
Qabiillo iyo Xiisado Siyaasadeed oo Ka Dhashay Doorashadii Duqa Magaalada Minneapolis
Doorashadan ayaa noqotay mid si cad u muujisay kala duwanaanta taageerada Soomaalida, iyadoo Ilhaan Cumar (Congresswoman) iyo ninkeedii hore Axmed Xersi ay noqdeen labada qof ee hoggaaminayay kooxo siyaasadeed oo isku haya, kuwaas oo kala matalayay beelaha Daarood iyo Hawiye.
Ilhaan Omar ayaa si buuxda u taageertay Omar Fateh, halka Axmed Xersi uu ol’ole xoog leh u galay Jacob Frey, taasoo dhalisay in baraha bulshada lagu kala safnaado.
Markii natiijada la shaaciyay, waxaa si weyn ugu dabaaldegay taageerayaasha Axmed Xersi iyo xubnaha Hawiye ee Minneapolis ku badan. Baraha Facebook iyo TikTok waxaa buuxiyay muuqaallo iyo toos-iyo-toos ah (Live) oo ay dadku ku muujinayeen farxad, iyagoo lulaya calanka Soomaaliyeed iyo kan Mareykanka, kuna dhawaaqayay hal-ku-dhigyo guul ah.
Dhanka kale, taageerayaashii Omar Fateh iyo Ilhaan Omar ayaa muujiyay niyad-jab iyo caro, iyagoo ku eedeeyay dadka qaarkood in ay bulshada Soomaaliyeed u kala qaybiyeen qabiil.
Goobjoogayaal siyaasadeed ayaa tilmaamay in natiijadan ay keeni karto isbedel weyn oo ku yimaada qaabka ay Soomaalida Minneapolis u wajahaan siyaasadda, gaar ahaan marka la gaaro doorashada soo socota ee Congresswoman Ilhan Omar.
Bulshada Hawiye oo ah kuwa ugu badan Soomaalida ku nool Minneapolis, una badan dad ka soo jeeda Muqdisho, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa dareemaya in ay door muhiim ah ku yeesheen guusha Jacob Frey, halka kooxdii Ilhaan Omar ay wajahayso cadaadis siyaasadeed oo cusub.
Mid ka mid ah taageerayaasha Axmed Xersi ayaa ku yiri muuqaal TikTok ah oo si weyn loo daawaday:
"Tani waa bilowga isbeddel cusub — Ilhaan Omar mar dambe ma soo laaban doonto!”
Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa mar kale muujisay sida bulshada Soomaaliyeed ee Minneapolis ay ugu soo biireen nolosha siyaasadeed ee Mareykanka, isla markaana ay hadda yihiin xoog siyaasadeed oo saamayn leh oo aan la iska indho tiri karin.
Minneapolis waxay hadda wajahaysaa caqabadda ah sida loo mideyn karo bulshada, iyadoo laga gudbayo kala qeybsanaanta qabiilka iyo xisbiga si loo ilaaliyo nabadda iyo wadajirka bulshada.
W/Q: Dahir Alasow | Waagacusub Media | November 2025 | Minneapolis, USA
Waagacusub.net
Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Soomaalida Caalamka
[email protected] | ???? www.waagacusub.net
Waxaa qoray: Dahir Abdulle Alasow


0 

Qabiillo iyo Xiisado Siyaasadeed oo Ka Dhashay Doorashadii Duqa Magaalada Minneapolis
Xiisado xooggan, dabaaldegyo iyo niyad-jab ayaa hareeyay baraha bulshada, kadib markii doorashadii Duqa Magaalada Minneapolis ay isu beddeshay loolan adag oo si weyn u muujiyay kala qeybsanaan siyaasadeed iyo qabiil dhexdeeda bulshada Soomaaliyeed ee