[Topnews:] Dowladda Tunisia ayaa shaqadii ka eriday Iimaam Akhriyay Suurad Quran ah kadib markii Wasiirka Diinta ?

0
Saturday August 13, 2022 - 16:04:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8748
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:] Dowladda Tunisia ayaa shaqadii ka eriday Iimaam Akhriyay Suurad Quran ah kadib markii Wasiirka Diinta ?

    Waagacusub.com - Dawladda Tunuusiya ayaa shaqadii ka eriday Sheekh lagu magcaabo Maxamed Saynul Diin oo Imaam ka ahaa Masjid ku yaalla magaalada Naabil ee bariga dalkaas. Sheekhan ayaa lagu qabsaday Quraan uu akhriyey xilli Sabtidii hore uu tukinay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Dawladda Tunuusiya ayaa shaqadii ka eriday Sheekh lagu magcaabo Maxamed Saynul Diin oo Imaam ka ahaa Masjid ku yaalla magaalada Naabil ee bariga dalkaas. Sheekhan ayaa lagu qabsaday Quraan uu akhriyey xilli Sabtidii hore uu tukinayey Masjidkii uu Imaamka ka ahaa. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Tunuusiya oo Masjidka ku tukanayey ayaa dhibsaday aayadaha 26 iyo 144 ee Suurtu Aala Cimraan kuwaas oo qayb ka ahaa Quraankii Saaladda ee uu Sheekh akhriyey.
Wasiirka ayaa Sheekh ku canaantay in uu soo qaatay Aayado ka hadlaya Inqilaab iyo weliba in xukunku yahay wax Ilaahay bixiyo isaga oo u sheegay in uu ka dheeraado Aayadaha noocana. Balse dawladda ayaan arrinta ku joojin canaanta Wasiirka iyada oo ugu dambayn Wadaadkii shaqadii Masjidka laga eryey.
Dalka Tunuusiya ayaa wakhtigan ku jira jaha wareer siyaasadeed oo ka dhashay sida uu waddankaas u maamuulayo madaxweyne Qays Saciid oo lagu eedaynayo in uu u xuub siibtey keligii taliye diidey taladii la wada lahaa.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...