[Topnews:-] Wasiir iyo Naagtiisa Shiinaha u saxiixay iney 30 sano Kalluunka Somalia qaataan ?

0
Saturday April 27, 2019 - 21:26:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3232
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Wasiir iyo Naagtiisa Shiinaha u saxiixay iney 30 sano Kalluunka Somalia qaataan ?

    Waagacusub.com - Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka soconaya shir madaxeed ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee kaabayaasha dhaqaalaha oo ah mashaariic dowladda Shiinaha ay ka fuliso dalal badan oo dunida ku yaalla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka soconaya shir madaxeed ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee kaabayaasha dhaqaalaha oo ah mashaariic dowladda Shiinaha ay ka fuliso dalal badan oo dunida ku yaalla.

Shirkan oo socon doono muddo saddex cisho ah waxaa ka qaybgalaya 37 dal, wakiillo ka kala socda 150 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, ururo caalami ah Sida Qaramada Midoobay, sanduuqa lacagta adduunka iyo madax heerkoodu sarreyo oo uu kamid yahay Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin.

Shirkan waxaa Soomaliya ku matalaya wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Mareye iyo wasiirka qorsheynta, Jamal Maxamedd Xasan.

Wasiirka Qorsheynta Jamal Maxamed Xasan iyo xaaskiisa Hodan Cusmaan oo la taliye u ah seygeeda aya heshiis la saxiixday shirkadda Kiaying Industrial (HK) Limited, shirkaddan oo ka mid ah shirkada ugu waaweyn dalka Shiinaha ee ka ganacsada Bariiska. Heshiiska shirkaddan lala galay ayaa ah in magaalooyinka Jowhar iyo Jamaame ay ka hirgeliyaan mashruuca bariiska iyagoo loo saxiixay in muddo 30 sano ay beeri karaan dhoofsan karaan Bariiska Soomaaliya.

Waxaa laba bilood ka hor wasiir Jamal & xaaskiisa Hodan Cusmaan iyo wasiirka Kalluumeysiga ay sidoo kale heshiis 30 sano u saxiixeen ururka iskaashatooyinka kalluumeysatada dalka Shiinaha.

Mashruucan ballaaran ee loo yaqaanno "Belt and Road Initiatives” waxaa jira dalal badan oo Afrikaan oo ka faa’iideystay kana qeyb galaya shirka waxaana ka mid ah Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo dhammaan madaxdii dalalkaas ay xaadir ku yihiin shirka.

Madaxweyne shiinaha Xi Jinping oo shirka furay ayaa sheegay in ujeedka barnaamijkani yahay hagaajinta isku xirka dadyawga iyo dawladaha iyadoo laga duulayo iskaashi la taaban karo oo ay dhinacyadu kawada faa’ideysan karaan lehna halbeeg caalami ah.

"Barnaamijkan waxa uu ujeedkiisu yahay inuu dhiso ganacsiga, kaabayasha dhaqalaha kaasi oo albaab u furaya koboca dhaqaalaha adduunka, wuxuu sidoo kale sare u qaadaya is weydaarsiga dhaqanka, cilmiga, tiknolajiyada iyo cilmi-baarista” ayuu yiri Jinping.

Madaxweyne Jinping ayaa balan qaaday in 5,000 oo ruux oo u dhalatay dalalka laga fulinayo mashaariicda lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha ay siin doonaan tababarro sare loogu qaadayo xirafaddooda iyo yagleelidda hay’ado cilmi baaris shanta sano ee soo socota.

Mashaariicda ayaa inta badan xoogga lagu saaraa dhismaha waddooyinka, buundooyinka,fidinta dhabbayaal tareen kuwaasoo dhammaantood qeyb leh ka ciyaara xoojinta iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalalka laga hirgaliyay iyo kuwa haatan la qorsheynayo.

Shiinaha ayaa hindisha " Belt and Road” ku dhawaaqay sannadkii 2013, waxaana hadda kusoo biiray saxiixa mashaariicdaas dalal badan oo ka tirsan Afrika, Eeshiya, USturaaliya, laatiin Ameerika iyo Yurub waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay saxiixday bartamihii sanadkii hore ee 2018.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...