[Topnews:-] Waa kuma Sarkaalka afduubtay Ikran Tahliil Muqdisho ?

0
Sunday July 18, 2021 - 07:40:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5265
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Waa kuma Sarkaalka afduubtay Ikran Tahliil Muqdisho ?

    Waagacusub.com - Sarkaalka afduubay Aqoonyahanad Ikran Tahliil waxaa la yiraa Cabdiqani Dhiirane . waxaana loo yaqaan WADNA QABAD. Mr Wadna qabad wuxuu u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan Murusade , Sabti, Abokar Codweyne, Maxaa Xasan. Cabdiqani dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Sarkaalka afduubay Aqoonyahanad Ikran Tahliil waxaa la yiraa Cabdiqani Dhiirane . waxaana loo yaqaan WADNA QABAD. Mr Wadna qabad wuxuu u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan Murusade , Sabti, Abokar Codweyne, Maxaa Xasan. Cabdiqani dhiirane wuxuu ka tirsanaan jiray kooxda madax jibiska Al-Shabaab markii dambena Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia ee NISA.

Inkastoon la heyn afduubyo uu geystay haddana wuxuu qaabilsanaay garaacista, jirdilka iyo biyo gelinta Maxaabiista Xabsiga dhexe iyo Godka Jilicow.

Cabdiqani oo wata baabuur ayaa u tegay Ikran Tahliil kadibna waa qaaday 26 June 2021 .

Saraakiisha NISA oo codsaday inaan magacooda la shaacin waxey xaqiijiyeen inuu Cabdiqani Dhiirane fuliyay shaqo uu Taliyaha NISA Fahad Yasiin u diray.

Ikran Tahliil oo u dhalatay beesha Hawiye gaar ahaan Gaaljecel waxaa la geeyay Guri ku yaal Boondheere kadibna halkaas ayaa lagu sameeyay Jirdil si ay u qirato iney bixisay Liiska dhalinyaro Somalia oo Eritrea tababar loogu qaaday kadibna dagaalka Tigray ee Ethiopia la geliyay.

Ikran Tahliil oo ka laabatay London UK waxyaabaha lagu heysto waxaa ka mida iney xog ku saabsan shirqoolkii lagu dilay Duqii Muqdisho Cabdiraxman Yariisow siisay Dowladda Ingiriiska , sida uu sheegay Sarkaal aad ugu dhaw Taliye Fahad Yasin Haji Dahir.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in xiisad xoogan ay ka dhalatay gabadha ay afduubteen Saraakiisha NISA , Waxaana laga cabsi qabaa iney dilaan si aysan u sheegin sirta iyo sababta loo afduubay.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...