Yusuf Kulmiye "Waxaan Marqaati ka ahay inta aan noolahay in Hotelada Baariyow One iyo Two uu leeyahay Cabduqaadir Baariyow"

0
Monday April 13, 2020 - 05:32:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2071
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Yusuf Kulmiye "Waxaan Marqaati ka ahay inta aan noolahay in Hotelada Baariyow One iyo Two uu leeyahay Cabduqaadir Baariyow"

    Wariyaha weyn Amiin Yusuf Khasaaro ayaa Wareeystay Ninkii qabay Gudoomiye ku xigeenka bankiga dhexe ee Somalia Maryan Macalin. Ninkaan oo ka mid ahaay dadkii lacagta deynta ku lahaay Cabdi Warsame Isaaq ayaa si geesinimo leh uga hadlay in la dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariyaha weyn Amiin Yusuf Khasaaro ayaa Wareeystay Ninkii qabay Gudoomiye ku xigeenka bankiga dhexe ee Somalia Maryan Macalin. Ninkaan oo ka mid ahaay dadkii lacagta deynta ku lahaay Cabdi Warsame Isaaq ayaa si geesinimo leh uga hadlay in la dhacay Guryaha Cabduqadir Baariyow isagoo beeniyay inuu haba yaraatee wax ka og yahay Dukumiinti been abuura oo Nairobi lagu sameeyay kaas oo magaciisa lagu qoray maadama Maryan Macalin uu qabay , lacag badana ka maqneed.

Wariye Amiin Yusuf Khasaaro oo banaanka soo dhigay sideey Xaaraan iyo Tuuganimo ugu bareereen AxmedNur Cali Jimcale, Maryan Macalin iyo Maxamed Amiin Sheekh Xuseen ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidaan:-


Loading...

Waxaa ii suurta gashey in aan Wareysto Yusuf Kulmiye Culusow oo Goob joog u ahaa Wax badan ka og Qaabkii lagula wareegey Hoteladda Baariyow One iyo Baariyow Two Horaantii sanadihii Shagaashameeyadii haatana Dacwad ay ka taagan tahay waxaana weydiiney Yuusuf Maxaad ka ogtahay Hoteladaas waxaana uu yiri


"Sanadihii Shagaashameeydii ayaa waxaa dhacay in nin Dhintey oo lagu Magacaabo Cabdi Warsame isaaq kana mid ahaa Golihii sare ee Kacaanka uu bixiyey Jeegag Lacageed oo markii dambe ay Jeegagaas socon waayeen ayaa dadkii heystey Jeegagaas waxay qabsadeen oo ay Afduubteen Cabdiqaadir Baariyow maadaama uu damiintey Cabdi Warsame si arrintaas loo Furdaamiyo oo heshiis looga gaaro ayaa waxaa dhacay ” ayuu yiri mudane Yusuf


"Wada hadalo ka dhacay Muqdisho iyo Nairobi si arrintaa Xal looga gaaro ayaa Raggii Jeegaga Haystey waxay ku qancii waayeen Wada hadalkaas waxaa markii dambe arrintii soo dhex galey Cabduqaadir Baariyow Aabihii Xaaji Baariyow oo ka codsadey in Waqti la siiyo Wiilkiisa si arrinta Xal looga gaaro” waxaa sidaas cadeeyay Mudane Yusuf Kulmiye Culusow oo ah ninka qabay haweeneeyda afduubatay Cabduqadir Baariyow ee Maryan Macalin oo hadda ah Gudoomiye ku xigeenka bankiga Somalia.


"Markii ay arrintu halkaas mareyso ayaa Raggii Jeegaga waxaay mar kale afduubteen Cabduqaadir Baariyow oo Jirdil loo geystey si xuna loola Dhaqmey sidoo kale waxay markii dambe Ragaas ay afduubteen Xaaskiisii iyadoo Xaalku uu murugsan yahay ayaa Cabduqaadir Baariyow Aabbihii oo nin wanaagsan ahaa waxaa uu raggii Afduubka ku wareejiyey Dukumiintiyadii Labada Guri ama Labada Hotel”


Waxaan weydiiney Yusuf Kulmiye Culusow Lacagta uu damiintey Baariyow imisa ayey dhameyd waxaa uu ku jawaabey " Lacagtaas waxay gaareysey 250 Kun oo dollar Shaqsiyan Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii Lacagta jeegaga haystey waxay dhameyd 150 Kun oo Doolar inkastoo Qoraal ay soo saartay Xeer Ilaalinta aniga la ii qorey 100 Kun oo doolar hase yeeshee Cabduqaadir Baariyow Fursad lama siinin Lacagtaas uu ku bixiyo sidoo kale Guryahiisa lama qiimeyn si loo ogaado Qiimaha Guryaha iyo Qiimaha Lacagataas uu damiintey waxayna arrintu ku biya shubatey anaa koo Xoog badan”


Waxaan weydiiyey maxaa ka Xasusataa Raggii lacagahaas lahaa waxaana uu yiri "Maryan Cabdulaahi Yusuf ,Nin la yiraahdo Xasanow, iyo nin kale oo magaciisa la yiraahdo Cabduqaadir iyo Cali Carmaan waxaan kuu sheegayaa markii aan isugu tagney Nairobi ayaa waxaa halkaa ku arkey nin Magaciisa la yiraahdo Maxamed Amiin oo markaa Wakiil ka ahaa Cali Carmaan oo Lacagtiisu Dhameyd 50 Kun oo Doolar waxaana Maqley in Maxamed Amiin inta 50-kii Kun ee Doolar uu Celiyey ka dibna Hotel Baariyow Two Dukemntiyadoodii la wareegey kana sii iibsadey Shirkada Hormuud ma garan karo Sabab loo iibsado ama loo gato waayo waa Guryo Damiin lagu dhiibey " ayuu intaas ku deray Yusuf Kulmiye Culusow.


" Hotelka kale ee Baariyow One waxaa iyana la wareegey Ragii kale oo ay Horkaceysey Maryan Cabdulaahi Yusuf oo Lacagta la damiintey ay gaareysey 100.000 Dollar sida darteed wax Cudur daar ah malaha in Guryahaas la sii haysto waxaan kuu sheegayaa in Xeer Ilaalinta aan u gudbiyey Qoraal Cadeynaya in aan marqaati ka ahay in Hoteladaas uu leeyahay Cabduqaadir Baariyow dadka maanta haysto waxay ku haystaan Xoog iyo Sharcidaro”


Gabagabadii waxaan weydiiyey Yusuf Kulmiye Culusow Maxaad u soo jeedineysaa dadka maanta Hoteladaas ku ganacsanaya waxaana uu yiri " Sidaan hore kuugu sheegey aniga waxaan ka mid ahaa Dadkii lacagaha Damiinta ku lahaa Cabduqaadir Baariyow waxaan aaminsanahy in Lacagtaas ay Khasaartey marka waxaan u soo jeedinayaa dadka maanta ku Ganacsanaya Guryahaas iney Xoolahooda Xalaal ku raadiyaan, sidoo kale dadka maanta haystaan Guryahaas ha yimaadaan Maxkamadda si halkaas loogu kala baxo, Dhinaca kale waxaan Bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in inta aan noolahay aan Maxkamadda ka Hor Cadeeyn doono oo Marqaati ku furi doono in Hoteladaas uu leeyahay Cabduqaadir Xaaji Aadan Baariyow.

Waxaa Wareeystay Wariyaha weyn Amiin Yusuf Khasaaro


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...