[Topnews:-] Madaxweynaha Eretria oo ka Aargoosanaya Madaxweyneyaashii hore Somalia?

1
Wednesday April 15, 2020 - 01:57:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4941
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Madaxweynaha Eretria oo ka Aargoosanaya Madaxweyneyaashii hore Somalia?

    Madaxweynaha Eretria Isaias Afwerki oo garab ka helaya Dowladaha Iiraan iyo Qatar ayaa ku hoowlan sidii loo khaarijin lahaay ama saaxadda Siyaasadda looga saari lahaay Madaxweyneyaashii Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo godob siyaasade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Eretria Isaias Afwerki oo garab ka helaya Dowladaha Iiraan iyo Qatar ayaa ku hoowlan sidii loo khaarijin lahaay ama saaxadda Siyaasadda looga saari lahaay Madaxweyneyaashii Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo godob siyaasadeed ka galay. sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo Saraakiil Sirdoon.

Dagaalka Madaxweynaha Eretria kula jira Shariif Sheekh Axmed ayaa la xiriira  dakano ka dhalatay xilligii Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ee Asmara oo Shariif Sheekh iyo Shariif Xasan ka dhuunteen kadibna si fudud heshiis ula galeen Ethiopia.

Isaias Afwerki oo saaxadda siyaasadda ka saaray Madaxweynahii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan wuxuu sidoo kale dagaal siyaasadeed xoogan kula jiraa Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligii uu Madaxweynaha Somalia ahaay la saftay Ethiopia iyo Jibouti isagoo saxiixay hindise sharciyeedkii IGAD ee Qaramadda Midoobay looga dalbaday iney cunaqabateyn xoogan saarto Dalka Eretria iyo Xukumadda Isaias Afwerki.

Madaxweyne Afwerki oo kumanaan Ciidan dalkiisa ugu tababaray Dowladda Farmaajo wuxuu doonayaa in la dilo ama Saaxadda siyaasadda laga saaro Shariif Sheekh Axmed,Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Shariif Xasan Sheekh Adan” sidaasi waxaa Waagacusub ugu xog waramay diplomasi ka tirsan Sirdoonka reer Galbeedka ee sida dhaw ula socda siyaasadda Geeska Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiray Safaaraddii Iiraan ee Somalia isagoo safiirkoodii guud ahaan ka ceeyriyay Somalia xilligii uu xukunka Villa Somalia joogay taas oo ka careeysiisay Jamhuuriyadda Tehran.

Xasan Sheekh ma aqbalin dadaaladii xal raadinta ee dalalka Qatar iyo Turkey oo la saaxiiba IIraan laakiin sababtaas ayaa lala xiriirshay iyadoo Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ka amar qaadanayeen Boqortooyadda Saudi Arabia iyo Emirate-ka Carabta.

Ciidanka Farmaajo ayaa is hortaag, weerar iyo xadgudubyo joogta noqday kula kacay Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud laakiin sida muuqata weli siyaasadda ugama adkaan maadama ay degaan ahaan ka soo jeedaan Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa la rumeeysan yahay in dagaalka uu daaha gadaashiisa ka hagaa Madaxweynaha Eretria si cad u soo shaac bixi doono dhawaan maadama uu Farmaajo ka dhaadhiciyay inuu waqti kororsi sameeyo.


Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...