Galmudug: Sharcidaro dhac iyo dil loo tanaasulay Waxaa qoray Khalif Mohamed Duale oo ka mida Xeeldheerayaasha

1
Tuesday April 14, 2020 - 16:29:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2026
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Galmudug: Sharcidaro dhac iyo dil loo tanaasulay Waxaa qoray Khalif Mohamed Duale oo ka mida Xeeldheerayaasha

    LAAB-LAKACA IYO FUDAYDKA WAA CALAAMADAHA LAGU GARTO SIYAASIGA AAN BISLAYN. Galmudug iyo shacabkeeda in loo horseedo horumar iyo maamul wanaag lagu samata-bixi karo dadkeeda dhibaataysan, waa lama hurraan iyo waajib saaran qof kasta ee ka soo jeeda G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LAAB-LAKACA IYO FUDAYDKA WAA CALAAMADAHA LAGU GARTO SIYAASIGA AAN BISLAYN. Galmudug iyo shacabkeeda in loo horseedo horumar iyo maamul wanaag lagu samata-bixi karo dadkeeda dhibaataysan, waa lama hurraan iyo waajib saaran qof kasta ee ka soo jeeda Galmudug.


Loading...

Shacab iyo mas'uuliyiin intaba, waa in xaqiiqda iyò runta sida ay tahay loo wajaho, khiyaalina lagu noolaan sida caadada u noqotay reer Galmudug.

Madaxda iyo mas'uuliyiinta maamulka Galmudug hoggaaminaysa, waa in lagu doorto waddo sax ah ee xor iyo xalaal ah, ee aan loo sacaba tumin dulmiga iyo musuqa loogu magac daray tanaasul iyo dib-u-hishiisiin.

Dulmiga, boobka, iyo dhaca looma tanaasulo, waa laga horyimaadaa, haddii kale waxaa raalli ka noqonaysaa, ama furaysaa waddo cusub ee mustaqbilka noqota "precedent" - "laga tilmaan qaato", shacabkana u horseeda in dulmi iyo boobku yahay wax iska caadi ah.

Maamul kasta iyo siyaasiin kasta ee indhaha ka qabsada runta iyo xaqiiqda, islamarkaasna oggolaada in la baal-maro dastuurka iyo xeerarka lagu hishiiyay, ma filaayo in danta gobolka ka shaqaynayaan iyo badbaadada shacabkooda.

Mas'uulka iyo maamulka lagu doorto si aan xor iyo dimoqoraadi ahayn, natiijada ka soo baxaysa, waa mid noqonaysa maamul gacan-ku-rimis ah ee ka adeegta Galmudug ee xaqiiqdii aan u adeegayn magaca ay huwan yihiin.

Maamul kasta wuxuu ku shaqeeyaa hishiis bulsho (dastuur) lagu wada hishiiyay, wixii intaas ka baxsan waa fowdo iyo dulmi, natiijada ka soo baxaysana waa mid uu qof walbaa garanaayo meesha ay ku dambayn doonto (burbur iyo is-aaminid la'aan).

Galmudug doorasho xor iyo xalaal ah kama dhicin, waxaa ka dhacay waxa ay ahaayeen: boob, musuq, dil, dhac, iyo in wax kasta xoog lagu muquuniyo, iyadoo loo adeegayo koox rabta in dalka taladiisa xoog ku haysato (Villa Soomaaliya).

Kuwa xalay 12/04/2020 saqdii dhexe u sacaba tumaayay xafladii xil-wareejinta Xaaf/Qoor-qoor ee qiirada iyo laab-lakaca uu ka muuqday, waa kuwii shalay kooxda Febraayo 8, dalka ku soo hoggaamisay, natiijada laga dhaxlana ay maanta qof walba ay taabanayso, miraheedana la guranaayo.

Markii dulmiga loo hiiliyo, indhahana laga qabsado xaqa iyo cadaaladda, miraha laga dhaxlaa, waa burbur, halaag iyo waddo mugdi ah in aad dadkaaga ku hoggaamisid, adiguna aad berri meel kasta la taagnaatid shalay iyo dhamana-hays intii muddo ah laga qoowma-meeyo.

Danleey xildhibaano iyo senatooro ka kooban, laguna tilmaamo jir-jiroolayaasha siyaasadda (political chameleons) marna aan ka hadlin horumarka iyo wax u qabashada degaan-doorashadooda ay wakiilka ka yihiin, waa musiibo inteeda la eg ee taariikhda galaysa, berrina lagula xisaabtamaayo sida ay u dayaceen shacabka ay magacooda ku matalaayeen labada aqal ee baarlamaanka iyo dowladda dhexe.

Danleeyda xildhibaanada/senatoorada fadhiyay xaflada, waxa ay gabeen waajibaadkii loo igmaday, iyo shacabka ay wakiilka ka ahaayeen, waxa ayna ku mashquuleen in khudbado ammaan iyo bogaadin ah dusha uga tuuraan Mr. Qoor-qoor iyo Villa Soomaaliya, si ay mar labaad ugu soo noqon lahaayeen xilalka xildhibaanada iyo senatoorada, middaas ee la hubo in ballamada looga bixi doono, waji-gabax iyo taariikh xumo ma hadhays ahna ay ku dhici doonto.

Xildhibaanada iyo senatoorada shaqada ugu muhiimsan ay gobolada ay ka soo jeedaan u qabteen, waa ammaanta shakhsigii loo xilsaaray burburinta gobolkooda, waa musiibo inteeda la eg, fudayd, iyo danaysi gaar ahaaneed ee gurracan, ee la hubo in qalin madoow lagu qori doono sida ay u dayaceen shacabka ay wakiilka ka ahaayeen.

Taariikhdu waa is-xustaa, waana la arki doonaa, iyagoo ka shalaynaya dulmiga ay u hiiliyeen, sidii horeyba u dhacday doorashadii 8da Febraayo ee danleey badan ay ka qoowma-meeyaan ilaa iyo maanta.

Ugu dambayn, waxa aan sugnaa waa 6da bilood ee soo socota ee mar labaad la arki doono, iyagoo shalayto kale dariiqyada la wareegaaya, kana qoowma-meeynaayo dulmiga ay gacmahooda la galeen kuna walaaqdeen, waana damac, iyo bisayl la'aan ka haysata xagga siyaasadda.

Wa billaahi towfiiq,

Dr. Khalif M Duale

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...