[Sirculus ] Liiska Shirkadaha Canshuurta ugu badan siiya Al-Shabaab.

0
Monday September 02, 2019 - 22:14:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4188
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Sirculus ] Liiska Shirkadaha Canshuurta ugu badan siiya Al-Shabaab.

    Al-Shabaab waxey lacag badan oo Canshuura ka helaan Ganacsatadda Somalia gaar ahaan kuwa Muqdisho Sida lagu shaaciyay Warbixino ay faafiyeen WashingtonPost iyo UN Monitering Group of Somalia .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab waxey lacag badan oo Canshuura ka helaan Ganacsatadda Somalia gaar ahaan kuwa Muqdisho Sida lagu shaaciyay Warbixino ay faafiyeen WashingtonPost iyo UN Monitering Group of Somalia .

Baaris Waagacusub Media sameeysay ayaa shaaca ka qaaday iney Al-Shabaab Canshuurta ugu badan ka qaadaan Shirkadaha Hormuud Telecom,Somtel, Golis Telecom Puntland, Telesom Somaliland Dahabshiil Money transfer, Salaam Somali Bank,  Taaj Express, Iftin Express , Al-Buruuj Construction, Becco Power iyo Shirkadaha ganacsiga guud ee alaabaha kala soo dega Dekadda Muqdisho.

Masuul ka tirsan maamul hoosaadka Hormuud Telecom ayaa sheegay in lacagta  Canshuurta ee bil walba Al-Shabaab ay ka helaan Shirkadaha hoos taga Hormuud Telecom ay ku filnaan karto Mushaarka Ciidanka Amniga gobolka Banaadir iyo dib u dhiska Wadooyinka. wuxuu dhinaca kalena sheegay iney jirto lacag loogu yeero Zakawaat oo sanadkiiba mar laga qaado Shirkadaha taas oo ah Zako loo xisaabsho lacagteey heeystaan.

"Hormuud Telecom waxey bil walba ka qaadaan lacag dhan laba boqol kun oo dollar, laakiin Salaam Bank,Taaj Express,Becco Power iyo Al-Buruuj ayey lacag ku dhaw hal milyan oo dollar bishii ka qaataan Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxii hore ee Amniyaat-ka Al-Shabaab Zakariye Ismail Hersi oo hadda loo magacaabay hogaanka Hay’adda Sirdoonka NISA ee Dowladda Somalia, waaxda qaabilsan dhaqdhaqaaqyadda argagixisadda Al-Shabaab.

Zakariye mar aan weeydiinay lacagta Dahabshiil siiso Al-Shabaab ee Canshuurta xooga ah, wuxuu yiri "Ma hayo xog buuxda hadda laakiin waagii aan joogay waxey sanadkii na siin jireen Nus Milyan dollar”

 Amiir ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab Mukhtar Robow Cali oo Wariye ka tirsan Waagacusub kula sheekeeystay guriga uu ku xiran yahay ee Mama Khadija house ayaa sheegay in Dahabshiil Money transfer bishii siiso Al-Shabaab Canshuur dhan Laba boqol kun oo dollar taas oo ka dhigan sanadkii Hal Milyan iyo Laba boqol kun oo dollar.

Radio Voice of America VOA qeybta Somaliga ayaa baaris ay sameeysay ku ogaatay iney Al-Shabaab xitaa Canshuur ka qaadaan Dekadda Muqdisho alaabaha laga soo dejiyay.

Ganacsade la hadayna wuxuu sheegay in xitaa ay Shabaabku ogyihiin lacagtii ay maalintii macaashaan.

Shaqaale hoosaadyo u shaqeeya Hormuud Telecom,Taaj Express,Salaam Bank iyo Dahabshiil Money Transfer ayaa sheegay in shaqaalaha Shirkadaha %41 ka tirsan yihiin Al-Shabaab ama wada shaqeeyn la leeyihiin.

"Bil walba waxaa la daabacaa dhamaan lacagaha Xawaaladaha iyo Bankiyadeena ,weey koontaroolaan sidoo kale telefoonadda waxey u leeyihiin awood iney la socdaan dhaqdhaqaaqyadda” ayuu yiri Sarkaal codsaday inaan magaciisa la sheegin xaalad amaan darteed balse u shaqeeya Hormuud Telecom.

Agaasimaha Rugta ganacsiga Somalia Cabdi Abshir Dhore oo la hadlay Voice of America [VOA] ayaa xaqiijiyay iney Al-Shabaab Canshuur joogtaa ka qaadaan xitaa alaabaha ka soo dega Dekadda weyn ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Canshuur lacag dhan 20 Milyan oo dollar ka helay Koofurta Somalia sanadkii hore 2018 laakiin sanadkaan 2019 waxaa la hubaa iney helayaan lacag Canshuureed ka badan 73 Milyan oo dollar.

Lacagahaan oo dhan waxey Al-Shabaab u adeegsadaan Mushaarka Sirdoonka Xafiisyadda Dowladda uga  dhex shaqeeya, Ciidanka Amniyaatka, agabka qaraxyadda iyo Garaamka Ciidankooda Wilaayadda.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Farmaajo Cabdiraxman Beyle oo la hadlay Washington Post ayaa qiray ineysan dowladiisa awood u laheyn la socodka iyo ka hortegista Canshuurta Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee, Shacabka iyo ganacsatada Somalia waxaa laga qaadaa Canshuur laba laaban laba jeer, waxaana la hubaa iney Al-Shabaab ka helaan Somalia canshuur ka badan tan Dowladda hesho.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...