Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Afhayeenka Somaliland oo erayo qabyaalad kula kacay Saxafi reer Muqdisho ah.

Hargeysa  17 /May/2008  Waagacusub.com

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ahna La taliyaha Madaxweyne Rayaale ee dhinaca Warbaahinta Mudane Saciid Cadaani Mooge ayaa shalay duhurkii gafweyn u geystay Wariye reer Muqdisho ah, balse in muddo ah ku sugnaa Somaliland kana shaqeynayay.
Wariyahaan oo lagu magacaabo Xadiis Maxamed Xadiis ahna Tifaftiraha Shabakada Baadiye.com ayaa isku dayay inuu su'aal weydiiyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo  shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.
Wariye Xadiis ayaa lagu soo waramayaa inuu kor u kacay isla markaana yiri Mudane Madaxweyne Ku xigeen waxaan rabaa inaan ku weydiiyo .... balse inta uusan su'aasha dhameysan ayaa kor waxaa usoo kacay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Saciid Cadaani Mooge oo yiri "Waryaa hee naga fadhiiso, waxaad tahay Somaliweyn AAMUS", taasoo aad ugu caroodeen Saxafiyiinta kasoo qeyb gashay shirkaasi jaraa'id.


Wariye Xadiis Maxamed Xadiis oo xalay Waagacusub la xiriirtay isagoo ku sugan magaaada Hargeysa ayaa sheegay in aflagaadadii shalay uu geystay Afhayeenka Madaxtooyada ay aheyd mid qabyaaladeed oo cadeynaya waxa caloosha ugu jiray Afhayeenka balse isaga taasi uusan waxba u arkin howshiisa Saxaafadeedna uu wadan doono.
Waxa uu sheegay in Afhayeenka ula jeeday Somaliweyn baa tahay naga aamus, in Wariyaha uusan Somaliland u dhalan kana soo jeedo Muqdisho, sidaasi darteedna uusan su'aal weydiin karin Madaxweyne K/xigeenka Somaliland.
Bahdii Saxaafada ee shalay shirkaasi jaraa'id ka qeyb galay ayaa aad ugu carooday arrintaa meesha ka dhacday, iyadoo qaarkood erayo kulul ugu jawaabeen Afhayeenka Madaxtooyada, balse markii dambe iska aamuseen.
"Aad baan arrintaa ugu xumaaday, waxeyna ii cadeysay in Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo muddo aan dhagta ka maqlayay inuu yahay nin Qabiil, uusana matalin Qaranka Somaliland" ayuu yiri Wariye kamid ahaa wariyaashii shalay ka qeyb galay shirka Jaraa'id.
Madaxweyne K/xigeenka Somaliland ayaa la sheegay inuu aad ugu carooday arrintaa foosha xumeyd ee shalay kasoo yeertay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, isla markaana marka uu Afhayeenka eraygaa yiri indho adag ku eegay.
Wariye Xadiis Maxamed Xadiis ayaa Waagacusub u sheegay in dhowr jeer ay madax ka tirsan Somaliland u gafeen, kuwaasoo liiday awoodiisa isla markaana ku tilmaamay qaxooti ku sugan Somaliland oo sidii la doono laga yeeli karo.
Wariyaha waxuu sheegay inay erayo qabyaaladeed ay labo jeer oo hore ku yiraahdeen Wasiirada Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo Wasiir K/xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Ducaale "Talaab".
"Aniga oo hotel Mansoor ku sugan bartamihii sannadkii lasoo dhaafay xili shir jaaa'id uu ku qabanayay halkaasi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir, ayuu Axmed iga qaaday Cameradii aan watay, waxuuna yiri aaway askartii hala xiro ninkaan waa reer Muqdisho maxaa halkaan keenay wararkeena ayuu rabaa inuu qaado kadiba caay u badalo iyo wax shacabka Somaliland iska horkeenaya" ayuu yiri Wariye Xadiis.
Si kastaba ha ahaatee, Xadiis Maxamed Xadiis oo ahaa Weriyahii Wargeyska Jamhuuriya u fadhiyay Muqdisho mudo ka badan todobo sanana ku noolaa Somaliland ayaan la ogayn sababta ay ku maagayaan ragga sheeganaya Masuuliyadda Somaliland laakiin marka dhan kale laga eego shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo siyaasiyiintooda ma necba shacabka reer koofureed gaar ahaan goboladda dhexe iyo Muqdisho,waxaana Hargeysa ku nool kumanaan kun oo ka mida dadkii ka barakacay Muqdisho.

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan

   

Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 
domain sitemap domain webmap more homepage home web home homepage sitemap http web www webmap more http http domain link link www link website url www http http web url http page link sites home web http page domain top here home http here website top domain website http website index index index sitemap top home web website url website sitemap webmap website link webmap more www website more home homepage sitemap home home sitemap http homepage link webmap more link links www sitemap website www url www http domain sites http