[Daawo -Akhri ] qubanaha Dahir Alasow, Loolanka doorashadda iyo warar xasaasiya

0
Friday July 02, 2021 - 06:00:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Daawo -Akhri ] qubanaha Dahir Alasow, Loolanka doorashadda iyo warar xasaasiya

    Waagacusub.com - Wararka maqal iyo muuqaalka ee Qubanaha Waagacusub Tv waxaa ugu waaweyn:- 1- Farmaajo oo ceeb iyo cambaareeyn kala kulmay xuska maalmaha xoriyadda. 2- Ra'isulwasaare Rooble oo loo aqoonsaday halyeeyga qarniga . 3- Culumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Wararka maqal iyo muuqaalka ee Qubanaha Waagacusub Tv waxaa ugu waaweyn:- 1- Farmaajo oo ceeb iyo cambaareeyn kala kulmay xuska maalmaha xoriyadda. 2- Ra'isulwasaare Rooble oo loo aqoonsaday halyeeyga qarniga . 3- Culumadda iyo Waxgaradka Soomaaliyeed maxey uga aamusan yihiin dhalinyaradda kumanaanka kun ee waalidkood u ooynayaan in loo sheego ubadkooda nolol iyo geeri.

4- Lacagahii ololaha Musharaxiinta Senate-ka iyo gollaha shacabka oo furmay, waxaa la joogaa maalmahii isnaca iyo dacaayadda.

5-Somaliland oo xayiraadda ka qaaday diyaaradda Fly Dubai.

6- Samaroon-kii Borame oo Xabsiyada loogu gurayo jaceylka Calanka Somalia iyo Dhulbahantaha Laascaano oo si Laandheerinimo ka muuqata ugu faanaya xirashadda Calanka Baluuga.

7- Hay’adaha xaquuqul insaanka Caalamka oo dacwad weyn ka qoraya dhalinyaradii lagu toogtay Puntland oo badankood ahaayeen kuwa aan Al-Shabaab ku lug laheyn.

8- Gudoomiyaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Adan oo loogu yeero Saleebaan Gaal ayaa warqadii iscasilaada xilkiisa gudbiyay.

9- Raisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku fashilmay weerarkii Tigray isagoo markii ugu horeeysay qiray iney ku jabeen dagaalka oo faasas looga saaray Mekelle.

10- Xoghayaha Qaramadda Midoobay ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay iney degdeg xayiraadda uga qaadaan Dalka IIraan si wada hadalada dib loogu furo.

11- Qoor Qoor oo ku fashilmay Galmudug ayaa safar ku tegay Galkacyo isagoo ay la socdaan Cabdi Qeybdiid iyo Ubax Tahliil laakiin maxey ka dhigan tahay ?

12 - Musharax Senator Maxamuud Kudin Xiimaa oo baabuurtii ugu badneed qorya saaranaya isagoo diyaarsaday boqolaal dableey ah kadib markii Qoor Qoor laga soo xigtay inuu kursiga Senator-ka beesha Sacad u xoogi doono Cabdi Qeybdiid.

Nin Kenyan ah oo bishii May ee sanadkii tagey lagu qasbay inuu habeen la seexdo xarun booliis naxashka meydka xaaskiisa, ayaa magdhaw ahaan loo siiyay ku dhawaad 15,000 oo dollar.

Charles Mwenda iyo dad ehelkiisa ah oo la socday ayaa falkaas lagula kacay, kadib markii lagu joojiyay deegaanka Meru iyagoo meydka ka keenay magaalada Malindi oo ay haweeneyda ku geeriyootay.

Garsoore Edward Muriithi, oo fadhiista maxkamadda sare ee Meru, ayaa sheegay in booliska ay ku xadgudbeen xuquuqda muwaadinkaas, iyagoo ula dhaqmay si ka baxsan bani'aadanimada, xilli uu wajahayay xaalad adag, uuna waday meydka xaaskiisa.

Mwenda iyo 31 qof oo la socday ayaa doonayay in xaaskii Faith Mwende oo u dhimatay cudurka Kansarka, ay ku aasaan deegaanka Meru.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...