Deegaanka Ceeldheere oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaa xalay qabsaday Al-Shabaab Shacab ayeeyna ka afduubteen

0
Monday January 25, 2021 - 12:16:36 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaanka Ceeldheere oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaa xalay qabsaday Al-Shabaab Shacab ayeeyna ka afduubteen

    Kooxda ayaa halkaas ka kaxeysatay seddax qof iyo gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, kaas oo ay ka leexsadeen laamiga dheer ee isku xira gobollada dalka. Al-Shabaab waxay gudaha u galeen xarun kasta oo maamulka deegaanku lahaa, waxayna gaadiidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda ayaa halkaas ka kaxeysatay seddax qof iyo gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, kaas oo ay ka leexsadeen laamiga dheer ee isku xira gobollada dalka. Al-Shabaab waxay gudaha u galeen xarun kasta oo maamulka deegaanku lahaa, waxayna gaadiidka ku canshuurayeen labada koontorool ee magaalada.


Galmudug waxaa meel kasta ka soo hajuumay Al-Shabaab, xaalada dadka aan xiriirka la laheyn kooxdaas ee ku nool deegaanada Galmudug waxay maanta ku jirta khatar aan la sahla karin.

Matabaan oo Hiiraan ah illaa Bacaadweyn oo Mudug ah, waxay Al-Shabaab ku qaadeen weerar saf balaaran ah, oo aysan ka cabsi qabin wax iska caabin ah.

Qoor Qoor intii uu joogay xukunka loo boobay, waxaa faraha ka baxay amnigii yaraa ee gobollada dhexe ka jiray, dadkiina waxaa lagu dhex beerayaa Al-Shabaab oo 10-sano ka hor ay dhulkooda ka cirib tireen.

Inta goori goor tahay reer Galmudug hurdada haka kaceen!

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...