Akhri turjumid Kiiskii dacwadda dukumiintigii been abuurka ee Nairobi ay ka sameeysteen Axmednur Jimcale iyo Maryan Macalin si ay u dhacaan labadiisa Hotel
Size: 83 KB
XOG-DHOWRSAN
WARBIXINTA DUKUMENTI XEELADA BAARIS
TIXRAAC: SS/QDE/1/2/7/OSLO/2017
ABDULQADIR MOHAMED ADEN
(UBSOM & UNIV TV LIMITED)
NYDALSVEIEN 33, 0484 OSLO, NORWAY
POSTBOK 4814 NYDALEN, 0422 OSLO NORWAY
ARRIN HESHIIS IIBIN DHUL DOWLADDA HOOSE
26ka MAAJO, 2017
HOR-DHAC
Taariikhdu markay ahayd 25ka bisha Maajo, 2017, tilmaamo ayaa waxaan aan ka helnay Marwo Susan Kagwe ee ka tirsan Sue Kagwe & Co. oo u doode u ah islamarkaana matalaysa Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah (UBSOM & UNIV TV UMfTED) oo cinwaankiisu yahay Nydalsvolon 33, 0484 Oslo, Norway Postbok 4814 Nydalen, 0422 Oslo, Norway in la eego oo la is barbar-dhiggo saxiixyada sida ku qeexan tilmaamihii taariikhdu markay ahayd 25ka bisha Maajo, 2017.
QORAALKA BANDHIGGA MAXKAMADDA IYO CALAAMADDAHA AQOONSIGA
- Dukumentiyda Su’aasha laga Keenay
a) A1-A2: Nuqdooyinkii heshiiska dhul iibinta ee u dhaxeyay Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah, Yusuf Kulmle Ulusow, Mrs. Mariam Abdullahi Yusuf iyo Mohamed Amin Sheck Hussein ee taariikhdu markay ahayd 9ka bisha Seteember, 1993.
- Saxiixyada la og yahay ee Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah
- B1: Oo ah nuqdi la sawirray [scanned copy] ee dukumentigii heshiiiska ee u dhaxeeyay British Telecommunication plc iyo UBSOM oo ahaa taariikhdu markay ahayd 27ka bisha Juun, 2014.
- B2: Oo ah nuqdi la sawirray ee dukumentigii ahaa taariikhdu markay ahayd 27/07/2014
- B3: Oo ah nuqdi la sawirray ee dukumentigii ahaa taariikhdu markay ahayd 15/01/2013
- B4: Oo ah nuqdi la sawirray ee dukumentigii ahaa taariikhdu markay ahayd 27/05/2004
- Codsiga saxiixyada Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah
a) C1: Oo ah saxiixyo la codsaday oo laga hor qaaday Massaret Aslam Masood oo ah Nootaayo Dad-weyne ee Wasaarada Arimaha Dibada, Oslo Norway taariikhu markay ahayd 08/05/2017
WAXAAN JECELNAHAY IN AAN XAQIIQSANO HADDII:
Saxiixa ku qoran yahay kii Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah iyo in kale saxiixa ku qoran bandhigga maxkamadda ee ku calaamaddaysan A1-A2 marka loo barbar-dhiggo isla saxiixa caadiga ee kan Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah kan ku calaamaddaysan Banghigga Maxkamadda ee B1-B4 iyo in kale.
l
DIIWAAN SHAQO
Lam. Kiiska:SS/QDE/1/2/7/OSLO/2017
Qaabka Baaritaanka:Qaadaa-dhigidda Saxiixa
Taariikhda la soo Gudbiyay:25/05/2017
Taariikhda Warbixinta:26/05/2017
Tixraacaaga:TBA
Madaxa Baaraha:Martin E. Papa
WARBIXINTA BAARITAANKA
Waxaan baarnay oo aan isku barbar-dhignay saxiixa la sheegtay ee Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah ee ku saxiixan bandhigga maxkamadda ee ku calaamaddaysan A1 ee saxixa caadiga ee kan Mr. Abdulqadir Mohamed Aden Farah ee kan ku calaamaddaysan filaarta casaanka ah ee banghigga Maxkamadda ee B1-B4 iyo C1.
ARAGTI XEELDHEERE
Saxiixyada Mr. Abdulqadlr Mohamed Aden Farah ee ku saxiixan A1-A2 waa SHABAHAAD oo been-abuur ah. Kala duwanaanshaha guud ee saxiixa ka muuqda waxay tusaale wayn u tahay kala gaddisanaanta ama mukhtalifka saxiixyada.
NIDAAMKA LA DARSAY
Inta aan baaritaankeen ku gudi jirnay, saxiixyada waxaan ku baarnay innagoo u isticmaalnay quraaad waynayso ah si markaa aan u wanaajiinno oo aan si fiican aan u aragno oo aan isbarbar-dhigno annagoo isla markaana ka eegayna sifooyinka gaarka u ah.
MUHIIMADA
Aragtida waxaan ku saleeyay hab saleynay dhacyada xawaarraha qoraalka, simannaanshaha qabsashada qallinka, nidaamka xariiqida iyo ku adkaynta, heerka xirfadda, dhaqdhaqaajinta habraaca muruqa iyo isku duwida, ku dhammaatinka, qaabka qallinka loo dhigo iyo xurnimada.
TEXGELIN
Waxaan texgelinnaynaa in la xadido xaaladdaha sida haddii ay ka maqan yihiin qoraal ku filan, jiro, da’, dhinnaansho dhanka aragga ama maqalka, qoris iyo akhris, ku takri-falka muqaadaraadka, qaabka wax qorista iyo akhriskaa.
Halkan qoraalka aan ku soo gudbinnay fadlan naga guddoon nuqul ka mid ah warbixinteena oo aan ku faahfaahinnayno wixii aan soo oggaanay iyo bandhigyada maxkamadda oo aan ugu talagalnay tallaabadaada iyo haysato.
Daacadnimo ah,
SHARTLON SERVICES LIMITED
AGAASIME, BD & MARKETING
Akhri turjumid Kiiskii dacwadda dukumiintigii been abuurka ee Nairobi ay ka sameeysteen Axmednur Jimcale iyo Maryan Macalin si ay u dhacaan labadiisa Hotel
Waagacusub.com - Dukumiintiga halkaan ku lifaaqan waa baaristii la turjumay , wuxuu cadeeynayaa dukumiintigii been abuurka ahaay ee Maryan Macalin, AxmedNur Cali Jimcale iyo Maxamed Amiin Sheekh Xuseen ka sameeysteen Nairobi si ay u dhacaan Labada