Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Wararkii ugu dambeeyay shirka Jabuuti iyo Wariye Abdifitahaam.

DJabouti  17 /May/2008  Waagacusub.com


Waxaa Magaalada Jabuuti lagu soo xiray shirkii mudada afarta cisho ugu socday kooxaha Siyaasada Soomaaliya isku haya ee  Dowlada Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
Saxaafada waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kula hadlay Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Ahmadu Walad waxuu tibaaxay inay guulo ku dhamaadeen dhamaan kulamadii afartii cisho ee lasoo dhaafay Jabuuti ugu socday kooxaha Soomaalida.
Wakiilka waxuu sheegay in qodobo dhowr ah ay labada dhinac isku afgarteen kuwaasoo uu ku tilmaamay horseedka nabada Soomaaliya inay kaalin weyn ka ciyaari doonaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan Saxaafada loo qeybin doono qoraalo cadeynaya waxyaabaha labada dhinac ku heshiiyeen labada garab ee federalka iyo isbaheysiga.
Wakiilka wuxuu xusay in kooxaha Soomaalida ay dib ugu laabanayaan goobaha ay ka kala yimaadeen ee kala ahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Asmara isla markaana wada tashiyo lasoo sameyn doonaan madaxdooda goobahaasi ku sugan kadibna 31 bishaan ay dib Jabuuti ugu soo laabanayaan.
Mar wax laga weydiiyay halka uu ku dambeysay sharuudii Isbaheysiga dib u xoreynta ee aheyd in ciidamada Ethiopian-ka dalka ka baxaan ayuu sheegay in taasi xal laga gaaray isla markaana Qaramada Midoobay xiligaan wado qorshe ciidamada Ethiopian-ka si deg deg ah dalka Soomaaliya loogu bixinayo.
"Dadka Soomaaliyeed waa xor hadii ay diidaan joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka ee dalkooda, waa qasab in laga bixiyo, dhawaana waxaan ku raja weynahay in dalka Soomaaliya laga bixin doono dhamaan ciidamada Ethiopian-ka ee xiligaan ku sugan" ayuu yiri Walad.
Axmed Walld Cabdalla ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in QM ay damaanad qaadeyso in CIidamada Ethiopia ay ka baxaan dalka Somalia hadii ay guulaystaan wada hadalada u dhaxeeya dhinacyada Somalida.
Wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan arimaha Somalia wuxuu tibaaxay inuu rajo weyn ku qabo xal waara oo laga gaaro wada hadalada isla markaana wejigii hore lagu soo gaba gabeeyay dalka Jabuuti.
Waxa uu sheegay inay kooxaha codsadeen in la badiyo ergada shirka ka qeyb galeysa oo hada aheyd dhinac kasta toddobo ruux isla markaana laga dhigo afar iyo tobban ruux taasoo la aqbalay.
Ergada shirkaan Jabuuti ka socda ugu qeyb galeysay Dowlada Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ka gaabsadeen inay la hadlaan Saxaafada, balse ay la hadli doonaan marka uu guud ahaan soo gaba gaboobo shirka dib u heshiisinta.
Xubnihii ka socday Dowlada KMG ah ayaa  ka duulay Jabuuti iyadoo lagu soo waramayo inay gaareen Magaalada Muqdisho, kulana la yeesheen Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf iyo Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde.
Xubnaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wali ku sugan Jabuuti, iyadoo warar hoose ay sheegayaan inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xubnaha ugu sareeya Isbaheysigaan oo qaarkood diidan ka qeyb galka shirkaan, taasina ay keentay inay xubnahaan u laaban waayaan Asmara ayna fariisin KMG ah ka dhigteen magaaladaan Jabuuti.
Xiriir aan isku dayay inaan la sameeyo xubno kamid ah mas'uuliyiintaan Isbaheysiga dib u xoreynta uga qeyb gashay shirka ayay ka gaabsadeen inay warbixin iga siiyaan sababta ay Jabuuti ugu sugan yihiin, xili QM ay sheegtay in labada dhinac la fasaxay ayna kala aadayaan goobaha ay hore ugu yimaadeen si ay mas'uuliyiintooda ula soo tashtaan.
Isku soo duuboo, Kooxaha Soomaalida ee shirkaan loogu qabanayay magaalada Jabuuti ayaa inta badan is diidan, balse QM ayaa ku dadaaleysa sidii ay isku soo hor fariisin laheyd labada ergo oo ay u kala dabqaadeyso garwadeena ka tahay shirkaan Jabuuti ka socda.
Abdifitahaam Ahmed
Djibouti

Email: abdifitahaam@yahoo.com

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

   

Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new