Xawaaladda Al-Shabaab Somalia ee Caalamka Taaj Money Transfer.

0
Tuesday September 03, 2019 - 10:19:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4575
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Xawaaladda Al-Shabaab Somalia ee Caalamka Taaj Money Transfer.

    Xawaaladda Taaj Money transfer oo sanado ka hor la sameeyay ayaa noqotay Xawaaladda ugu adeega fudud Xawaaladaha Somalida kadib markii loo sameeyay qaabka lacag isku dirida loo yaqaan EVC Plus, Saad Service iyo Sahal Service taas oo lacagta kuugu soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xawaaladda Taaj Money transfer oo sanado ka hor la sameeyay ayaa noqotay Xawaaladda ugu adeega fudud Xawaaladaha Somalida kadib markii loo sameeyay qaabka lacag isku dirida loo yaqaan EVC Plus, Saad Service iyo Sahal Service taas oo lacagta kuugu soo dhaceyso telefoonkaaga gacanta haddii aad joogtid gudaha Somalia.

Inkastoo Xawaaladaan ay leedahay Hormuud Telecom Somalia haddana durba waxaa loo bixiyay Xawaaladda Al-Shabaab Somalia ee sida fudud u gaartay Caalamka, sida uu ku dooday Abdinasir Mohamed oo ka mida khubaradda ku xeeldheer arrimaha Xawaaladaha iyo qiyaamadda argagixisadda.

Maxkamadda sare ee Uganda ayaa xanibtay lacag dhan Uganda Shilling 1 Trillion,sida uu sheegay Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Kampala.

Taaj Money Transfer malahan xafiis loogu hagaago oo toosa marka laga reebo dad heeysta Shatiyo xawaaladeedyo loo isticmaali jiray shirkado hore oo burburay sida Qaran Express laakiin Taaj Express waxey fursad weyn u noqotay kooxda Argagixisadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somalia kuwaas oo lacagaha dibadda looga aruursha si fudud ku hela.

Xeeldheerayaashu waxey rumeeysan yihiin iney Xawaaladaan sameeyeen khubaro argagixiso sababtuna waxey tahay habka adeegeeda iyo ilaalinta danaheeda ayaa u sameeysan qaab cajiiba oo aysan marnaba ku khasaareeyn.

Dhamaan Wakiiladda Xawaaladda Taaj Express waxey dhiganayaan lacag rahmada oo micnaheedu yahay iney akoon ka iibsadaan sidaas darteedna qofka waxaa loo furayaa Akoon xisaabeed lagu jaangooyay share-ka uu iibsaday. haddii Wakiilkooda la qabto lacagtiisa ayaa gubaneysa ee Shirkadu khasaaro kama soo gaareyso.

Qofka wuxuu awood u leeyahay inuu lacagaha oo dhan ka diro telefoonkiisa gacanta isagoo adeegsanaa waxaa loo yaqaan Waafi oo ah isku xiraha Salaam Bank, Deeqtoon iyo Taaj Express Hawala.

" Qof socda ayaa gurigeeyga iigu yimaada ama aan ku ballamiyaa wadada kadibna lacagta ayuu markiiba iigu tuuraa qofka aan rabo, ima weeydiiyo su’aal ka baxsan magaca iyo telefoonka qofka aan lacagta u diraa, ima weeydiiyo sharcigeeyga oo xitaa magaceeyga looma baahna” ayey tiri Fadumo Ibrahim oo ka mida Somalida ku nool London.

"Taaj Express waxey Xawaaladaha oo dhan uga horeeysaa waxaa iska leh Hormuud Telecom oo lacagta qofkii heeysta Simcard Hormuud,Telesom ama Golis wuxuu ku helayaa daqiiqad gudaheed iyadoo aan wax dukumiintiya leeyska rabin” ayuu yiri Abdinur Mohamed Salad oo ka mida Somalida ku nool Netherlands.

Ganacsade laba sano ka tirsanaay Wakiiladda Europe ee Taaj Express ayaa sheegay in nidaamkii hore oo dhan la bedelay kadib markii Xarumahii horey u shaqeeyn jiray lagu hoos lamaaniyay Shaqsiyaad la soo xulay oo lacagaha ku dira Suuq Madoow.

Ganacsadahaan oo naga codsaday inaan magaciisa la xigan wuxuu yiri " Waxey ila tahay in Xawaaladda Taaj Express hadda isu bedeshay Xawaalad Al-Shabaab, wax badan ayey qarinayaan, lacagaha la diro iyo kuwa la soo diro annaga waxaa nagala geliyay Pending laakiin ninka dukaanka igu dhegan leh waa u shaqeeyneysaa, labadeena ma heysano sharci ogolaansho Xawaaladeed oo suuq Madoow ayaan ku dirnaa”

Dadka taageersan Al-Shabaab hadda waxey heystaan fursad ay lacagaha si joogtaa ugu diri karaan argagixisadda maxaa yeelay xawaalada Taaj Express uma baahna wax damiina.

Milkiilaha Taaj Express oo lagu magacaabo Ahmed Nur Ali Jim’ale waxaa horey looga xiray Xawaaladiisii Al-Barakaat isagoo lagu deray liiska argagixisadda laftiisa.

Sida muuqato isaga iyo kooxda la shaqeeysa ee Hormuud telecom,Taaj Express,Salaam Bank,Becco Power iyo Alburuuj Construction waxay sanado badan kadib ku dhiiranayaan iney gacan siiyaan argagixisadda iyadoo Shirkadahiisu yihiin kuwa Canshuurta ugu badan Al-Shabaab siiya.

By Sadia M Hassan

[email protected]


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...