Wafdi Kasocda itoobiya oo Si Qarsoodi ah muqdisho ku yimid maxaad kala socotaa

0
Sunday January 17, 2021 - 15:00:55 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi Kasocda itoobiya oo Si Qarsoodi ah muqdisho ku yimid maxaad kala socotaa

    Wafdi Kasocda itoobiya oo Si Qarsoodi ah muqdisho ku yimid maxaad kala socotaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi Kasocda itoobiya oo Si Qarsoodi ah muqdisho ku yimid maxaad kala socotaa

Madaxweynaha Maamulka Oromada iyo taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay booqasho qarsoodi ah kutageen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shimelis Abdisa iyo Major General Berhanu Jula ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku yimid Muqdisho 15-kii bishan iyaga oo lagu waramayo iney kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.

 

Wafdigaan ayaa madaxweyne Farmaajo kala hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka, ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale.

 

Wali safarkaan qarsoodiga ah kama aysan hadlin Villa Soomaaliya, lamana yaqaan sababta keentay in la qariyo kulanka dhexmaray madaxda dalka iyo wafdigii ka yimid Itoobiya Waaga Cusub ayaa Xogo dheeraaad ah idiin soo gudbin doonta

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir waji wanaagsan ah la sameeyay dowladda Itoobiya iyadoo la xasuusto in ololahiisa madaxtinimada dalka ee dhamaadkii 2016 iyo bilowgii 2017 uu ku qotomay naceybka dowladda Itoobiya.

 

Soomaaliya hadda waxaa lagu tiriyaa dowladda ugu dhaw ee Itoobiya iyadoo Abiy Ahmed uu saaxiib ka dhigtay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Farmaajo kaas oo muddo xileedkiisa uu ka harsan yahay wax ka yar 25 cisho.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...