Topnews:-Maraykanka oo shaaciyay in Maamulahii Hormuud ee ay dileen uu ahaay maskaxdii ka dambeysay weerarkii saldhigooda Kenya
Maraykanku wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkaas lagu dilay xaaskiisa, oo sidoo kale xubin caan ka ahayd Al-Shabaab.
"Sarkaalka aan dilnay wuxuu mas'uul ka ahaa qorsheynta iyo hagida hawlgallada argagixiso ee xadka Kenya, oo ay ku jiraan weerarkii ugu dambeeyay ee Manda Bay, iyo xaaskiisa, oo qaabilsanayd fududeynta howlo badan oo argagixiso,” ayaa lagu yidhi warkaan.
Jeneraal Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Mareykanka Africa Command ayaa sheegay in Mareykanka iyo la-hawlgalayaashiisa ay daba galeen kuwii mas'uul ka ahaa weerarkii Mareykanka iyo Kenya.
"Tilaabadaan waxay muujineysaa inaan sii wadi doonno dadaallada aan ku beegsanayso kuwa mas'uul ka ah weerarkii Manda Bay iyo kuwa doonaya inay waxyeello u geystaan Mareykanka iyo saaxiibbadeena Afrikaanka ah,” ayuu yidhi Jeneraal Stephen.
Isla markii uu dhacay weerarkii Kenya, General Stephen Townsend wuxuu sheegay in talisku uu qaaday talaabooyin deg deg ah oo lagu kordhinayo awooda lagu raadraacayo kuwii weerarka soo qaaday iyo shabakadooda.
Maamulayaashii Hormuud Telecom ayaa ku lug lahaay weeraradii lagu qaaday Madaxtooyadda Somalia iyadoo la qabtay maamulahii Shirkadda Xasan Muxyadiin Xasan Bustooladda weyn oo markii dambe la toogtay, dhinaca kalena laba ka mida maamulayaasha Hormuud Telecom ayaa qirtay iney ka dambeeyeen weerarkii 14 October 2017 ka dhacay Zoope Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen kun qof dad ka badan.
Hormuud Telecom waxey kaalinta 1aad uga jirtaa Shirkadaha lacagta ugu badan iyo Logistics-ka siiya Argagixisadda Al-Shabaab.
Warbaahinta Somalia iyo Siyaasiyiinta kama hadlin karaan argagixisadda Hormuud Telecom sababtuna waxey tahay iney lacag badan oo laaluusha siiyaan badankood halka qaarkoodna cabsi darteed u aamusan yihiin.
Topnews:-Maraykanka oo shaaciyay in Maamulahii Hormuud ee ay dileen uu ahaay maskaxdii ka dambeysay weerarkii saldhigooda Kenya
Waagacusub.com- Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in Maamulahii Hormuud Telecom ee Jilib oo ay gantaal ku dileen bishii Febraayo 22 in uu xidhiidh lahaa weerarkii saldhiga Maraykanka ee Maraykanka (Manda Bay.)