WARDEGDEGA Sirculus: Ciidankii Melleteriga qeybta 21-aad Galmudug oo shaki qabiil dartiis kala tegay.
Ciidamaddii Saleebaan,Sacad,Mareexaan iyo Dir ayaa guud ahaan iskaga tegay xeradii Dhuusamareeb ku tiil, waxeyna dib ugu laabteen degaanadii ay ka soo jeedeen sida Caabudwaaq, Xeraale, Cadaado iyo Galkacyo.
Saraakiisha qeybta 21-aad ayaa Waagacusub u xaqiijiyay in kala shaki qabiil ka dhex dhashay Ciidanka sidaas darteedna ay kala tageen.
Kala shakigaan ayaa soo baxay kadib markii Taliyaha Qeybta 21-aad Cabdi Casiis Qooja dagaari magacaabay Taliyeyaal Urur, isagoo guud ahaan meesha ka saaray Saraakiishii beesha Ceyr u dhalatay ee garabka Ahlusunah Wal Jameeca.
Taliyaha qeybta 15-aad Jeneral Mascuud ayey is qabteen Taliye Qooja Dagaari laakiin waxaa loo sheegay inuu yahay Eedeysane dimbiyo dagaal galay sidaas darteedna uusan ka bixi karin Muqdisho oo Xaaskiisii loo geeyay.
Saraakiisha Ahlusunah oo ka dhiidhiyay xabsi Guriga la geliyay Jeneral Mascuud ayaa gadood Ciidan sameeyay iyagoo ku dhaartay iney guud ahaan ka baxayaan Ciidanka Melleteriga ee qeybta 21aad Galmudug haddii aan si degdega loo deyn Taliyahooda ku xiran Muqdisho oo qaab shirqoola markii hore loo kaxeeyay.
Taliyahii Ciidanka Boliiska Dhuusamareeb ayaa habeen hore saqdii dhexe iscasilay isagoo sheegay in Xabsiga laga sii daayay Eedeeysanayaan lagu tuhmay iney ka tirsan yihiin argagixisadda Al-Shabaab.
Taliye Burhan ayaa markii uu hadlay la beegsaday iyadoo warqad laga soo qoray Villa Somalia lagu qasbay Saraakiisha Boliiska Galmudug iney akhriyaan si warkiisa loo beeniyo laakiin labada qodob ee taliyaha iscasilay soo qaatay waa , dhacdooyin shacabka Galmudug oo dhan wada ogyihiin.
Sikastaba ha ahaatee, Waxaa Taliyaha qeybta 21-aad Cabdicasiis Qooje Dagaari la rumeeysan yahay inuu la shaqeeyo argagixisadda Al-Shabaab iyadoo dhinaca kalena ay Madaxtooyadda Dhuusamareeb qabsadeen kooxo urur diimeedyo ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Liiban Shuluq iyo Cumar Shido oo labadaba ka tirsan Al-Shabaab.
WARDEGDEGA Sirculus: Ciidankii Melleteriga qeybta 21-aad Galmudug oo shaki qabiil dartiis kala tegay.
Ciidankii Metteriga qeybta 21-aad ee goboladda dhexe ayaa xalay saqdii dhexe kala shaki dartiis ka huleelay Dhuusamareeb iyagoo dib ugu laabtay degaanadii ay ka soo kala jeedeen.