Siduu ku baxay Magaca Beyle Beenaale ? Maxaasa ka Run ah Waxa uu Sheegayo?

0
Wednesday March 31, 2021 - 23:21:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siduu ku baxay Magaca Beyle Beenaale ? Maxaasa ka Run ah Waxa uu Sheegayo?

    Waagacusub.com - Iyadoo ay weligiis caadada u ahayd keligiis wax walba qabte ayaa haddana waxaa uu mar kale la soo shirtagay Cabdiraxman Beyle sifadii ay beenta ugu baxday oo ahayd inuu mar waliba ka been sheego wixii uu ugu yimid Wasaaradda Maaliyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Iyadoo ay weligiis caadada u ahayd keligiis wax walba qabte ayaa haddana waxaa uu mar kale la soo shirtagay Cabdiraxman Beyle sifadii ay beenta ugu baxday oo ahayd inuu mar waliba ka been sheego wixii uu ugu yimid Wasaaradda Maaliyadda 2017. Sheeko dhex martay isaga iyo wariye u muuqday mid hadalka uun ka guraya oo aan war wacaal u hayn wax uu weydiiyo Beyle, haddaanu sheekada sharuur ka horreyn.

Wasiir BB waxaa uu sheegtay inuu isaga wax ka qabtay barnaamijka horumarinta Maaliyadda ee SFMIS ee dhashay PMF.

Hasa yeeshee waxaa uu is moodsiiyey in dowladdii Xasan sheekh ay salka u dhigtay hannaankaas maaliyadeed oo leh la xisaabtan iyo hufnaan, waxaana la dhaqangeliyey Habdhiska Xogta Maamulka Dhaqaalaha Soomaaliyeed (Somalia Financial Management Information System- SFMIS) oo qeyb ka ah mashruuca Maareynta Maaliyadda Guud PFM (Public Finance Management).

Mashruuca PFM waxaa maaligeliyey Bangiga Adduunka waana hannaan lagu xoojinayey hufnaanta iyo is la xisaabtanka maamulka iyo isticmaalka maaliyadda qaranka oo uu ku fanay Wasiir BB inuu isaga bilaabay. Wasiir BB waxaa uu kala qabsaday dhexda, mana jirto wax uu ku soo kordhiyey hadda oo la marayo SMP4 waxaa horay loo soo qabtay SPM1-3, welina waxaa uu si fiican u dhameystiri la’ayahay SMP4.

Kordhinta Dakhliga oo uu ugu sheekeeyey wariyaha oo hadalkiisa koobis iyo u dhameystiridda Jumladaha u badnaa ayaa waxay ka dhalatay kadib markii uu si aan naxariis lahayn u kordhiyey canshuuraha xoogga looga qaado dadka Muqdisho oo iyagu noqday hayin u irmaan aflagaaddo iyo canshuur bixin.

Beyle waxaa kale oo uu ka hadlay shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda oo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa aan wax hawl ah qaban Karin markii uu imanayey taasina ay keentay inuu ku wada badalay shaqaale reerkiisa u badan oo uu u wada qoray mushaarooyin xad dhaaf oo aysna u qalmin.

Waxaa kale oo la wadwaday arrimaha deyn cafinta, ma jirto hal doolar oo deyn ah oo la cafiyey, laakiin waxaa jira dollar qolo laga qaaday oo lagu guday dollar ahaa deyn hore oo aan wax dulsaar ah lahayn balsa kan hadda la qaaday ayaa leh dulsaar laga rabo ilmaheenna.

Ugu dambeyn waxaa uu ka hadlay in IMF ay aqoonsatay dalka Somaliya, hasa yeeshee waxaa uu iloobay inay IMF joogtay dalka markii ay saxeexeysay SMP1, 2, iyo 3 ee aysan iman kadib markii uu isaga ka shaqeeyey oo uu imtixaankii ku gudbay waa sida uu sheegtay.

Haddaba dhamaan beenaha uu taxay Wasiir BB halkaan ayey runtooda si cad uga muuqataa, waana war saxaafadeerdyasii ay soo saareen IMF:

https://www.imf.org/en/News/Articles/2015/09/14/01/49/pr15278.

(The IMF resumed its relationship with Somalia in 2013 and has since been heavily involved in the provision of policy advice and technical assistance. The IMF Executive Board concluded the 2015 Article IV Consultation with Somalia in July 2015, the country’s first in more than a quarter-century. And the IMF Managing Director approved a Staff-Monitored Program (SMP) in 2016, covering the period May 2016 through April 2017. The SMP aims to help Somalia’s economic reconstruction efforts and focuses on reforms to strengthen macroeconomic policy management, economic governance, and institutional capacity. Given Somalia’s weak administrative capacity, technical assistance is an integral part of the program.) IMF waxay dib u bilawday xiriirkii ay la laheyd Soomaaliya sanadkii 2013 waxayna tan iyo markaas si weyn ugu lug laheyd bixinta talo bixinta siyaasada iyo caawinta farsamada. Guddiga Fulinta ee IMF waxay soo gabagabeeyeen Wada-tashigii Soomaaliya ee Qodobka IV-aad ee 2015 bishii Luulyo 2015, oo ah kii ugu horreeyay ee dalku yeesho in ka badan rubuc-qarni. Iyo Maamulaha IMF wuxuu ansaxiyay barnaamij kormeer shaqaale ah (SMP) sanadkii 2016, oo kahadlaya mudada May 2016 ilaa Abriil 2017. SMP waxay ujeedadeedu tahay inay caawiso dadaallada dib-u-dhiska dhaqaalaha Soomaaliya waxayna diirada saareysaa dib-u-habeynta lagu xoojinayo maareynta siyaasadda dhaqaalaha, maamul wanaagga dhaqaalaha, iyo hay’adaha. karti. Marka la fiiriyo awooda maamul ee daciifka ah ee Soomaaliya, kaalmada farsamada waa qeyb muhiim ka ah barnaamijka.Qoraalkan oo dhameystiran waxaad ka akhrisan kartaa: https://www.imf.org/en/News/Articles/2017/02/08/pr1740-IMF-Executive-Board-Concludes-2016-Article-IV-Consultation-with-Somalia. Gunaanadku wuxuu yahay in Cabdiraxman Beyle uu shacbiga Somaliyeed ku waday been aan raad iyo sal toona lahayn afartii sano ee tagtay, waxayna ka mid tahay marin habaabinta xataa ay adag tahay in laga soo waaqsado waayo waxaa abuurmay caado iyo habdhaqan ah inay madaxda dalka been joogto ah u sheegaan kuwsoo uu Farmajo ugu horreeyo inta kalana ku raacday.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...