Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Odayaasha iyo waxgaradka beelaha GalMudug oo beeniyay war lagu faafiyay Website-yada Puntland 

Galkacyo  15 /May/2008  Waagacusub.com

Kulan is wareysi ah oo ay isugu yimaadeen odayaasha, waxgaradka, culumaa’udiinka iyo saraakiil sare sare oo ka tirsan maamulka GALMUDUG STATE kana dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan horumarinta qeybo ka tirsan gobolkaasi Mudug, iyo sidoo kale war shalay lagu soo daabacay mid ka mid ah Website-yada Soomaalida.

Odayaashan ayaa si kulul u beeniyay war ku soo baxay bogga Puntlandpost, kaasoo uu ku sheegay inuu khilaaf ka dhex jiro odayaasha beesha Sacad iyo maamulka GALMUDUG kaasoo ka dhashay furista dekeda caalamiga ah ee Hobyo, iyagoo sheegay in warkaasi uu yahay been aan beydna run ka aheyn iyo war la dhoo-dhoobay, oo ay faafiyeen shaqsiyaad ka xun horumarka goboladda GalMudug

Max’ud Warsame Guutaale oo ah sarkaal dhinaca ciidamada ah kana mid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb galay kulanka dhinacyada Galmudug ayaa sheegay in shirkani uu ku saabsanaa arrimo badan, balse ay diirada ku saareen war been abuur ah oo uu sheegay inuu shalay soo daabacay bogga puntlandpost, taariikhdu markay aheyd 13/05/2008.

Aqri Warka beenta ah:-

http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=2634 

“Waxaan cadeyneynaa in aanu jirin wax khilaaf ah ama kala aragti duwanaansho ku aadan dib u furista dekeda Hobyo, qorshahaasina meel gabo gabo ah ayuu marayaa, mar dhowna shacabka wuu ku farxi doonaa marka uu maqlo inay shaqeyneyso dekeda, warka boggaasu qorayna waxaan u aragnaa inuu yahay mid la doonayo in Tashwiish lagu furo qorshahaas horumarka u ah shacabkeena” ayuu yiri Mudane Maxamud Warsame.

“Ma jirto cid aan kala tashaneyno aayaha degaanadeena, mana jiro maamul maamul kale kala tashada haddii uu deked furanayo iyo haddii uu garoon furanayo, haddii maamul maamul kale la tashayona Puntland iyo Somaliland ayaa wada tashan lahaa, waxaana leenahay warkaas beenta ah raali gelin ha ka bixiyeen maamulka boggaasi haddii kale ha cadeeyo qorshihiisa maldahan” ayuu si kulul u yiri mar kale Maxamuud Warsame Guutaale oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ganacsatada Koofurta Soomaaliya ayaa baahi weyn u qabta deked weyn oo ay kala soo degaan shixnadahooda ganacsi kadib markii ay ku adkaatay sidii ay wax ugala soo degi lahaayeen dekeda weyn ee Muqdisho oo gacanta ugu jirto saraakiil ma naxayaal ah oo ka tirsan dowladda federaalka kuwaasoo ku amra ganacsatada inay bixiyaan lacago lagu sheegay canshuur oo fara badan, iyadoo ganacsatadu ay ka door bideen inay wax kala soo degaan dekeda Boosaaso socod dheer iyo daabulisna ay gasho, iyadoo ay uga dhowaan laheyd mida Hobyo oo ay aadna u daneynayaan. 

Garaad Salaad Xirsi (Garaad-cadde)

garaadcadde@hotmail.com

002523-814958 

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

 

 



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new