Madaxweyne Shariif oo si kulul u cambaareeyay xarigga Nabadoon Xalane – "Lama aqbali karo in dowladda haldoorka bulshada la bartilmaameedsato"

0
Saturday November 22, 2025 - 16:30:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Shariif oo si kulul u cambaareeyay xarigga Nabadoon Xalane – "Lama aqbali karo in dowladda haldoorka bulshada la bartilmaameedsato"

    Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya islamarkaana hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta, Shariif Sheekh Ahmed, ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga Nabadoon Cabdirisaaq Nuur Xalane oo maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho kadib markii uu si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya islamarkaana hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta, Shariif Sheekh Ahmed, ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga Nabadoon Cabdirisaaq Nuur Xalane oo maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho kadib markii uu si cad uga hadlay boobka iyo lunsiga dhulka ka socda caasimadda. Shariif Sheekh Ahmed, oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada, wuxuu xarigga ku tilmaamay "mid sharci darro ah oo sumcad xumo ku ah dowladnimada Soomaaliya", isagoo ku eedeeyay maamulka federaalka inuu adeegsanayo ciidamada amniga si loogu caburiyo dadka u hadla xaqa, gaar ahaan haldoorka bulshada.

"Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Nabadoon Cabdirisaaq Nuur Xalane… madaxda sarre ee xukuumadda Federaalka ah waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan falalka foosha xun ee lagu bartilmaameedsanayo haldoorka bulshada,” ayuu yiri Shariif.

"Ciidanka amniga ha loo adeegsado ilaalinta shacabka, ee ha noqdaan qalab siyaasadeed”

Shariif Sheekh Ahmed wuxuu sheegay in xarigga Nabadoon Xalane uu yahay qeyb ka mid ah dhacdooyin isdaba joog ah oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada iyo xiriirka shacabka iyo dowladda, isagoo hoosta ka xarriiqay in Muqdisho ay dhibaato ku noqotay muwaadiniinta ka hadla boobka dhulka iyo musuqmaasuqa.

"Waa arrin aad u fool xun in la arko muwaadiniin Soomaaliyeed oo loogu xirayo difaaca hantida dadweynaha. Dowladda waa inay ka waantoowdaa beegsiga dadka danyarta ah iyo warbaahinta xorta ah,” ayuu ku daray Shariif.

Baaq ku saabsan sii deynta degdegga ah ee dadka la xiray

Madaxweynihii hore wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay si degdeg ah xorriyadooda u siiso dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u xiran si sharciga ka baxsan, isaga oo ku celiyay muhiimadda ilaalinta xuquuqda muwaadinka.

Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli cabashooyinka ku saabsan boobka dhulka Muqdisho, cadaadiska ka dhanka ah saxaafadda xorta ah iyo dadka ka hadla arrimaha bulshada ay isa soo tarayeen bilihii la soo dhaafay.

W/Q: Dahir Cabdulle Alasow
 Waagacusub Media




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...