganacsi uu kala hadlay Dowladda Mareykanka oo xalka Soomaaliya u aragto in la cuuryaamiyo dhaqaalaha dalka.

Sida ku cad Dukumiinti sira oo ka baxsaday Xafiiska Madaxweyne Yusuf kana soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxaa lagu cadeeyay magacyada shanta shirkadood ee Washington dooneyso inay xanibaad saarto,waxayna Shirkadaha shantaa ku eedeeyeen inay maalgeliyaan Xarakadda dhaqdhaqaaqa Caalamiga ee Al Shabaab Soomaaliya.

Inkastoo aan helnay dukumiintiga sirta hadana waxaan ka gaabsanay inaan faafino,waloow ay qaar ka mida saamileeyda labada Xawaaladood ay heleen xogta xanibaada lala damacsan yahay ,ayna qaarkood isugu sir warameen inay qaab diblomaasiyadeed ugala baxaan saamiyadooda.

Cabdulahi Yusuf Axmed oo Madaxweynenimada loo doortay 10 October 2004 waxaa dowladiisa hareeyay caqabado siyaasadeed,waxaana lagu eedeeyaa inuu ku hoowlan yahay aargoosiga beesha Hawiye oo colaada dagaal ka sokoow doonayo inuu ka burburiyo dhaqaalaha ganacsi gaar ahaan Xawaaladaha.

Maamulka Madaxweyne Yusuf ee federalka wuxuu noqday maamulkii ugu dhiig daadinta badnaa ee soo mara Soomaaliya 18-kii sano ee la soo  dhaafay,waxaana qiyaastu tahay inuu korneyl Yusuf ka mid noqon doono ninka ugu horeeya hogaamiyaasha dagaalka Soomaaliya ee la saarayo Maxkamadda dimbiyada dagaalka Caalamiga.

Si kastaba ha ahaatee,Waxaa jira shirkada dhisanaya dabaqyo dhaadheer oo ay ka maalgashanayaan dalal shisheeye taas oo dad badan ku tilmaameen garasho xumo  ka fog xisaabtanka xilliyadda adag ee lagu jiro

Warbixin iyo Sawiro furitaanka Wada hadalada akhriso

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new