Topnews:-Farmaajo iyo Kheyre oo QOOR QOOR ku qasbay inuu Wasiirka Cadaalada ka dhigo Axmed Cali Dahir - Xeer ilaaliyahii Musuqmaasuqa badnaa ?

0
Wednesday April 15, 2020 - 03:30:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3775
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Topnews:-Farmaajo iyo Kheyre oo QOOR QOOR ku qasbay inuu Wasiirka Cadaalada ka dhigo Axmed Cali Dahir - Xeer ilaaliyahii Musuqmaasuqa badnaa ?

    Waagacusub.com - Farmaajo iyo Kheyre ayaa Axmed Qoor Qoor u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad lagu amray inuu ka dhigo Wasiiradda Maamulkiisa Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Farmaajo iyo Kheyre ayaa Axmed Qoor Qoor u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad lagu amray inuu ka dhigo Wasiiradda Maamulkiisa Dhuusamareeb.

Shaqsiyaadka Liiska cusub ku qoran waxaa ka mida xeer ilaaliyahii musuqmaasuqa badnaay ee Reer Ethiopia Mr Axmed Cali Dahir.

Axmed Cali Dahir oo ku dhashay dhulka Somalida ee Ethiopia gumeeysato waxaa lagu xasuustaa naceybkiisa qaar ka mida beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Habargidir ,Abgaal iyo Ogaadeen.

Kheyre wuxuu horey u geystay Dhuusamareeb nin loo caleemasaaray inuu yahay Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo la yiraa Gacal.

Axmed Qoor Qoor ayaa isku magacaabay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug kadib markii uu diiday inuu la tartamo Musharaxiintii kale ,wuxuuna Xeradda Shiirkole geystay Xildhibaano aan sharci aheyn oo uu gacantiisa ku qortay kuwaas oo u badan ilaaladii Madaxda Dowladda iyo Darawaladoodii.

Siyaasiyiin garab istaagay QOOR QOOR oo maalmahaan iidheh u sameeyay ayey filan waa ku noqon doontaa inuu Axmed Qoor Qoor ku dhawaaqo Liis Wasiiro ay soo qorteen Farmaajo iyo Kheyre.

Sikastaba ha ahaatee, shacabka iyo aqoonyahanadda reer Galmudug ayaa ka carooday in la yiraa waa loo tanaasulay nin diiday sharciga iyo doorasha xora kadibna ka doorbiday inuu laayo shacabkii madaxdii hore. wuxuuna yiri Khaliif Mohamed Duale.

"Madaxda iyo mas'uuliyiinta maamulka Galmudug hoggaaminaysa, waa in lagu doorto waddo sax ah ee xor iyo xalaal ah, ee aan loo sacaba tumin dulmiga iyo musuqa loogu magac daray tanaasul iyo dib-u-hishiisiin”.

"Dulmiga, boobka, iyo dhaca looma tanaasulo, waa laga horyimaadaa, haddii kale waxaa raalli ka noqonaysaa, ama furaysaa waddo cusub ee mustaqbilka noqota "precedent" - "laga tilmaan qaato", shacabkana u horseeda in dulmi iyo boobku yahay wax iska caadi ah”.

"Maamul kasta iyo siyaasiin kasta ee indhaha ka qabsada runta iyo xaqiiqda, islamarkaasna oggolaada in la baal-maro dastuurka iyo xeerarka lagu hishiiyay, ma filaayo in danta gobolka ka shaqaynayaan iyo badbaadada shacabkooda”.

"Mas'uulka iyo maamulka lagu doorto si aan xor iyo dimoqoraadi ahayn, natiijada ka soo baxaysa, waa mid noqonaysa maamul gacan-ku-rimis ah ee ka adeegta Galmudug ee xaqiiqdii aan u adeegayn magaca ay huwan yihiin”.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...