[Tariikh nololeedki Halgame] Abdullahi Ciise Mohamud Abtidoon

0
Friday February 09, 2024 - 15:30:30 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Tariikh nololeedki Halgame] Abdullahi Ciise Mohamud Abtidoon

    Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa Xoghayihii Guud ee Dhaqdhaqaaqii Dhallinyarada Soomaaliyeed, ee loo yiqiinnnay SYL, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii xorriyad doonka, ee laga bartay dunida, wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad. Cabdullaahi Ciis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa Xoghayihii Guud ee Dhaqdhaqaaqii Dhallinyarada Soomaaliyeed, ee loo yiqiinnnay SYL, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii xorriyad doonka, ee laga bartay dunida, wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad. Cabdullaahi Ciise Maxamuud Allaha u naxariistee Waxuu ka mid Ahaa Geesiyaashii baalka Dahabka ah Kaga qoran taariikhda Soomaaliya, halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud wuxuu sanadkii 1922kii ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa iska dhalay Ciise Maxamuud Bidaar oo ka soo jeeday Hobyo iyo Mareero Diini Axmed oo ka soo jeeday Caabudwaaq, Cabdullaahi Ciise wuxuu ahaa hoggaamiye dabiici ah oo farac u leh hoggaaminta wuxuu ka yimid qoys hormuud dhaqan ka dhex ahaa reerkii uu ka dhashay, awowgiis Maxamuud Bidaar ayaa ahaa kaaba-qabiilka jilibka uu ku abtirsado. Dalmareenkii Talyaaniga, Luigi Robecchi Bricchetti, oo sannadkii 1888-kii booqday Hobyo, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir, ku xusay inuu meel u dhow magaaladaas dhanka bariga kula kulmay nabaddoon Maxamuud Bidaar.

Wuxuu ahaa halgamaa door weyn ka ciyaaray madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya wuxuu kale oo uu ahaa raiisul wasaarahii ugu horeeyey dalka Soomaaliya ay yeelato, Cabdullaahi Ciise aabihii waxa uu geeriyooday isagoo yar waxaana soo korisay hooyadii oo la oran jiray Mareero Diini.

Dugsiga Qur’aanka wuxuu ka galay Afgooye ka dibna  waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa nin waxbarashada ku dadaala, 1938 ayuu ka qalin jabiyey dugsiga sare wuxuuna noqday muumulaha xafiiska boostada magaalada marka sanadihii 1939 ilaa 1941.

Sannadkii 1941-kii, markii ay Ingiriisku qabsadeen koonfurta waxaa Cabdullaahi Ciise laga joojiyey shaqadii, taas oo ku kalliftay inuu billaabo howlo ganacsi, isagoo isaga dhex-gooshi jiray deegaannada koonfurta Soomaaliya.

Ku biiristii SYL

Dhowr sano kaddib isaga oo ganacsade ah, ayuu sannadkii 1944-kii wuxuu magaalada Beledweyne kaga biiray ururkii SYC halkaas oo ay isku barteen dad magac weyn ku dhex-yeelan doona ururka SYL, sida Aaden Cabdulle Cusmaan iyo Sheekh Cali Jimcaale.

Wuxuu ahaa xoghayihii guud ee ururkii SYL waxaana xilkaa loo doortay 15 May 1947, markii uu la wareegay xilka Xoghayaha Guud, wuxuu isla markiiba qeyb ka noqday is-beddelkii ka dhex-socday habsami-u-socodka iyo dib-u-qaabeynta dhaqdhaqaaqa oo iska beddelay SYC (Somali Youth Club), iskuna beddelay SYL (Somali Youth League).

Is-beddelkaas ayuu ahaa kan keenay in ahdaafka dhaqdhaqaaqu uu gaaro gobol kasta iyo goob kasta oo Soomaalidu ku nooshahay.

Xornimo raadintii

Wuxuu kaloo Cabdullaahi Ciise ku soo beegmay iyadoo quwadihii afarta ahaa (Faransiiska, Ingiriiska, Mareykanka iyo Ruushka) ay kaga shirayaan magaalada Paris sidii laga yeeli lahaa masiirka iyo mustaqbalka dalalkii uu gumeysan jiray Talyaaniga, kuwaas oo kala ahaa: Eritrea, Libya iyo Soomaaliya.

Bishii Janaayo 11, sanadkii 1948kii  isaga iyo xubno ku sugnaa Xarunta S.Y.L ee magaalada muqdisho ayaa kooxo daba dhilifyo u ahaa gumeysigii Talyaaniga ay soo weerareen halkaas oo uu ka bilowday dagaalkii loogu magac darey "Ha Noolaato” halkaasoo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo Talyaani ah, 15 ruux oo daba dhilafyadii soomaalida ahaa ee Tayaaniga raacsanaa iyo dhowr qof oo ka tirsanaa halgamayaasha oo ay ka mid aheyd Xaawo Cusmaan "Xaawo Taako”.

Wuxuu ku jiray shan xubnood oo ay SYL u soo xusheen inay go’aanka ururka hor dhigaan wafdigii afarta quwadood ee xaqiiqo-raadinta ee yimid magaalada Muqdisho horraantii bishii January 1948-kii.

Kaddib markii afarta quwadood ay go’aan-ka-gaarista Eritrea, Libya iyo Soomaaliya u wareejiyeen Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Cabdullaahi Ciise Maxamuud wuxuu ka dhoofay dalka si uu uga qaybgalo shir ka dhacayay Magaalada Paris waxeyna shirkooda uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu u sii gudbay London, Cabdullaahi Ciise wuxuu London ka sii aaday Lake Success ee New York, halkaas oo uu geeyey go’aankii taariikhiga ahaa, ee shaqeyn kari waayey ee ay SYL ku dalbatay in Soomaaliya ay dusha ka maamulaan afarta quwadood muddo labo sano ah, oo ay gadaal kaga sii dareen toban sannadood.

Dadka Soomaalida ayaa xilligaas ku luuqeyn jiray ‘ninkaas cabanaaya, caddaanka dhexdiisa, Cabdullaahi Ciise, Allow caawi’. Muddadii uu joogay New York, wuxuu Cabdullaahi Ciise la kulmay rafaad, nolol-xumo iyo dhaqaale la’aan, waxaana ku adkaatay inuu iska bixiyo hoteelkii uu deggenaa, oo la oran jiray Prince George Hotel, address-kiisu ahaa 14 East, 28th Street, New York City.

Afkaartiisa mintidnimada leh ayaa keentay in hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay kaga shakiso inuu xambaarsan yahay feker shuuci ah, sida ay ku qortay taariikhyahannada Carol Anderson buuggeeda, Bourgeois Radicals: The NAACP and the Struggle for Colonial Liberation, 1941-1960.

Qoraalladii uu sameeyey Cabdullaahi Ciise intii uu joogay New York ayaa waxaa ka mid ah laba buug oo yar yar, oo uu ugu doodayo dadyowga ku hoos jira gumeysiga, gaar ahaan Soomaalida, kuwaas oo cinwaankoodu uu yahay "United Nations to Sponsor Survival of Colonialism or United Nations to End Colonialism?” iyo "United Nations for Europe or United Nations for the World?”.

Bishii November 1949-kii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyey in Talyaanigu uu Soomaaliya maamulo muddo toban sannadood ah, Cabdullaahi Ciise oo ka murugeysan go’aankaas, wuxuu sannad kaddib dib ugu noqday magaalada Muqdisho.

Khilaafku wuxuu ka dhashay madaxda SYL oo isku mari waayey sida loola tacaamulayo maamulka cusub ee Talyaaniga ee la magac baxay AFIS (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia).

Qaar ka mid ah madaxda SYL ayaa ku doodayey in AFIS aysan ka duwanayn xukunkii hore ee fashiistada Talyaaniga ee uu Ingiriisku meesha ka saaray, halka qaar kalena qabeen in maamulka AFIS loo arko, oo loola macaamilo si ka duwan sidaas.

Labada dhinac ee SYL waxay aakhirkii isla gaareen xaal mastuur, waxayna ku heshiiyeen in wada-shaqeyn dhow lala yeesho maamulka AFIS, si aan loo luminin waqtiga loo xadeeyey in dowladnimo lagu gaarsiiyo Soomaaliya.

Heshiiska SYL dhexdeeda waxaa ka shaqeeyey dowladda Masar iyada oo laga amba-qaadayo heshiiska SYL iyo AFIS ayaa sannadkii 1954-kii waxaa la qabanqaabiyey doorashooyinkii u horreeyey ee dowladaha hoose, taas oo uu ururka SYL ku guuleystay.

Ra’iisul wasaarihii Ugu horeeyey

Laba sannadood kaddib, sannadkii 1956-kii, ayaa haddana waxaa la qabtay doorashooyinkii xisbiyada siyaasadeed, waxaana ku guuleystay isla SYL.

Governatoorihii Talyaaniga, Enrico Anzillotti ayaa soo jeediyey in xisbiga guuleystay uu soo xulo Ra’iisal Wasaare soo dhisa xukuumad daakhili ah, waxaana ururka SYL ay si aqlabiyad leh u soo doorteen Cabdullaahi Ciise oo 29-kii February 1956-kii noqday Ra’iisal Wasaarihii u horreeyey ee ay yeelato Soomaaliya, wuxuuna muddo gaaban gudahood ku soo magacaabay xukuumad ka koobnayd shan wasiir.

Mar kale ayaa Cabdullaahi Ciise loo soo doortay Ra’iisal Wasaare, kaddib doorashooyinkii xisbiyada ee dhacay 1959-kii, ee uu ku guuleystay isla ururka SYL.

Markii xornimada la qaatay waxay Soomaali iyo ajnabi badan ku ahayd arrin amakaag ah in Cabdullaahi Ciise uusan noqonin Madaxweynihii Jamhuuriyadda cusub ama Ra’iisal Wasaaraheedii sida ka dhacday wadammadii kale ee Afrika, ee Ra’iisal Wasaarayaasha xukunnada daakhiliga ay halkooda sii joogeen, ama u sii dallaceen Madaxweyne, sida Jomo Kenyatta, Houphouét-Boigny, Nkrumah iyo kuwo kale.

sababtuna waxay ahayd iyada oo distoorkii cusbaa ee Soomaaliya, ee aan markaas la ansixin, lagu sii qoray laba arrimood:

  • In Guddoomiyaha Baarlamaanka daakhiliga uu noqonayo Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, iyo
  • In Madaxweynuhu uu noqdo da’ ahaan 40 sano jir. (Markii hore, waxay guddigii farsamada distoorku qoreen inuu Madaxweynuhu uusan ka yaraan 38 sano, laakiin markii la hor-geeyey fadhiga Golaha Baarlamaanka daaqiliga ayaa la dhex-geliyey talooyin diimeed, oo laga dhigay 40 sano jir).

Labadaas arrimood waxay caqabad ku ahaayeen in Cabdullaahi Ciise uu u dalaco xilka Madaxweynaha.

Waxaa intaa sii dheer, Cabdullaahi Ciise qudhiisa ayaan isku dayin inuu wax ka beddelo in distoorka loo ansixiyo siduu isagu doonayo, sida ka dhacday wadammo badan oo Afrikaan ah, oo si qasab ah wax looga beddelay distoorkooda, kuwaas oo markii dambe ay hoggaamiyeyaashii xorriyad-doonkooda ahaa isku beddeleen diktaatoorro.

Xoriyaddii Ka dib

Xoriyaddii Soomaaliya ka dib wuxuu Cabdullaahi Ciise noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda (1960-1964) iyo Wasiirkii Caafimaadka (1964-1967).

July 1967 illaa April 1969 ma qaban wax xil ah ee dhanka xukuumadda, oo aan ka ahayn xildhibaan. Hase yeeshee xukuumaddii u dambeysay ee rayidka ee May 1969 illaa October 1969 ayuu ka noqday Wasiirkii Ganacsiga, illaa uu dalka ka dhacay inqilaabkii militariga.

Wuxuu billowgii hore ku jiray siyaasiyiintii loo xiray siyaasadda, waxaana xabsiga laga sii daayey 1973-kii. Sannad kaddib, 1974-kii ayaa hoggaamiyihii militariga Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu Cabdullaahi Ciise u magacaabay Safiirkii Soomaaliya ee Sweden, xilkaas oo uu hayey illaa iyo markii uu iska casilay horraantii 1983-kii.

Cabdullaahi Ciise ayaa wixii xilligaas ka dambeeyey si iskii ah isu geliyey howlgab mana uusan ka qayb-gelin howlihii ka socday Yurub iyo Mareykanka xilligaas ee looga soo horjeeday taliskii militariga sida ay yeeleen rag isaga la waqti ahaa.

Cabdullaahi Ciise wuxuu u guuray, oo markii dambe uu iska degay magaalada Roma, halkaas oo ahayd meeshii uu ka weecan jiray inuu tago xilligii uu la dirirayey gumeysigii Talyaaniga.

Intii uu siyaasadda ku dhex jiray iyo markii uu howlgabka noqdayba, wuxuu Cabdullaahi Ciise ahaa nin aad loo jecel yahay, oo ku sifoobay asluub, anshax iyo afgaabni. Wuxuu caado u lahaa inuu qabto xil kasta oo looga dhiibo dalkiisa.

Qof kasta oo ugu gala xafiiskiisa, xilligii uu madaxda ahaa, wuxuu ku salaami jiray istaag, ixtiraam awgii. Cilladdiisu waxay ahayd inuu jeclaa inuu qof walba qanciyo. Wuxuu ahaa nin markuu hadlayo hadalka soo cel-celiya, oo shig-shiga, laakiin qalbi-wanaagsan leh.

Geeridiisii

Cabdullaahi Ciise, isaga oo da’diisu ay tahay 65 sano jir, ayuu ku dhintay magaalada Roma, 11-kii March, sannadkii 1988-kii.

Meydkiisii, oo calanka Soomaaliya la soo huwiyey, ayaa laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, iyadoo sagootinta meydkiisa ay isugu soo bexeen shacab fara-badan.

Waxaa lagu aasay khabuuraha qaranka, iyadoo tacsidiisa, si wadajir ah, ay uga qayb-galeen Aaden Cabdulle Cusmaan iyo Maxamed Siyaad Barre.AUN 

Ali Adan Hashi 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...