Kala War La' Madax Dhaqan La Yuura iyo Madax Isbedel Doona

0
Monday July 17, 2023 - 02:07:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5673
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Kala War La' Madax Dhaqan La Yuura iyo Madax Isbedel Doona

    Waagacusub.com - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamud iyo ku xigeenkiisa ah Raisul wasaaraha Mudane Hamze Abdi Bare ayaa kulamo wadatashiya la qaatay madax iyo masuuliyiin horay u soo maamulay dowladda Soomaaliya, waxeyna tilaabadaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamud iyo ku xigeenkiisa ah Raisul wasaaraha Mudane Hamze Abdi Bare ayaa kulamo wadatashiya la qaatay madax iyo masuuliyiin horay u soo maamulay dowladda Soomaaliya, waxeyna tilaabadaas ahayd mid ka turjumeysa habdhaqan wanaagsan oo masiirka dalka laga talo gelinayo siyaasiyiinta dibed jooga ka ah xukuumadda maamuleysa hogaaminta dowladda.

Waxaa mudan in la tixgeliyo in dowladda Soomaaliya aysan marna si dhameystiran u noqon dowlad hanaankeeda siyaasadeed uu ku qotomo nidaam casriya oo mabda’eedu salka ku hayo ku dhaqan dowladnimo dimoqaraadiya, waxaana dowladnimada Soomaaliyeed caqabad weyn ku ah ku dhaqanka xeerar haraadiya oo heyb ahaan ka soo jeeda qabyaalad, musuq maasuq, iyo dariiqooyin diimeed oo iska wada soo horjeeda, kuwaas oo dhamaantood ka soo wada horjeeda adeegsiga casriga ah ee dimoqaradiyad ku maamulida dowladda.


Loading...

Madaxda sare ee hogaamineysa dowladda Soomaaliya ayaa hiigsanaya in la casriyeeyo siyaasadaha lagu maamulayo dowladda, waxeyna hayaan ugu kaceen in uu dalku yeesho dastuur dimoqaraadiya oo si rasmiya dalka loogu xukumo, in dalku yeesho xisbiyo kooban oo ah laba xisbi oo waaweyn ah, in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah, in musuqa iyo qashinka dowladda ku dhexjira laga sifeeyo, in dagaalka sokeeye ee u dhaxeeya dowladda iyo xagjirka la soo afjaro, iyo in dalku yeesho hanaan madaxweyne iyo ku xigeen.


Madaxda talada dalka haysa waxey u fekerayaan si ku dhisan siyaasado isbedel doon ah, waxeyna fikradahaas ay ka turjumeyaan madax furnaan xora (Open-minded, Liberal Democracy), Waxeyna madaxdaas wax walba ka door bidayaan iney dhaqaajiyaan isbedel ku yimaada hanaanka dowladda oo lagu saxo qaladaadka ka dhexjira nidaamka maamulka dowladda oo aan marna fursad u helin xukunkii gumeysiga ka dib inuu noqdo dowlad ku dhaqanta xukun dhaba oo dimoqaraadiya.


Waxaa haboon inaan la hilmaamin in madaxdii dalka horay u soo hogaamisey aysan horseedin isbedelo ay ku sameeyaan hanaanka dowladda, waxeyna madaxdaas ay mar kasta raacsanayeen in dalka lagu wado sida uu ahaa, waxeyna tixgelinayeen habdhaqanada ku dhex duugan dowladda oo ay ka mid ahaayeen awood ku qeybsiga ku dhisan saami qeybsiga beelaha, taas oo ka turjumeysa fikrado ku saleysan dhaqan la yuurar (Traditional, Conservative politics), waxeyna madaxdaas xooga saarayaan inaan la sameyn wax isbedela oo carqaladeynaya hanaankii hore u soo jirey.


Marka fikradaha dhaqan la yuuraka lagu fiiriyo dareen maskax baraarugsan waxaa kuu cadaanaya iney rabaan dhaqamadii haraadiga ahaa oo ragaadiyey dowladnimada Soomaaliyeed iney halkoodii ka sii socdaan, waxaana ka mida in bulsho ahaan iyo siyaasad ahaan dowladnimadu ku tiirsanaato dhaqanka qabyaaladda oo haddii loo baahdo iyada lagu casriyeeyo dowladda , iyadoo isbedelka lagu sameynayo uu noqdo mid gurguuranaya oo qarnigiiba hal mar wax xoogaa la sameeyo.


Waxey fikradahaas dhaqan la yuurarka ah ay doonayaan in mudnaan gaara la siiyo qabiilo gooniya iyo maamuladooda oo aysan dowladdu wax awooda aysan ku yeelan ismaamulkooda (exceptionalism), waxeyna taas horseedeysaa dhaqan boqortooyo oo aan wax isbedela lahayn, laakiin ay kala dhaxlayaan beelo gaara siyaasiyiintooda (Fully Autocratic Monorchy), waxeyna habdhaqankooda dowladnimo ku meelmariyaan siyaasado ku saleysan dhexdhexaadinta hogaamiye dhaqameedka oo ah heshiis dadweyne oo soo jireen ah meesha loo baahna in dastuurka oo ah heshiis dadweyne casriya qawaaniintiisa la isku xukumo.


Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa horay u soo xukumay dalka waxey ka soo kala jeedaan kuwo rumeysan dimoqaradiyad ku saleysan qabyaalad (tribal democracy) iyo kuwo ka soo jeeda dariiqooyin diimeed oo lagu dabaqayo dimoqaraadiyad (Religious sect Democracy), waxeyna dhamaantood ka mideysan yihiin diidmada xukun aysan ka mid ahayn oo isbedel ku sameynaya hanaanka dowladda, waxeyna taladoodu tahay iney inta karaankooda ay yareeyaan xawaaraha isbedelka lagu sameynayo.


Waxaa run ah in madaxdaas laga qeybgeliyo iney talo ka soo dhiibtaan hanaanka ay madaxda dowladda ay ku damacsan tahay iney dalka ku gaarsiiso isbedelo horseeda dejinta nidaam dowladeed oo xukunka dimoqaradiyada rayidka u uku dhameystiran yahay, balse waxaa la gudboon madaxda saree e hogaamineysa dalka ineysan la yaab ku noqon talooyinka loo soo jeedinayo oo ay ka muuqato hakin iyo dibugurasho xeeladeysan oo intuba ay macnahoodu ku dhan yihiin tartiibso oo dib u soo soco oo ku hay dowladda meeshii ay taagneyd marka aad xilka la wareegtey.


Siyaasiyiinta ka soo kala jeeda koox diimeedyada waxey isku wada raacsan yihiin iney mucaaradaan isbedelka lagu sameynayo hanaanka dowladnimada, waxeyna raali ka wada yihiin in doorashada tan xigta cida ku guuleysata ay qaado tilaabooyinka wax looga bedelayo hanaanka dowladnimada Soomaaliya, balse marka ay timaado in doorashadaas u uku soo baxo qof aan iyaga ahayn ay haddana bedelayaan mowqifkooda oo aay ku adkeysanayaan inaan la sameyn wax isbedela.


Siyaasiyiintaas isrogroga badan talo ka qaadashadoodu waxey dhibaato ku noqoneysaa madaxda sare ee dowladda oo hogaankooda ay ka bixinayaan cabir aan degeneyn, sidaas daradeed ayey cid walba talabixintoodu waxey ku tahay wakhti dhumis, mana jirto caalamka meel ay talo ku kala qaataan siyaasiyiinta xagjirka ku ah dhaqan ku dhegenaashaha iyo kuwa maskaxda furan oo isbedel doonka ah, waxeyna talawadaagoodu ku soo dhamaanayaa qabashada kulamo isxigxiga oo aan lahayn natiijo waxtar leh oo ay ku soo dhamaadaan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka

[email protected]

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...