Waa kuma Wakiilkii Al-Shabaab Mudug ee la qabtay Aweys Garweyne?

0
Wednesday June 10, 2020 - 02:54:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3911
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Wakiilkii Al-Shabaab Mudug ee la qabtay Aweys Garweyne?

    Aweys Macalin Maxamed Xasan Mire Cabdi Cad oo loo yaqaan Aweys Garweyne, Wakiilkii Al-Shabaab ee gobolka Mudug wuxuu tababar ku soo qaatay degaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeeladda hoose laakiin markii uu ka soo laabtay ee loo soo bedelay G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aweys Macalin Maxamed Xasan Mire Cabdi Cad oo loo yaqaan Aweys Garweyne, Wakiilkii Al-Shabaab ee gobolka Mudug wuxuu tababar ku soo qaatay degaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeeladda hoose laakiin markii uu ka soo laabtay ee loo soo bedelay Gobolka Mudug wuxuu walaashiis Ardo Macalin Maxamed Xasan Mire siiyay Amiirka Willaayadda Al-Shabaab ee goboladda dhexe Cabdishakuur Calansidood oo u dhashay beesha Sacad Habargidir gaar ahaan Reer Nimcaale.

Aweys Garweyne oo u dhashay Beesha Sacad Habargidir gaar ahaan Reer Hilowle , Reer Ciise wuxuu ka dambeeyay qaraxii lala beegsaday Mowlicii Sheekh Cabdiweli, qaraxii lagu dilay Taliyahii Boliiska Galkacyo Cawil Tubaako, Dilkii Cali Dhiif ,dilkii Gacaney Nur Shiil, Dilkii Vimto, qaraxii lagu qabtay gurigii Cabdiqeybdiid iyo qaraxii loo dhigay Taliyaha Ciidanka Lugta Somalia ee ka dhacay Koofurta Galkacyo.

Aweys Garweyne oo lagu qabtay Galkacyo ayaa qirtay inuu ka dambeeyay dilalka iyo qaraxyada kor ku xusan,wuxuuna sheegay inuu dhinaca Lojiistikadda iyo Maaliyadda u qaabilsanaa Ganacsade la yiraa Liibaan Axmed Xasan oo loo yaqaan Liiban Shuluq.

Liiban Shuluq oo aad ula saaxiiba Axmed Qoor Qoor wuxuu u dhashay beesha Sacad Habargidir gaar ahaan reer Hilowle, Reer Afrax Daan.

Aweys Garweyne walaalkiis la dhashay Saciid Macalin Maxamed Xasan Mire Cabdi Cad oo loo yaqiin Saciid Gurey wuxuu ahaay ninkii ugu horeeyay ee Sacad ah , kuna dhintay dagaalkii Bandiiradley, isagoo u dagaalamaayay kooxaha Wahaabiyadda Maxaakiimta.

Saciid Gurey inta uusan ku biirin Wahaabiyadda ka hor wuxuu Tafsiirka Quranka Kariimka ka akhrin jiray Masjidka Cabdalla iyo Cawareere ee degmadda Wardhiigley Muqdisho laakiin Abwaan Abshir Nur Faarax Bacadle ayaa ku qalqaaliyay inuu ku biiro Urur diimeedka Al-Itixaad iyadoo loo xilsaaray markii dambe Galkacyo.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...