
Somalia Oo Ansixisay Sharci Mamnuucaya Gudniinka Fircooniga iyo Heshiisyo Caalami Ah
Kulanka Golaha Wasiirrada maanta wuxuu sidoo kale diiradda saaray tallaabooyin muhiim u ah siyaasadda, dhaqaalaha, cilmi-baarista iyo amniga qaranka. Waxaa la meel mariyay afar qodob oo kale oo siyaasadeed oo miisaan culus leh:
Heshiis Iskaashi Oo Soomaaliya & Rwanda Ah
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga siyaasadeed, amni, ganacsi, waxbarasho iyo mashaariic horumarineed.
Ka Mid Noqoshada Ururka Caalamiga Ah Ee Dayax-Gacmeedka Guur-Guura
Goluhu wuxuu oggolaaday in Soomaaliya ku biirto ururka caalamiga ah ee dayax-gacmeedka guur-guura, si dalka uu uga faa’iideysto helitaanka adeegyada isgaarsiinta dayax-gacmeedyada, cilmi-baarista sayniska, horumarinta tiknoolajiyada, iyo dhismaha xogta hawada sare.
Istaratiijiyadda Qaran Ee Haweenka, Nabadda Iyo Amniga
Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay qorshaha qaran ee lagu xoojinayo ka-qaybgalka haweenka hab-maamuuska nabadda, ka-hortagga colaadaha, go’aan-qaadashada amniga iyo hoggaanka bulshada.
Istaratiijiyadda Qaran Ee Dekedaha
Waxaa la ansixiyay qorshe ballaaran oo loogu talagalay horumarinta dekedaha dalka, kor u qaadidda adeegyada badda, soo kobcinta ganacsiga caalamiga ah, iyo xoojinta dhaqaalaha qaran.
Go’aannada maanta ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa loo arkay kuwo muujinaya jihada horumarineed ee Dowladda oo ku aaddan:
-
difaaca xuquuqda haweenka
-
xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed
-
furitaanka baal cusub oo tiknoolaji hawada sare ah
-
kobcinta dhaqaalaha badda iyo kaabayaasha ganacsiga
© Waagacusub Media – All Rights Reserved
By Dahir Alasow – Investigative Journalist


0 

Somalia Oo Ansixisay Sharci Mamnuucaya Gudniinka Fircooniga iyo Heshiisyo Caalami Ah
Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah oo mamnuucaya maafeynta xubinta taranka gabdhaha (FGM), taas oo lagu tilmaamay guul weyn oo dhinaca xuquuqda haweenka iyo ilaalinta