Shil Baabuur oo Sababay Khasaaro Xogan ayaa Dhuusamareeb kadhacay

0
Saturday January 23, 2021 - 17:05:12 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Baabuur oo Sababay Khasaaro Xogan ayaa Dhuusamareeb kadhacay

    Shilkan oo sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shilkan oo sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaari Ciidan nooca ay Soomaalida u taqaano Cabdi bilaha iyo gaari yar oo Gobolada dhexe looga yaqaano dhikilada ay isku dhaceen, waxaana dhaawac culus uu kasoo gaaray shilkaas Haweeneey, taas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

 

Sidoo kale waxaa shilkaasi uu burbur xoogan kasoo gaaray labada gaari ee isku dhacay, iyada oo dadka ku waxyeeloobay shilkan ay u gurmadeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Bulshada Magaalada.

 

Shilalka Gaadiidka ayaa bilihii la soo dhaafay kusoo badan degaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...