
Siyaasadda Somalia - taariikh cajiiba iyo wejiyada cusub By Dahir Alasow
Laba sano kadib, 2015, Cabdikariim wuxuu markale kaalin hoggaamineed ku lahaa mooshinkii lagu riday xukuumaddii uu Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka ahaa Ducaale Aadan.
Wareegga Siyaasadda Soomaaliyeed
Markii la gaaray 2017, Fahad Yaasiin iyo Taabit Cabdi Maxamed waxay door weyn ka ciyaareen doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo markuu xukunka qabtay, wuxuu Fahad u magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada, halka Taabitna uu ka dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.
Hase yeeshee, taariikhdu way soo laabatay — Fahad ayaa isagu xilka ka qaaday Taabit, waxaana markii Taabit diiday xilka-qaadistiisa gurigiisa lagu wareejiyay ciidamo uu watay Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale.
Sannadkii 2020, isla Fahad ayaa qayb ka noqday mooshinkii xilka looga tuuray xukuumaddii uu Wasiir ka ahaa Islow Ducaale.
Isbahaysiga Ragii Burburiyey iyo Kuwii La Burburiyey
Hadda, sannadka 2025, raggan isla siyaasadda isku cunay ayaa mar kale isu yimid.
Saacid, Cabdikariim, Fahad, Taabit, Islow, iyo Ducaale — waxay ku midoobeen urur cusub oo ay ugu magac dareen "Midowga Haybad Qaran.”
Ujeeddadoodu waa in ay "badbaadiyaan Soomaaliya” iyo in ay Saacid u magacaabaan murashaxa madaxweynaha ee doorashada 2026.
Laakiin sida dad badani u arkaan, tani waa isku-tagii kuwii la khiyaameeyay iyo kuwii khiyaamay — kuwaas oo mar kale raba in ay masraxa ku soo laabtaan.
Siyaasaddu: Meel Sumcadda Lagu Dhaqo
Mar ay wariye su’aal ka weydiisay haweeney Ruush ah oo jirkooda ku ganacsata haddii ay danaynayso siyaasadda, waxay ku jawaabtay:
"Siyaasaddu waa hagardaamo, khiyaano, munaafaqad, musuq, iyo isdaba-wareeg. Ma rabo inaan siyaasadda galo oo aan sumcaddayda ku ciyaaro.”
Hadalkani wuxuu si dhab ah uga turjumayaa waxa ka socda Soomaaliya maanta — dunida siyaasadda oo ay shalay iska dileen ayaa maanta isku duuban, saaxiibna aysan jirin ilaa kursi la gaaro.
Gunaanad
Laga soo bilaabo Xusni Mubaarak ilaa Mohamed Mursi, laga soo bilaabo Saacid ilaa Fahad, taariikhdu waa isku mid — waxayna mar walba ku soo laabanaysaa khiyaano iyo aargoosi.
"Midowga Haybad Qaran” wuxuu isu muujinayaa dhaqdhaqaaq mideysan, balse dhismahiisa waxaa sal u ah wareegga is-dilka siyaasadeed ee Soomaalidu ku caan baxday.
Ilaa wareeggaas la joojiyo, taariikhdu mar walba way soo noqon doontaa — magacyada keliya ayaa is beddeli doona.
???? © Waagacusub.com – Qoraal Gaar ah oo uu qoray Dahir Abdulle Alasow
Email: [email protected]


0 

Siyaasadda Somalia - taariikh cajiiba iyo wejiyada cusub By Dahir Alasow
Soomaaliya maanta waxay u muuqataa mid soo celisay isla wareeggaas siyaasadeed ee Masar. Sanadkii 2012, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Fahad Yaasiin waxay door weyn ka qaateen guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Markii la doortay Xasan, wux