Axmed Madoobe oo Dhuusamareb gaaray iyo Madaxweynaha Puntland oo Cadaado ka degay sababo amaan aawgeed

0
Tuesday February 02, 2021 - 15:50:52 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 2330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo Dhuusamareb gaaray iyo Madaxweynaha Puntland oo Cadaado ka degay sababo amaan aawgeed

    Waagacusub.com - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray Dhuusamareeb halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray Dhuusamareeb halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb uga hortegay Axmed Qoor Qoor iyo mas'uuliyiin kale.

Dhinaca kale waxaa soo gaaray Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland Saciid Denni oo xaalad amaan darteed ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Cadaado.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana haatan ku sugan Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada dalka.

Shirka Dhuusamareeb oo diirada lagu saarayo khilaafka ka taagan doorashada ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo maanta oo arbaco ah waloow Madaxda Puntland iyo Jubbaland diideen iney ka qeybgalaan sababa la xiriira tacsida Jeneral Galaal oo ay ka qeybgalayaan.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...